Saalax Posted May 29, 2011 20 guuradii kasoo wareegtey xiligii EPRDF ay la wareegeen talada dalka Ethopia oo Garowe laga xusey Garowe, Somalia (AOL) – Labaatan guuradii ka soo wareegtay markii jabhaddii EPRDF ay la wareegtay xukunka Itoobiya ayaa maanta lagu xusay xafiiska siyaasadda Itoobiya ee magaalada Garowe, kana qayb galeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Puntland, iyo marti sharaf kale. Ismalaash, qunsulka Itobiya u fadhiya Puntlanad oo xafladaani soo agaasimayay wuxuuna halkaasi kasoo qudbad ku saabsan 20-kii sano ee lasoo dhaafay hormarkii ay gaartay xukumada Meles Zenawi isagoo dhinac walba ka taabtay xiriiradii kala duwanaa ay la yeesheen dowladaha dariska la ah Itoobiya , iyo horumarkii ay hiigsadeen. mudadaasi lasoo dhaafay. Munaasibadaani oo ay ka hadleen masuuliyiin badan ayaa waxaa inta badan looga hadlay isku xirka wadooyin badan oo ay samaysay Dowlada Itoobiya iyo wabiga Niil ee mara degaano ka tirsan Itoobiya qaabkii looga faa’iidaysan lahaa ,iyadoona kulankaasi lagu soo bandhigay wax qabad badan oo ay ku tallaabsatay dowladda Itoobiya, waxaa kale oo uu soo hadal qaaday heshiiska Itoobiya ay la gashay jabhadda ONLF. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka War faafinta Puntland Mudane Axmad Cali Askar oo aad ugu amaanay soo bandhigada ay soo bandhigeen Ergada uu hogaaminayay Safiir Ismalaash . Qudbado dheer oo ku saabsanaa xiriirada Itoobiya iyo dalalka geeska, kaddib ayaa guddoomiyaha barlaaanka Puntland Mudane C/rashiid Maxamuud Xirsi wuxuuna aad ugu bogaadiyay Dowlada Itoobiya hormarka ay gareen 20-kii sano ee lasoo dhaafay . Jabhadda EPRDF ee uu hoggaamiyo Meles Zenawi oo dagaal adag la gashay maamulkii Mingiste Xayle Maryam kaddib dalkaasi ka badbaadisay isku dhex yaac la mid ah kii Soomaaliya ee ay jabhadaha badan ku loollamayeen, markii dambena qabyaalad dagaalka isku beddeley. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted May 29, 2011 http://www.allgedo.com/2011/05/29/20-guuradii-kasoo-wareegtey-xiligii-eprdf-ay-la-wareegeen-talada-dalka-ethopia-oo-garowe-laga-xusey/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted May 29, 2011 useless people-somebody should have blown that gathering. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 29, 2011 ayaa maanta lagu xusay xafiiska siyaasadda Itoobiya ee magaalada Garowe Haday xabashidu xafiiskooda ku qabsatay maxaa ku jira ??? ,,,,,,,,,,, sow ciday rabaana ma soo casumi karaan ??,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Complicated Posted May 29, 2011 Jacaylbaro;724540 wrote: Haday xabashidu xafiiskooda ku qabsatay maxaa ku jira ??? ,,,,,,,,,,, sow ciday rabaana ma soo casumi karaan ??,,, JB oo PL difaacaya wuxuu og yahay wax uusan Saalax ogayn! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 29, 2011 Gari Ilaahay bay taqaan waaryee .......... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ibtisam Posted May 30, 2011 Complicated;724563 wrote: JB oo PL difaacaya wuxuu og yahay wax uusan Saalax ogayn! :D My first thought.... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted May 30, 2011 Jacaylbaro;724540 wrote: Haday xabashidu xafiiskooda ku qabsatay maxaa ku jira ??? ,,,,,,,,,,, sow ciday rabaana ma soo casumi karaan ??,,, Universal tv. :D http://tvuniversal.tv/NS/vidID/1614 11:31 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted May 30, 2011 Waa duli duli dhale. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted May 30, 2011 The Somaliland foreign minister soomaha? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted May 30, 2011 ^Among others. Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted May 30, 2011 Qudbado dheer oo ku saabsanaa xiriirada Itoobiya iyo dalalka geeska, kaddib ayaa guddoomiyaha barlaaanka Puntland Mudane C/rashiid Maxamuud Xirsi wuxuuna aad ugu bogaadiyay Dowlada Itoobiya hormarka ay gareen 20-kii sano ee lasoo dhaafay . puntland markaas ma dalalka geeska afrika ee dariska la ah ethopia bay ka mid tahay? may sida walaalahood waqooyi ayana isaga dhawaaqaan jamhuuriyad yaroo fooxa iska shidata hadayba siyaasad dibadeed gaara leeyihiin Waa shacab loo tashaday markuu tashan waayay malez qaarna ha laayo qaarna hees tigree ha baro Quote Share this post Link to post Share on other sites
Polanyi Posted May 30, 2011 The true SOmalis condemn this and the bladland will never accept such uncushitic behaviour. Quote Share this post Link to post Share on other sites