Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: 25 Somalia wide doctors start a 3 Months training course in Puntland

Recommended Posts

Garoowe:25 dhakhtar oo ka socda Guud ahaan Soomaaliya oo Tabobar 3bilood soconaya uu uga furmaya Isbitaalka Guud ee Garowe.

3. juni 2011

 

APL

 

Garowe:(Allpuntland)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka dowaldda Puntland Dr. C/risaaq Xirsi Xasan iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda Caafimaadka ayaa maalintii Arbacadii la kulmey wafti sare oo ka socdey Hay'ada laanqayrta cas ee caalamiga ah ee ICRC, waxaana xubnaha uu agaasimuhu la kulmey ay ahaayeen dhakhaatiir gaareysa 5 xubnood kuwaas oo tabobaro ka fulinaya Isbitaalka guud ee Garowe.

 

Waftiga ICRC waxaa hogaaminaysay haweenayda u qaabilsan Soomaaliya iyadoo qorshuhu uu dabasocdey heshiis ay bishii Maarso magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ay ku kala saxiixdeen Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame iyo Agaasimaha guud Dr. C/risaaq Xirsi heshiiskaasi oo dhigayay in ICRC ay tabobar Garowe ugu qabato 25 dhakhtar oo ka mid ah dhakhaatiirta dalka Soomaaliya iyadoo tabobarkaasi uu soconayo 3 bilood.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. C/risaaq Xirsi oo waftiga ICRC ku qaabiley xarunta Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in ICRC ay tabobarkeeda bilaabayso maalinta sabtida ah ee ay bishu tahay 4-June-2011, tabbarku waxa uu ka dhacayaa Isbitaalka guud ee Garowe iyadoo uu noqon doono saddex qeybood oo loo kala qaybinayo saddexda dhinac ee Soomaaliya Puntland, Somaliland iyo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

 

Tabobarkan waxa uu noqonayaa mid ku saabsan qaliimada deg deg ah oo dhakhaatiirta Soomaalida laga caawinayo inay aqoontooda kor u qaadaan ayna ka faa'iadystaan dhakhaatiirta khubarada ah ee hay'ada laanqarta cas ee caalamiga ah ee ICRC, sidoo kale tabobarka waxaa ka faa'idaysanaya Suuxiyeyaasha iyo Kalkaaliyeyaasha ka shaqeeya Isbitaalada Puntland kuwaas oo iyagana aqoontooda kor loogu qaadayo.

 

Tabobarkan Sabtida ka furmaya Magaalada Garowe ee caasimada Puntland waxa uu yahay mid muhiimad badan u leh Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland iyo bahda Caafimaadka Soomaaliya waxaana codsatey wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland iyado ay wasaaraddu doonayso inay ka shaqeyso kor u qaadida aqoonta bahda Caafimaadka iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo tabobar mudda intaa le'eg soconaya uu ka dhaco Puntland ayna fulintiisa iska kaashanayaan Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland iyo hay'ada ICRC.

 

Cabdulqaadir Warsame Yuusuf

Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

tabbarku waxa uu ka dhacayaa Isbitaalka guud ee Garowe iyadoo uu noqon doono saddex qeybood oo loo kala qaybinayo saddexda dhinac ee Soomaaliya Puntland, Somaliland iyo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

;);););););)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this