OdaySomali Posted June 2, 2011 CALUULA:- Wararka naga soo gaaraya Degmada Caluula ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas ay kataagan tahay Xiisado dagaal oo udhaxeeya Maamulada puntland iyo Raascaseyr. Xiisadan dagaal ayaa Timid kadib Markii ay Magaalada Caluula ay kudhawaadeen Ciidamada Puntland isla markaana ay iyagana dhaq dhaqaaqyo dagaal ay bilaabeen Ciidamada Raas Caseyr. Saciid Yuuf Diiriye oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Raasacaseer ee degmada Caluula ayaa Sheegay in Ciidamada Maamulka Raascaseyr aysan u adkaysan doonin dhibaatooyin uu sheegay in ay kuhayaan Ciidamada Puntland. Waxaa uu Tilmaamay in ay ka go’een Maamulka Puntland kadib Markii ay ka waayeen xaqii ay lahaayeen haatana ay diyaar uyihiin in ay dhulkooda difaacdaan. Maamulka Puntland ayaa horay wacad ugu maray in aysan jirin karin cid kala goysa Dhamaan Deegaanada Maamulkooda. WARQAAD.COM Quote Share this post Link to post Share on other sites
OdaySomali Posted June 2, 2011 Xiisado dagaal oo u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Ciidamada Maamulka Raascaseyr ayaa ka jirta degmada Caluula ee gobolka Bari, Xiisadaani dagaal ee laga dareemayo degmada Caluula ayaa waxaa ay ka dambeysay kadib markii Ciidamada Puntland maalmihii u dambeeay ay weerarro isdabajoog ah ku qaadeen degmadaasi taasi oo sababtay in Maamulka Raasacaseyr uu isdifaaco islamarkaana Dagaal adag uu la galo Maleeshiyaadkii Puntland ee soo weeraray Deegaannadooda. . Saciid Yuusuf f Diiriye oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamulka Raasacaseyr ee degmada Caluula ayaa waxaa uu sheegay inay inay ka madaxbanaanyihiin Maamulkaasi, isagoo carabka ku dhuftay inay diyaar u yihiin duulaan kasta oo kaga yimaada dhinaca Puntland in ay iska difaacaan. Wixii ka dambeeyay markii degmada Caluula ee gobolka Bari looga dhawaaqay Maamulka Raascaseyr ayaa waxaa jiray Xiisdaha dagaal ee u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Ciidamada Maamulka Raascaseyr, waxaana Mas’uuliyiinta Maamulka Raascaseyr ay sheegeen in xiisaddaani ay sabab u yihiin markii sida ay sheegeen xubno ka tirsan Maamulkoodu Puntland ay ku xirtay Magayalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari. HILAAC Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 2, 2011 Caluula, what a beautiful place. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 4, 2011 Allah ha sahlo .... the last thing Somalia needs is a new civil war. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 4, 2011 Jacaylbaro;726087 wrote: Allah ha sahlo .... the last thing Somalia needs is a new civil war. say walahi Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jiiroow Bakaal Posted June 5, 2011 **********please don't use clan names again*********** Admin Quote Share this post Link to post Share on other sites