Sign in to follow this  
General Duke

Kampala: ICG meeting becoming a farce, Puntland +Sharif Sakin refuse any talk of extension

Recommended Posts

Kambala: M/weynayaasha Somaliya iyo Uganda hal sano halla kordhiyo. Mahiga, Sh. Xassan iyo M/weyne Faroole Lama kordhin karo.

Thu, 02 Jun 2011 15:04:34 -0400 pm -04:00 -14400

 

--------------------------------------------------------------------------------

Kambala, June, 02 - Shirka ka socda magaalada Kampala ee xarunta dalka Ugandha oo ay yeelanayaan kooxda xiriirka Somaliya oo ay xubno ka yihiin in kadan 40 dal ayna ka qaybgalayaan dhianacyada Somalida ayaa maanta lagu soo bandhigay aragtiyo kale duwan.

 

Kulankaan oo looga hadlayo siyaasadda Somaliya waxaa khudbad dheer ka jeediyey M/weynaha Dalka Ugandha Yu’weri Muzeveni oo shirka furay sheegayna inay tahay in muddoo hal sano ah loogu daro wakhtiga hay’adaha federalka, waxaa si taas la mid ah isna sheegay M/weyne Shariif oo shirka ka hadlay, laakiin Dr. Mahiga wakiilka gaarka ah ee xog’yahaha guud ee QM ee arrimaha Somaliya ayaa sheegay inay tahay in xal deg deg ah la gaaro.

 

M/weyne Faroole oo hoggaaminaya waftiga Puntland ee jooga Kampala iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka fedralka Shariif Xasan labaduba qaba inaysan sina suuragal u ahayn in wakhtiga la kordhiyo ayna muqadas tahay in doorasha la qabto. Laakiin warar aan la hubin ayaa sheegaya in Mahiga uu taageerayo in doorasho la qabto si aan arrintu faraha uga bixin.

 

Max’ed Siciid oo ah wariye Jooga goobta shirka ayaa Daljir u sheegay inuu socda dadaalkii ugu waynaa ee la doonayo in wax heshiis lagu yahay ay shirka ka soo baxaan.

 

Shirkaan oo ah kii 19-aad oo ay yeeshaan kooxda uu maraykanku asaasay ee International Contact Group ayaa la doonayaa in lagu dhammeeyo khilaafka ka dhextaagan hay’adaha dawladda, haddii uu fashilmana waxay u egtahay in arrintu gaari karto meel aan ka laabasho la hayn.

 

Axmed Sh. Maxamed ‘Tallman’

Radio Daljir

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this