Xaaji Xunjuf Posted May 31, 2011 Ahlu Sunna oo guulo ka sheegtay dagaal ay la galeen Shabaab Buulaburde: (Sh. M. Network) Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa guulo ka sheegtay dagaal shalay galinkii dambe gobolka Hiiraan ay kula galeen Xarakada Al Shabaab. Gudoomiyaha Culumaa’udiinka Ahlu Sunna C/casiis C/laahi Cabdi ee degmada Buuloburde oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa guulo ka sheegtay dagaal shalay galinkii dambe ciidamadooda ay la galeen Xarakada Al Shabaab Dagaalka dhexmaray Ahlu Sunna iyo Shabaab ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay deegaano lagu magacaabo Saylan iyo Bukuroow oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan, waxaana dagaalkaasi la sheegay inay qaadeen ciidamda Al Shabaab. C/casiis C/laahi Cabdi ayaa waxaa uu intaasi ku daray in in jab xooggan ay gaarsiiyeen ciidamadii weerarka kusoo qaaday ee Al Shabaab, isagoo sheegay inay dileen 30-dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab, waxaana dhankooda uu xaqiijiyay in uusan soo gaarin wax qasaaro ah sida uu hadalka u dhigay. Majiro wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan guulaha ay sheeganayaan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo ku aadan dagaalkaasi, hase ahaatee dagaalkaani ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa dagaalada inta badan Ahlu Sunna iyo Shabaab ku dhexmara qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya. Aqristayasha waan ka raali galineynaa soo daahida wararka cilado dhinaca intarneetka oo naheysta awgeed Quote Share this post Link to post Share on other sites
caydarus Posted May 31, 2011 Sheikh Abdullahi Sheikh Abdirahman Abu Yusuf, the spokesman of Ahlu Sunna Walajam’a says their fighters defeated the Shabaab in battles in towns in central Somalia and will continue to chase them until they clear from the region. Quote Share this post Link to post Share on other sites