Xaaji Xunjuf Posted June 5, 2011 Maxkamadda Berbera oo xukuno kala duwan ku riday Budh-cad badeed lagu qabtay Maydh Berbera(Waaheen) Maxakamada Gobolka Saaxil ayaa manta soo gabagabaysay dacwad dhageysigeedu socday labadii bilood ee udanbeeyay oo la xidhiidha lix Nin oo ku eedeysanaa budhcad badeednimo waxaanay maxkamada Gobolka ee Magaalada berbera lixdaa nin ee budhcad badeeda Ah ku fulisay xukuno kala duwan sababa la xidhiidha qirasho dambiga lagu eedeynayo oo qaarkood qirteen iyo qaar dafiray sida uu Sheegay Gudoomiyaha Maxkamada ee Gobolka saaxil Cismaan Ibraahi Daahir(Fanax) waxaana lixdan nin laga soo qabtay 24/march/2011 deegaanka maydh ee Gobolka Sanaag Waxaana soo qabtay ciidamada bada ee Jamhuuriyada Somaliland balse waxay Ay maxkamada Gobolku sheegatay qabashada ciidanka bada ee Somaliland ka hor ayaa waxa xubnahan budhcad badeednimada lagu Xukumay qabtay Ciidamada huwanta ah ee nato kuna hawlan ka safeynta budhcad badeeda biyaha caalamiga ah iyo kuwa Somaliyaba Waxaanay kooxdan Budhcad badeeda ahi markii ay arkeen markabka ku soo socda ee ciidamada nato ayay hubkii ay siteen bada ku Daadiyeen sida uu Sheegay Taliyaha C.I.D. Ibraahin Dhegaseyn oo isagu baadhayay kooxda kiiskooda gacantana ku hayay bilaw ilaa Manta oo la Xukumay ciidamada nato markii ay soo gaadheen ay aqoonsadeen in ay yihiin budhcad badeed kadibna ay laashka Ay wateen kaga Qoreen calaamad lagu garto budhcad badeeda oo caalamiya taas oo ah(EO75)taas oo uu sheegay Taliyaha C.I.D.du in Ay tahay calaamad Laysla wada yaqaan oo lagu garto budhcad badeeda Somalida waxaanu intaa ku daray taliyaha kiiskan baadhayay in Ay hadiyo jeer marka Ay hubka waayan ciidamada nato budhcad badeeda in ay iska sii daayan. Kadibna waxa kooxdan gacanta ku soo dhigay ciidamada bada ee Somaliland waxanay dabayaaqadii bisha march keeneen Gobolka Saaxil Kooxdan ayaa iyagu ku doodayay in ay yihiin kaluumeysato oo aanay aheyn budhcad badeed waxaanay intooda badani ka soo Jeedaa Deegaanka maamul goboleeedka Putland waxaana kamida qaar sheegtay in ay kamid ahaayeen ciidamada ilaalada dekeda Boosaaso halka Xubinta kooxdan watay oo magaciisa layidhaa Cumar Cabdilaahi Cabdi uu isagu ahaa Taliyaihii Ciidamada bada ee Somaliland ee Degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag waxaanu maxkamada horteeda ka qirtay in uu ahaa Taliyaha ciidamada bada Soamliland ee fadhiisinkoodu ahaa degmada Laasqoray balse waxa uu sheegay in uu iskaga tagay markii uu ku yaraaday mushaharka Ay Dawlada Somaliland Bixisaa sidaasna uu ku noqday kaluumeysato shaqada hada lagu soo qabtayna ay aheyd kaluumeysato waxaanu ku dooday in Aanay jirin wax raada oo lagu hayo in uu yahay budhcad badeed. Gudoomiyaha maxkamada ee Gobolka Saaxil Cismaan Ibraahin Daahir(Fanax)ayaa manta waxa uu ku dhawaaqay xukunkii gabagabada Dacwadan la xidhiidha kooxdan budhcad badeeda ah waxaanu sheegay markii uu dacwadan dhageystay kana bogtay warbixinaha Booliska Iyo ciidamadii soo qabtay iyo waliba qiraalka qaar kamida kooxdan budhcad badeeda ah waxa uu sheegay in uu soo saaray Xukuno kala Duwan isaga oo sheegay in uu ucuskaday xukunka lixdan xubnood ee budhcad badeeda ah qodobada kala ah 234x.c.guud.iyo 230.118-71X.C.guud. waxaanu intaa kudaray in uu ku xukumay xubinta qiraalka ah ee kamid budhcad badeedan oo Magiciisu yahay Maxamed Axmed Faarax(5)sanadood oo xadhiga Waxa kaloo uu iyana xukun xadhig oo iskumida oo ah min(8)sideed sanadood oo xadhiga uu ku riday shanta xubnood ee magacyadoodu Kala yihiin 1)- Cumar Cabdilaahi Cabdi(Hogaankii watay kooxda)(8)sanadood 2)- Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud(8)sideed sanadood 3)- Ducaale Jaamac Siciid(8)sideed sanadood 4)- Xaashi Nuur Maxamed(8)sideed sanadood 5)- Cigaal Maxamed Saalax(8)sideed sanadood 6)- Maxamed Axmed Faarax(5)shan sanadood Waxaanu halkaa Gudoomiyaha maxkamada ee Gobolka Saaxil kaga dhawaaqay in uu laashkii ay kooxdani wateen oo mishiinkiisu ahaa (40)hoos Power in uu ku wareejiyay Ciidamada ilaalada xeebaha ee Somaliland oo uu Taliyahoodu fadhiyay maxkamada Admiral Axmed AwCismaan kadibna waxa uu gudoomiye Fanax soo gabagabeeyay xukunkii waxaanu xidhay maxkamadii. Waxa aan maxkamada horteeda la keenin wax huba iyo wax laxidhiidha qalabka ay isticmaalan budhcad badeeda Soamlidu iyo wax Markhaatiya oo cadeynaya in ay kooxdani yihiin budhcad badeed balse waxa ay dabi baadhayaasha booliska ee kooxdan kiiskooda Baadhayay ay sheegen in ay kooxdani dhawr jeer oo kala danbeeyay ay maraakiib afduubeen kana qaateen madax furasho lacageed Iyaga oo maraakiibtaa ay afduubeen ka calaamadiyay markab laga leeyahay dalka talyaaniga oo ay sanadii 2008/bishii april ay kooxdani ka qaateen lacag madax furasho oo ay ku sheegen(3.000000)sadex milyan oo Dollar balse maxkamada horteeda lama soo dhigin wax Cadeyna oo la xidhiidha madax furashadaa ay ka qaateen markabkaa talyaaniga ah taliyaha C.I.D.da ee kiiskan soo Baadhay uu sheegay in ay doon iyo markab kalena ka qaateen madax furasho aanu xadigeeda cadeyn hase yeeshee waxan oo madax Furasho iyo afduuba oo lagu eedeynayo kooxdan ayaan wax maraga ama markhaatiya aan maxkamada la horkeenin balse waxa uu Gudoomiyaha Maxkamada ee magaalada berber Cismaan Ibraahin Daahir(Fanax)sheegay in mid kamida kooxdani uu qiraal la xidhiidha In ay yihiin budhcad badeed uu maxkamada horteeda ka sameeyay balse aanay saxaafdu wakhtigaa xaadir aheyn sidaasna uu Xukunkani ku yimi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 5, 2011 Maxkamada Gobolka Saaxil Oo Xukun ku Riday Koox Budhcad Badeed Ah June 5th, 2011 Berbera (Somaliland.Org)- Maxkamada Gobolka Saaxil ayaa maanta xukun xadhig ah oo kala duwan ku riday lix nin oo lagu helay inay falal budhcad badeednimo ah ka sameynayeen xeebaha Somaliland kuwaasi oo qorshanayay inay maraakiibta iyo doonyaha ganacsiga afduubaa. Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Saaxil Cismaan Ibraahim Daahir ayaa ku dhawaaqay xukunka kooxdan budhcad badeedka ah waxaanu sheegay in nimankan ciidanka ilaalada xeebuhu ay ku soo qabteen 24-kii March ee sanadkan biyaha xeebta gobolka Sanaag. CIsmaan Ibraahim Daahir waxa uu sheegay inuu xukunkan u ucuskaday Qodobada kala ah 234x.c.guud.iyo 230.118-71X.C.guud waxaanu u kala xukumay sidan:- 1)- Cumar Cabdilaahi Cabdi(Hoggaankii watay kooxda)(8)sanadood 2)- Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud(8)sideed sanadood 3)- Ducaale Jaamac Siciid(8)sideed sanadood 4)- Xaashi Nuur Maxamed(8)sideed sanadood 5)- Cigaal Maxamed Saalax(8)sideed sanadood 6)- Maxamed Axmed Faarax(5)shan sanadood Waxa kale oo la sheegay in kooxdan dooni yar oo ay wateen ay ku qornayd calaamad caalami ah oo ay ku qoreen ciidamada caalamiga ah ee wadamada NATO kuwaasi oo markii ay muddo hayeen inta ay hubkii ka dhigeen ku soo wareejiyay ciidamada xeebaha ee Somaliland. Waxa kooxdan ku jira Cumar Cabdilaahi Cabdi oo mar ka tirsanaan jiray ciidanka ilaalada xeebaha ee gobolka Sanaag kaasi oo Maxkamada horteeda ka qirtay inuu ciidamada xeebaha uga tagay mushahar yaraan isla markaana uu ku biiray kooxaha budhcad badeedda ee maamul goboleedka Puntland. Maxkamada Gobolka Saaxil waxay hore u xukuntay budhcad badeed badan oo gaadhaya illaa sideetameeye kuwaasi oo dhamaantood ku jira xabsiyada Hargeysa iyo Berbera. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 6, 2011 Great .......... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 7, 2011 Somaliland Court Sentences Six Captured Pirates to Jail Terms Jun 6, 2011 9:48 PM GMT+0200 . The Berbera Regional Court gave five of the pirates eight- year jail terms, while a sixth received a sentence of five years after he confessed to the crime, Osman Ibrahim Direi, head of the court, said yesterday. The six men were captured by Somaliland’s coast guard on March 24 near the coastal town of Maydh. Somaliland, a breakaway enclave in northern Somalia, in March opened a maximum-security prison built with United Nations funding to incarcerate convicted pirates. An increase in pirate attacks, spurred by a 36-fold jump in ransom payments in five years, has threatened vessels carrying 20 percent of world trade and raised expenses for shippers. Costs linked to piracy may reach $13 billion to $15 billion by 2015 as global trade rebounds and pirates operate over wider areas, according to research firm Geopolicity Inc. source bloomberg Quote Share this post Link to post Share on other sites