Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Pro Galmudugstate demonstration in galkacyo

Recommended Posts

Banaanbax balaaran oo lagu taageerayo maamulka galmudug oo manta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo-hobyonet)Banaanbaxani oo lagu taageerayay maamulka galmudug ayaa maanta ka dhacay garoonka kubada cagta C/laahi ciise ee magaalada Gaalcakyo waxaana ka soo qayb galay madax katirsan dowlad gobaleedka galmudug oo uu ugu horeeyo madaxweyne maxamed axmed caalin.

 

Banaabaxan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka haweenka galmudueg ee horsed ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay madaxweynaha maamulka galmudug Col,Maxamed Axmed Caalin oo qudbad dhjeer ka jeediyay garoonka kubada cagta ee C/laahi Ciise ayaa ugu horeyn kawarbixiyay waxa ka soobaxay shirkii uu dhawaan uga qayb galay dalka Kenya ee ay soo qaban qaabisay qaramada midoobay isagoo amaanay qaramada midoobay sida ay ula shaqeynayso maamulka galmudug.

 

Waxa uu sidoo kale ka hadlay amaanka ka jira deegaanada galmudug oo sheegay iney qeyb weyn ay ka qaateen ciidamada amaanka iyo shacbiga galmudug oo uu kutilmaamay iney yihiin kuwo isku duuban,islamarkaana galmudug ay tahay meel ay usiman yihiin umada soomaaaliyeed cidna aan laga xigin ayna ka qeyb qaadan karaan howlaha maamulka hadii ay qoon ku filan uleeyihiin.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in haatan galmudug ay ku nool yihiin dad aad ubadan oo maamulka puntland ay kasoo eryeen goobihii ay ka degenaayeen deegaanada maamulkaas oo u badan dad kasoo jeeda koofurta soomaaliya islamarkaana ay ka shaqeystaan nabadana kula nool yihiin shacbiga galmudug .

 

Dhanka kale madaxweyne caalin ayaa madaxda dowlada soomaaliya waxa uu ugu baaqay inay xaliyaan qilafka u dhexeeya ayna ka waan toobaan waxa qilaafka dhalin kara,isagoo sheegay in maamulka galmudug ay doonayaan inay xaliyaan qilaafka u dhexeeya madaxda dowlada KMG ah ee soomaaliya ahdii ay diyaar uyihiin.

 

Sidoo kale waxaa hadal kooban ka jeediyay banaanbaxa lagu taageerayo maamulka galmudug madaxweyne kuxigeenka maamulka galmudug mudane C/samad Nuur Guuleed oo u mahad celiyay dadkii soo qaban qaabiyay banaanbaxa maamulka lagu taageerayo ,wuxuuna sheegay in galmudug ay marayso meeshii ugu sareysay ee mudadii ay jirtay ay gaarto,maadaama buu yiri ay ka qeyb gashay shirar badan oo looga hadlayo arimaha soomaaliya,door mauhiimana ay ka qaadatay.

Banaanbaxa oo ay ka hadleen wasiiro,xildhibaanoiyo qaybo ka mid ah bulshada rayidka ah eegalmudug ayaa dhamaantood amaanay hawlaha Maamulka halka ay haatan marayaan.

 

Maahana markii ugu horeysay ee banaanbax lagu taageerayo maamulka galmudug uu ka dhaco deegaanada maamulka Galmudug ,waxaana sanbadihii la soo dhaafay jogto ka ahayd deegaanada maamulka galmudug in markasta ay dhacaan manaabaxyo noocaan oo kale ah oo lagu taageero maamulka Galmudug.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this