Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: ucid chairman faisal cali Xuseyn Waraabe returns back home+PICS

Recommended Posts

Guddomiyaha Xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe Oo Ay Saaka Magaalada Hargeysa Ku Soo Dhaweyeen Kumanaan Taageeryasha Xisbigiisa Ah..

Hargeysa (Waaheen) Guddomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ay soo dhaweyeen Kumanaan Dadweynaha reer Hargeysa, ee Tageera Xisbiga Ucid, Waxa kale oo soo dhaweyey masuuliyiin fara badan oo ka socday xisbiga Mucaaridka ah ee Udub oo ay ka mid yihiin Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md.Axmed Yusuf Yaasiin, iyo Xubno aad u badan oo ahaa wasiiradii xukumadii Riyaale, Soo dhawayntan la soo dhaweyey ayaa ahayd mid ka danbeysay kadib markii uu Guddoomiyuhu ka soo dagay madaarka Berbera Shallay iyada oo maanta laga hortagay meel 40KM u jirta Caasimada Hargeysa.

 

 

 

Guddomiyaha ayaa u mahad celiye tageeryaashiisa iyo Madaxda Xisibga Mucaaridka ee Udub, waxanu tageerayaashiisa kula hadlay Xarunta dhexe ee Xisibga Ucid ee magalada hargeysa, waxanu sheegey in uu ku maqnaa Socdaal qaatay muddo 2billood ah kaasi oo uu ku tilmaamay mid nasasho, waxan uu ka dayriyey xalada Somaliland wakhitgan ku sugan tahay.

 

Waxa kale oo uu sheegay in ay kala saaridoonan Guddomiyaha iyo Musharax Isaga oo tilmamay in Xisbigoodu aanu aqbalyeynin in la furto Uururo siyaasadeed, Waxanu dadka hanka Madaxweyne leh ugu baaqay in Xisbigiisaay yimadaan oo ay madaxweyne haddii ay doonayaan iska soo sharaxaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa: Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Sheegay In Furashada Ururadda Siyaasadu Dalka Khalkhal U Horseedi Karta, Daneeyayaasha Furashadana Ugu Baaqay Inay UCID Ku Biiraan.

 

Hargeysa (Ramaas) June 2,2011 – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee cadaaladda iyo daryeelka (UCID) Md Faysal Cali Waraabe oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa daneeyayaasha furashada ururada siyaasadda ugu baaqay inay soo galaan xisbiga UCID.

 

Md Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in furashada ururaddu dalka u horseedi doonto mushkilad, sidaas daraadeedna ay haboon tahay in qolooyinka doonaya inay furtaan ururo siyaasadeed ay galaan xisbiga UCID, isaga oo balan-qaaday inuu isagu u banayn doono.

 

Guddoomiyaha oo maanta khudbad u jeediyay taageerayaasha xisbiga UCID oo Hargeysa ku soo dhaweeyay, ayaa hadalkiisa ku bilaabay isaga oo arimahaa ka hadlaya “Waxa weeyaan inaynu ka tashano ururada la furayo, waad ogeydeen markii aanu ururada furaynay dhibaatadii naga qabsatay waa laga soo wada horjeeday oo shir-beeleed ayaa la doonayay, shir beeleedkaasina wadkii Somaliland ayuu noqon lahaa, maantana ururada waxaanu u aragnaa inay dhibaato keenayaan wayna ina furfurayaan oo jees jees ayay inaga dhigayaan oo cirka iyo dhulka ayay la kala sheegan doonaa.”

 

Eng Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu soo qaaday “Saddex xisbi ayaynu leenahay, anaga nooma afduubna xisbiyadu, laakiin xisbigu waxa uu u baahan yahay in tacab la gashado, in la dhiso oo lagu jiro oo laga shaqeeyo, laakiin baarashuud ayaan ku soo degayaa ma soconayso, markaa waxa aanu anagu u jeednaa axsaabta soo galla oo tacabka aanu galinay oo kale galiya, 19-sanadood ayaanu Somaliland geed kasta u seexanay, toban sanadood ayaanu xisbiga mooyaane aanan wax kale ka shaqayn.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaanu ugu baaqaynaa ragga axsaabta doonaya ninkii leh aniga ayaa Madaxwayne wanaagsan noqonow kaalay kaalay anaga ayaa ku dooranayna oo kuu baneynaynee, laakiin khalkhal wadanka ha galinina, waxaanu shirka golaha dhexe keeni doonaa in aanu musharaxa xisbiga iyo musharaxa kala saarno, laakiin waxaanu leenahay kii wax isla hayow kaalay walaal oo imika soo gal xisbiga oo marka aad saddex bilood joogto ha cararine adkayso.”

 

Guddoomiyaha xisbiga UCID, waxa kale oo uu ka hadlay “Saxaafadu waxay baryahan dambe qoraan UCID way is-haysataa, walaalayaal UCID isma haysato, waa dimuqraadiyad, waala doodayaa, guddoomiyaha waa lala doonayaa, isaguna wuu doodayaa laakiin khilaaf ahi ma jiraan ILAAHAYNA ha inaga hayo.” Ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyay “Laakiin hadda hadba qolada tallada dalka haysaa ay tidhaahdo anaga ayaa talinayna taasina socon-mayso walaalayaal, waayo dalku wuu inaga dhaxeeya codkii waad hesheen laakin waa in arimaha waawayn laga wada tashadaa oo la is-wargaliyaa.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this