Saalax Posted May 30, 2011 War Deg- Dega: Dagaal Goordhawayd Ka Qarxay Deegaanka Higlada Ee Gobolka Sool Iyo Ciidamada Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Dhawr Iyo Toban Maxbuus+ Dagaalka Oo Socda. Higlada (Ramaas) May. 30, 2011- Dagaal xoog leh oo dhaxeeyay ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka Puntland ayaa saacad ka hor ka bilaabmay deegaanka Higlada oo dhanka Bari kaga beegan Magaalada Laascaanood, iyada oo ciidamada Somaliland la sheegay in ay gacanta ku dhigeen maxaabiis tiradooda lagu qiyaasay ilaa dhawr iyo tobon maxbuus. Dagaalkan oo ah kii ugu horeeyay ee dhexmara labada ciidan muddo sannado ah,ayaa waxa ka dhashay khasaare balladhaan oo galaaftay nolosha askar badan, waxaana uu dagaalku bilaabmay ka dib markii maamul goboleedka Puntland ciidamadasii soo dhoobay jiida Higlada si ay u weeraraan Magaalada Laascaanood. Sarkaal ka tirsan ciidanka qaranka oo ku sugan aaga uu dagaalku ka socdo oo la soo xidhiidhay shabakeda wararka ee Ramaasnews ayaa sheegay in ay dhirbaaxo kulul ku dhufteen maleeshiyada soo qaaday duulaanka, isaga oo sheegay in ay dileen askar badan , isla markaana ay qabteen dhawr iyo toban maxbuus oo ka mida maleeshiyadaas. Ma jirto faahfaahin dheeraado ka soo baxday dagaalkaas oo weli soconaya. Ramaasnews Desk Hargeisa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 30, 2011 ma Higladi cumar wacays ba la isla maraya i thought it was gambadhe.. Quote Share this post Link to post Share on other sites