General Duke Posted June 2, 2011 5 saldhig bilays oo Galkacyo ku yaalla oo maanta dayactir iyo dib-u-habayn lagu bilaabay. Thu, 02 Jun 2011 12:38:06 -0400 pm -04:00 -14400 -------------------------------------------------------------------------------- Galkacyo, May 31 - Dayactir iyo dib u habayn baaxad leh ayaa maanta lagu bilaabay dhammaan xarumaha ciidamada bilayska ee magaalada Galkacyo taasoo ay ku-hawlan yihiin guddi-maamuleedkii dhawaan gobolka loo magacaabay. Xarumaha ciidan ee sida siman maanta looga wada bilaabay qorshaha dayactirid ayaa waxaa ay kala yihiin qaybta ciidanka bilayska gobolka Mudug, saldhigga dhexe ee Galkacyo, saldhigyada Warshad-gallay, Miir iyo Jeelka weyn ee maxaabiista. Qorshahaan lagu dayac-tirayo dhismayaasha xarumaha bilayska ee magaalada Galkacyo ayaa iskugu jira ku-kordhin-dhismayaal cusub, baddalid alaabbabada iyo daaqadaha duugoobay, rijiyeeyn iyo sidoo kale qorxin iyo qaabayn xafiiseed. Xaflada lagu daah-furayey qorshaha dib loogu hagaajinayo xarumaha bilayska Galkacyo ayaa maanta lagu qabtay qaybta ciidanka bilayska ee magaalada Galkacyo waxaana xafladdaasi ka soo qayb-galay xubnaha guddi-awoodlaha maamula gobolka iyo degmada, taliyayaasha bilayska laamigiisa kala duwan ee gobolka Mudug iyo sidoo kale wax-ku-ool bulsho oo lagu martiqaaday kulanka. Guddoomiyaha guddiga maamulka ahna guddoonka gobolka iyo degmada Cabdiraxmaan Maxamuud Cuuke oo hadal-kooban ka jeediyey kulanka lagu daah-furayey qorsha dib loogu habaynayo saldhigyada ayaa sheegay tallaabadaani in ay qayb ka tahay qorshayaal maamulkiisa u degan loogana shaqaynayo amniga iyo hormarka gobolka. Sidoo kale xarumo dawladeed oo badan ayna ka mid tahay xarunta guddoonka waxbarashada ee gobolka Mudug ayaa iyana ka mid ah meelaha lagu talo jiro in dib u habayn noocaan oo kale ah lagu sameeyo. Saldhigyadaan bilayska ee maanta dib-u-habayntooda la bilaabay ayaan muddo dheer helin wax daryeel iyo dayactir muuqda ah marka laga reebo rinjiyeeyn xilliyo kala duwan lagu sameeyey, waxaana ay tani hordhac u tahay tallaabooyin maamulka cusub oo dhawaan sheegay in uu u qaadi-doono xagga nabad-galyada iyo hormarka. C/fitaax C Geeddi, Radio Daljir. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 2, 2011 Dowlada Puntland Puntland State Soomaaliyed of Somalia Maamulka Magaalada Gaalkacyo Galkio Administration City ( Xafiiska Duqa Magaaladda Gaalkacyo) REf.XDM/DG/ /2011 01-June-2011 2010 Subject: Soo gudbin wax qabad iyo qorshe hawleed dhamaadka sanada 2011. Waxaa sharaf wayn noo ah inaan halkaan ku soo gudbino waxqabadkii intii la magacaabay guddiga horumarinta iyo amniga gobolka Mudug. Waxqabadkii Maamulka Amniga Qaboojinta iyo xal u raadinta dhacdadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo xilwareejintii kadib dhamaadkii bishii April-2011 taasoo dhex martay beelaha walaalaha ah ee wada daga gaalkacyo,ayadoo uu maamulku gogol u fidiyey beelahaas wada hadalsiiyayna mudo badan si nabad iyo wada hadal loogu dhameeyo dhacdadaas. Degmadu waxay ka qayb qaaday isku xirka saldhigyada ku yaala magaalada gaalkacyo kuwaasoo wadaagaya warbixin maalmeedka sidoo kale waxay qayb ka ahayd hawlgallada habeenkii ay fuliyaan ciidanka roondooyinka ah ee suga amniga magaalada gaalkacyo. Degmadu waxay ciidan iyo qalab ku biirisay ciidanka habeenkii ka hawl gala magaalada si ay u sugaan nabad galyada magaalada. Nadaafada 1. Degmadu waxay qortay 30 qof oo shaqaale cusub oo nadaafadeed ah kuwaas oo loogu tala galay inay ka qayb qaataan nadaafada magaalada gaalkacyo iyo qashin uruurinta baraha kala duwan ee qashinku yaalo. 2. Degmadu waxay u samaysay shaqaalahaas laga keenay xerooyinka qaxootiyaasha darays u qaas ah kuwaas oo ay kaga soocan yihiin shaqaalaha kale ee dawladda hoose. 3. Degmadu waxay ka qayb qaadatay maaraynta booli biyoodyada magaalada gaalkacyo waqtiga roobabku da’ayeen. 4. Waxay gaadiidka dawlada hoose ku soo kordhisay gaari iska rogo ah, halkii ay markii hore ka shaqayn jirtay hal iska rogo oo kaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 2, 2011 Horumarinta Maamulka Waxay degmadu samaysay guddi qiimayn ku samaynaya shaqada, baahida iyo waxqabadka waaxyaha dawlada hoose ee degmada gaalkacyo kaasoo la rajaynayo inuu hawshiisa soo afmeero maalmaha fooda inaku soo haya. Waxay Degmadu samaysay darays u qaas ah collectorska canshuuraha ku waajibtay shacabka reer Gaalkacyo iyo waliba ID Cards lagu aqoonsado. Waxay Degmadu koronto galisay xabsiga magaalada gaalkacyo una soo gaday matoor koronto, xabsigaas oo markii hore aan lahayn koronto galin iyo matoor midna. Waxay Degmadu u dhistay maamul si xor ah lagu doortay xerada qaxootiga ee Tawakal taas oo ay in badan ka jirtay muran aan dhamaan. Degmadu waxay kor u qaaday wada shaqaynta laamaha dawladda dhexe ee heer degmo iyo heer gobolba ah ayadoo ku salaynaysa iskaashiga iyo wada shaqayntu inay tahay waxa kaliya ee looga miro dhalin karo xaalada degmadu ku jirto hadda. Qaadashe shaqaale cusub kuwaasoo loosoo marayo habka qaadashada shaqaalaha ee caalamiga sida shaqo dhajin,imtixaan loo siman yahay oo cadaalad ku dhaca. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 2, 2011 Qorshaha Waxqabadka Degmada bilaha soo socda Dayactirka saldhigyada degmada gaalkacyo. Dhamaystirka wadada airporka iyo stadiumka gaalkacyo Dayactirka dhamaan Gawaarida,Cagafyada iyo agabka kala duwan ee D/hoose ee aan shaqaynayn Dhisida suuqyo laga adeegto gudaha xero dayah iyo waliba meelo ka mid ah xaafadaha magaalada gaalkacyo. rarida kastamka halaboqad iyo dibu dajinta meel munaasib ku ah. sii dhamaystirka ololaha nadaafada iyo saro u qaadida bilicda magaalada furitaanka xerada gawraca xoolaha furitaanka wadooyin cusub iyo dayactirka kuwii horay u jiray. sii wadida dibu dajinta qaxootiyaasha iyo u samaynta guryo ku meel gaar ah sida xerooyinka halaboqad iyo tawakal. ka qayb qaadashada iyo taakulaynta amniga dhisida aargooyin ay leedahay magaalada gaalkacyo bilaabida xarun dawladda hoose ay leedahay oo u noqon doona xafiisyo kaas oo uu hirgalin doono barnaamijka horumarinta degmooyinka ee loo yaqaano JPLG. tababarida shaqaalaha dawlada hoose iyo madaxda waaxyaha barnaamijyada kala ah Maamulka, kormeerka iyo baarista, habka loo sameeyo qorsha shaqeedka iyo habka report celinta, xisaabaadka IWM. Kuwaasoo dhamaan dhisiya aqoonta shaqaalaha dawladda hoose waxaana barnaamijkaas hirgalin doona barnaamijka horumarinta degmooyinka ee JPLG. Tayaynta maamulka xaafadaha, tuulooyinka iyo deegaamada hoos yimaada degmada gaalkacyo. Iskaashiga iyo wada shaqaynta hay’adaha UNka iyo kuwa caalamiga ah wixii qorshayaal iyo horumarin ah oo ay ka hirgalinayaan degmada gaalkacyo. Waxaa noosoo gudbiyey. Mohamed Abdulkadir Dirir Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 2, 2011 Gaalkacyo:Gudiga Amaanka & hormarinta gobolka Mudug oo Hormar dhinacyada Nadaafada, Amaanka & maamulka ah sameeyey Kadib Bil ay magacownaayeen. 1. juni 2011 APL Gaalkacyo:(Allpuntland)-Maamulka cusub ee amaanka & hormarinta gobolka Mudug oo ay maanta bishii koowaad ee xiligii lasoo magacaabay ayaa ay maanta soo gudbiyeen qeybo kamid ah waxqabadkoodii mudadii bisha ahayd ee ay jiraan taasoo lagu soo bandhigay xaflad balaaran oo ka dhacday xarunta dawlada Hoose ee degmada Gaalkacyo oo ay ka qeybgaleen maamulka cusub ee gobolka Mudug & boqolaal kamid ah shaqaalaha Puntland ee gobolka Mudug. Hadaba halkaan ka akhri waxqabadka Maamulka ee dhinacyada Arimaha Bulshada, Amaanka & kobcinta maamulka ee mudadii uu jiray. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fiqikhayre Posted June 2, 2011 Maashaallaah, a new start and beginning. Hope the new admin succeeds in all its plans for the city. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 3, 2011 Governor Cuuke Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 3, 2011 Shaqaalaha Dowladda Hoose Gaalkacyo Oo Hormarin Lagu Sameeyay (Sawiro) Gaalkacyo (RBC Radio):- Xaflad balaaran oo ka dhacdey gudaha Dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo tan iyo intii la soo magacaabay. Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeybgalay Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke, Gudoomiye xigeenka Guddiga Mudane Daahir Maxamuud Muuse, Xoghayaha Dowladda Hoose Axmed Xasan Aadan iyo dhamaan Saraakiisha iyo Shaqaalaha dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo. Xaflada ayaa waxaa soo xaadirey shaqaalaha dowladda hoose qeybahooda kala duwan oo si heer sare ugu soo lebistay dharkii lagu yaqaaney shaqaalaha dowladda hoose qeybtooda canshuurta qaada iyo kuwa ka shaqeeya nadaafada iyo hagaajinta bilicda, kuwaasi oo aan horey lebiska noocaasi ah u heysan. Shaqaalaha qaada canshuuraadka ee ka tirsan dowladda hoose ayaa markii hore ku shaqeyn jiray lebiska ciidanka ee Tuutaha loo yaqaan haatanse waxaa loo xiray lebiskii ku haboonaa ee ay ka muuqato astaanta dowladda hoose, waxaana sidoo kale lebis qurxoon loo xiray dhamaan shaqaalaha ka shaqeeya hagaajinta bilicda iyo nadaafada. Gudoomiye xigeenka Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug Mudane Daahir Maxamuud Muuse ayaa waxaa uu ka hadley munaasabada wuxuuna ka waramay waxqabadka dhabta ah ee maamulku ka sameeyay magaalada Gaalkacyo tan iyo intii la soo magacaabay mudo bil ka hor. Mudane Daahir waxaa uu sheegay in ay wax ka qabteen biyaha wasakhda ah ee dariiqyada fariista, isla markaana ay fureen biya booliyadii oo ay ku shubeen biyihii fariisan jirey wadooyinka, wuxuu sidoo kale sheegay in nadaafada wax badan ay ka qabteen gaar ahaan in si xowli ah magaalada qashinka looga daabulay isla markaana ay soo iibiyeen gaari cusub oo nadaafada ka qeyb qaata. Sidoo kale wuxuu Gudoomiye xigeenku sheegay in ay dayactir balaaran ku sameeyeen Taliska Qeybta Booliska G/mudug, Xabsiga dhex ee magaalada oo koronto la galiyey, Saldhigyada ciidanka oo iyaguna dib loo hagaajinayo iyo dib u habeyn guud oo lagu sameeyay ciidamada dowladda hoose, madaniga iyo kuwa Booliska. Xoghayaha dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo Axmed Xasan Aadan ayaa ka mahad celiyay sida Guddiga Amniga Gobolka Mudug ay u wadaan shaqooyinka ku saabsan horumarka Gobolka Mudug, wuxuuna intaa ku daray in dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo iyo shaqaalaheed ay diyaar u yihiin in ay shaqeeyaan har iyo habeen maadaama ay ka shaqeynayaan horumarka iyo amniga Gaalkacyo. Shaqaalaha dowladda hoose ee qaabilsan canshuur qaadista RBC Radio. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 3, 2011 Mas'uuliyiinta Guddiga Amniga & Shaqaalaha dowladda hoose Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 3, 2011 Madaxda Gobolka & Shaqaalaha nadaafada ee Dowladda hoose Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 3, 2011 Shaqaalaha dowladda hoose ee qaabilsan canshuur qaadista Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 4, 2011 Somalia: Puntland Police Officer Escapes Bomb Blast Galka'yo — A police officer on Friday morning has scarcely escaped from heavy roadside bomb attack at the center of Galka'yo town in Mudug region in central Somalia. Ahmed Muse Abdurrahman, Puntland head of the operations at Mudug region has come under the attack while his private car was traveling in the town. Witnesses said that the bomb was very heavy as it was heard in many parts of Galka'yo's neighborhoods. At least two people who were near at the explosion have been injured, according to the locals. Shabelle contacted the officer and said that he was the target but fortunately survived. Allafrica.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 17, 2011 Bayaan Taageero: Wadahadalka Amniga Gobolka Mudug iyo Dadaalada hoprumarineed ee gobolka ka socda Posted by Pi on June 17th, 2011 Dubai:- Waxgaradka, siyaasiyiinta, culumada, aqoonyahanka, ganacsatada iyo dhalinyarada reer Puntland iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee samaha jecel ee ku nool United Arab Emirates waxay hambalyo iyo bogaadin balaaran usoo gudbinayaan Guddiga maamulka, Issimada iyo waxgaradka reer Mudug ee u istaagay sugida amaanka Galkacyo. Shirarkii iyo dadaaladii aad dhawaan muujiseen ayaa ahaa kuwa lagu diirsaday, iyadoo ay si gaar ah noo soo jiiteen erayadii qiirada lahaa ee Suldaan Cabdisalaam. Haddaba, waxaan idin ku dhiirigalinaynaa Guddiga, waxgaradka, gabdhaha iyo dhalinyaradaba inay xoojiyaan dadaalada lagu raadinayo xal u helida arrimaha amniga iyo nabadgelyada ee Gaalkacyo iyo guud ahaan Puntland. Waxaan idinka rajaynaynaa inaad kordhisaan, siina laban-laabtaan dadaalkiina. Dhinaca kale, waxaan idin sheegaynaa inaan idin la garab taaganahay taageero buuxda, annagoo idinku adkaynayna niyad sami, sama ka talin iyo midnimo aad ku wajahdaan xalinta arrimahaan soo noq-noqday. Ugu dambayntii waxaan idiin rajaynaynaa guul iyo liibaan aad ka gaartaan barnaamijka nabadeed ee Guddiga cusub iyo waxgaradka reer Mudug isu xilqaameen inay ku wajahaan si midnimo iyo daacadnimo leh. Mahadsanidiin Waxgaradka reer Dubai Quote Share this post Link to post Share on other sites