Somalina Posted May 30, 2011 May 29th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Xaflad lagu maamuusayay sanad guuradii labaatanaad ee ka soo wareegtay xiligii awooda laga tuuray sanadkii 1991-kii Madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya Mingistu Hayla Mayran, ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa. Xafladaasi oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada wadanka Itoobiya ee ku dhaqan Somaliland iyo safaarada Itoobiya ku leedahay Magaalada Hargeysa waxa ka soo qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibada, Shirgudoonka Golaha Wakiilada, masuuliyiinta sadexda xisbi qaran iyo jaaliyada Itoobiya ee ku dhaqan Hargeysa. Wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland oo furitaankii xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay munaasibada labaatan guurada ka soo wareegtay markii tallada dalka Itoobiya laga tuuray kaligii Taliye Mingistu, waxaanu tilmaamay in shacbiga wadanka Itoobiya ay halgan dheer u soo galeen. Wakiilka Itoobiya waxa uu sheegay in tan iyo markii dawlada uu hoggaamiyo Rasyal Wasaare Malas Zanawi la wareegtay talada dalka ay gobolka u horseeday nabadgelyo iyo horumar, waxaanu xusay in xidhiidhka dublamaasiyadeed ee ka dhaxeeya Somaliland uu marayo meel wanaagsan. Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya uu yahay xidhiidh adag oo ku dhisan iskaashi dhinacyo badan leh. Waxaanu tilmaamay in dawlada Itoobiya ay iska kaashadaan dhinacyada nabadgelyada, ganacsiga iyo ladaagalanka Argagixisada. Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay in shacbiga Somaliland ay Itoobiya abaal weyn ugu hayaan sidii ay u soo dhaweeyeen xiligii taliskii Siyaad barre uu duqaynayay dadka rayidka ah eek u dhaqan magaalooyinka Somaliland. Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) oo uu weheliyay Safiirka dawlada Itoobiya si wada jir ah u jaray Keeg ay ku sawiran yihiin calammadda Somaliland iyo Itoobiya oo loogu tallo galay munaasibada sanad guurada labaatanaad ee ka soo wareegtay xiligii dawlada Raysal wasaare Males Zanawi ay la wareegtay tallada dalka. Cumar Maxamed Faarax Somaliland.Org/Hargeysa cumarmfaarax@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted May 30, 2011 LOL this is too hilarious. I guess they want to be on the good side of ethiopia to get more funds Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted May 30, 2011 loool@Somalina...Is Salaax is still giggling. Zenawi is happy his minions in Hargeysa and Garowe are celebrating this sh!t. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted May 30, 2011 Che sidii somali iskala hanwayneed xabashi una necbeed iyo sida maanta dabada loga dhunkanayo! ..I need tissues to cry a river Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted May 30, 2011 ^History will not look back on those celebrating this day while just across the border Somali girls are raped everyday. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted May 30, 2011 Che -Guevara;724821 wrote: loool@Somalina...Is Salaax is still giggling. Zenawi is happy his minions in Hargeysa and Garowe are celebrating this sh!t. :D Probably in his room crying. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted May 30, 2011 ^History will not look back on those celebrating this day while just across the border Somali girls are raped everyday. Well said Che. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacpher Posted May 30, 2011 rekognishan ma lagu helaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted May 30, 2011 big deal Somaliland Independence day and the day Siad bare was ousted is also celebrated by Ethnic Somalilander's in Addis Ababa. Why can't the Ethiopian community living in Sland also celebrate the day they ousted Minigste in a hotel? Somalina; wrote: Xafladaasi oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada wadanka Itoobiya ee ku dhaqan Somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Alla-Maxaan-Kulayaabay Posted May 30, 2011 Che -Guevara;724824 wrote: ^History will not look back on those celebrating this day while just across the border Somali girls are raped everyday. Crocodile tears. War waaweynaa ilmada yaxaasku. Stories are told by the victors saaxiib. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted May 30, 2011 looooooooooooooooooooool......what tears? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted May 30, 2011 I'm more interested in what awoowe has to say. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted May 30, 2011 ^looooooooooooool Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted May 30, 2011 Che, 2008-kii party-gii la bilaabey, ayaa la dhameystiraaye lee sannadkaan. Fiiri. Quote Share this post Link to post Share on other sites