Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Ciidamda Xooga Dalka oo la wareegay Shiirkole iyo Al-baraka, kuna si wajahan Baar Ubax iyo Black Sea

Recommended Posts

dagaal qaraar kaddib waxaa laga fara maroojiyay Maleeshiyaadka khawaarijta shabaab Goobo Istiraatiiji ah oo ay ka mid tahay dhismaha ay lahaayeen saraakiisha oo loo yaqaan SHIRKOLE, iyo sidoo kale Xafadda Al-baraka, Waxana hadda ciidamdo ku si siqayaan Xafadda Baar Ubax Iyo Black Sea,

 

Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacyo so gaaray Shabaab, Wararka ayaa waxa kale oo ay shegayaan in ay jiraan Maxaabiis ay ku jiraan Horjoogayaal dagaalka hogaaminaaye.

 

Naga Suga Warar kale iyo sawirro Insha Allaah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo xoog leh ayaa waxay maanta ay ka dhaceen magaalada Muqdisho, iyadoo ay daba-socdeen dagaalo kaloo xalay gil gilay gees ka gees magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, waxayna dagaaladu u dhaxeeyeen dhinacyada isu haaya gacan ku heynta magaaladda Muqdisho.

 

Dagaalada ayaa waxaa maanta soo qaaday ciidamadda dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, isla-markaana waxay dagaaladu ay ka fureen dhawr aagag ah, taasoo ka dambeysay in Shabaab dagaalada lagu jahwareeriyo,

 

Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxay duullaano saf balaaran leh ay ka qaadeen degmooyinka Hodan, Hawl Wadaag iyo Wardhiigleey, iyadoo dagaaladu xoogoodu ay ka dhaceen degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

 

Hugunka sawaxanka madaafiicda cul culus ayaa waxay maanta ay si weyn ay u ruxeyn Xaruuntii Shirkoole Officiale ee degmada Hodan, isla-markaana Ciidamadda Xoogga Somaliyeed oo garabsanaaya ciidamadda Amisom ayaa waxay ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay ka saareen dhufeyso badan oo uu Shabaab ku lahaa hareeraha Shirkoole Officiale.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamadda dowladda Soomaaliya ay aagag badan oo ku yaalla degmooyinka Hodan iyo Hawl Wadaag ay maanta ka saareen calanka astaanta u ah Xarakada Al Shabaab, isla-markaana waxay aagagaasi oo idil ay saareen calanka Jamhuriyada Somaliya.

 

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa waxay maanta ay fuulleen bero dhaadheer oo ay ka lulanaayeen calanka Xarakada Al Shabaab, iyagoo si geesinimo leh uga soo dejiyay calanka Shabaab, uguna badalay calanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

 

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in ciidamadda dowladda Soomaaliya ay guud ahaan ku sugan yihiin aagagii ay maanta kala wareegeen ciidamadda Xarakada Al Shabaab, iyadoo qorshaha dowladda uu yahay, sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd guud ahaan magaaladda Muqdisho.

 

Sidoo kale dagaalada maanta hareereeyay magaaladda Muqdisho ayaa waxay geysteen khasaarooyin xoog leh oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kooxihii dagaalamay iyo shacabka ku dhibaateysan dacalada caasimadda Soomaaliya, isla-markaana warar horu-dhac ah oo khasaaraha dagaalada laga helaayo ay sheegayaan, in dagaaladu ay ku dhinteen in ka badan 12 ruux oo u badan dhinacyadii dagaalamay, halka dhaawacyaduna ay intaasi ka badan yihiin.

 

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab ayaa siyaabooyin kala duwan uga hadlay dagaalada qaraar ee maanta gil gilay magaaladda Muqdisho, isla-markaana waxay kala sheegteen guulo balaaran.

 

Si kastaba ha-ahaatee dagaalada culus ee maanta ruxay magaaladda Muqdisho ayaa waxaa la-dhihi karaa waa kuwo ay guulo balaaran ka gaartay dowladda Soomaaliya oo garab balaaran ka helleysa ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal culus oo saaka ilaa duhurkii ka dhacayay qeybo ka mid ah degmada Hodan, iyadoo goobo hor leh ay dagaalada saaka ku fideen oo Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay u dhaqaaqeen, iyagoo saldhigyo ku yaal aagga Shirkoole ay la wareegeen.

 

Gulufkan dagaal oo saaka ahaa kii ugu ballaarnaa ayaa waxaa ka qeyb qaatay Guutooyinka 4aad iyo 3aad ee Ciidamada Xooga dalka, kaasoo ay kala hogaaminayeen Col. Goobaanle iyo Cagey, iyadoo Ciidamada saaka ay ku sii siqeen Wadooyinka Warshadaha iyo Sodonka.

 

Dagaalka saaka waxaa uu daba socday mid ballaaran oo xalay Shabaab soo qaadeen, ayaa Ciidamada Dowladda waxay kula wareegeen Xaruntii Shiirkole, Guryihii Saraakiisha iyo saraakiil xigeenada iyo Xeradii Tolmada iyo Harqaanka.

 

Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Jen. C/kariin Dhega-Badan ayaa sheegay in fariisimihii ugu weynaa Shabaab ee aagga Shirkoole ay ka saareen, isla markaana haatan wixii ka dambeeyay ay horay u sii socon doonaan.

 

Sidoo kale Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay inay ka dajiyeen Xarunta Shiirkole Calanka Al-Shabaab halkaas u surnaa, iyagoo tilmaamay inay ka carareen calankooda, waxaana ay sheegeen inay ku badaleen Calanka Buluuga ee Jamhuuriyada Soomaaliya ee Xidigta shanta gees ku leh dhexda.

 

Dagaalkii saaka ayaa sababay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo Madaafiic kala duwan ay ku hoobteen jidka Warshadaha qeybo ku dhirirsan oo dad rayid ah ay ku waxyeeloobeen.

 

Ciidamada Dowladda ayaa wali wada tallaabooyin ay isku sii fidinayaan qeybo hor leh oo ka mid ah degmada Magaalada Muqdisho, iyadoo istiraatiijiyada haatan muuqata ay tahay mid Suuqa Bakaaraha lagu go'doominayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

waxaan Inoo suuro gahshay maanta inaan tagno goobaha ay la wareegeen Ciidamada xooga dalka Soomaaleed Sida Shiir kole Al baraka waxayna kusii jeedaan ciidamadda Black Seaa, baar Ubax iyo Dhamaan Suuqa bakaaro

 

PIC_0484-515x289.jpg

 

PIC_0469-515x289.jpg

 

PIC_0468-515x289.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Do any of you watch Soomaali National Television (Telefashinka Qaranka Soomaaliyeed) based in Xamar? Waayo, waayo lasoo xasuusanaa. Meelahee qabsadaana isla markii soo saaraan. Xamar burbur xoog la haray runtii, wixii la qabsado ama aan la qabsaninba Shiirkole haddeeba saas u egtahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar maxaa uu maleeysay neh 20sano ayeey dagaal ka socotaa..Dowladda dhankan KPP iyo African Village iyo Aagaas ayeey joogeen beryahaan hadda saa lo sheegoyo Al baraka iyo dhismaha circolo (shiirkoole) officiaale ay la waregeen..

 

MMA intee laga daawada neh SNT ma ii so ogaan kartaa hadii mowjadda Hotbird laga daawan karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowlada oo Deegaano hor leh Shabaab kala wareegay.

 

WARQAAD.COM

 

Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya oo kaashanaya Amisom ayaa maanta lawareegay gacan kuhaynta Meelo ay Shabaab horay uga talin jireen.

 

Dagaalka ayaa waxaa uu daba socday Dagaalo xoogan oo ay Xalay Shabaab ku qaadeen Saldhigyada Amisom iyo Dowlada ee Wasaaradii Gaashaandhiga kadibna waxaa saakay qarxay Dagaal kale oo ay galeen Guutooyinka 4aad iyo 3aad ee Ciidamada Xooga dalka, kaasoo ay kala hogaaminayeen Col. Goobaanle iyo Cagey.

 

 

Meelaha Shabaab lagala wareegay ayaa waxaa kamid ah Xaruntii Shiirkole, Guryihii Saraakiisha iyo saraakiil xigeenada iyo Xeradii Tolmada iyo Harqaanka.

 

 

Abaanduulaha Ciidamada Qalabka sida Gen.C/Kariin Dhegabadan oo shir jaraa’id ku qabtay Guryihii Saraakiisha ayaa u mahadceliyay Saraakiisha kala ah Taliyaha Guuttada 3-aad C/llaahi Cageey iyo Taliyaha guuttada 4-aad Goobaanle oo ahaa Saraakiishii hoggaamineeysay howlgalkaasi.

 

 

Waxaa uu sheegay in uu Dagaalku soconayo inta Shabaab laga saarayo qeybaha kala Duwan ee Magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this