Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalia parliament speaker Sharif hassan to boycott the Mogadishu conference in June

Recommended Posts

Shariif Xasan, Xildhibaano iyo Xubno ka mid ah maamul goboleedyada oo ka hor yimid in Muqdisho lagu qabto shir Bisha soo socota ee JuneMogadishu Sunday 29 May 2011 SMCNaga soo wac halkan (Skype) Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan ayaa Danjire Mahiga kala hadlay arrimaha shirka ay QM shaacisay inuu ka dhacayo magaalada Muqdisho, waxaana labada mas'uul dhex maray kulan saacado badan qaatay balse aanay jirin warar faahfaahsan oo ka soo baxay waxyaabihii ay ka wadahadleen.Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo looga horjeedo in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashooyinka Xukuumadda ee bisha Agosto la filayo inay dhacdo, waxaana xalay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ka dhacay kulan ay yeesheen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ergeyga QM ee Soomaaliya Danjire Agostin Mhinga, kulankaasi oo ahaa mid ay albaabada u xirnaayeen.Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagu hormuud u ah Isbaheysiga diidan in shirka uu ka dhaco magaalada Muqdisho ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan inuu dhowaan u ambabaxayo dalka Jabuuti, halkaasi oo uu ka bilaabayo olole dalalka geeska Afrika uu taageero uga raadinayo sidii shirka looga wareejin lahaa magaalada Muqdisho, isagoona arrimaha uu qiil ka dhiganayo ay tahay inaysan xaaladda Muqdisho ka saamaxeynin nabadgelyo xumo aawgeed.Shariif Xasan Qorshaha uu ku doonayo inuu magaalada Muqdisho uga weeciyo shirka ay ku baaqday QM in lagu qabanayo magaalada Muqdisho ayaa ah mid aan caga badan ku taagneyn, bacdamaa go'aankaasi uu yahay mid ka soo baxay wakiilada Golaha Ammaanka ee QM oo iyagu ku dhawaaqay markii la soo gabagabeeyay shirkii dhowaan magaalada Nairobi ay ku yeesheen QM iyo hoggaamiyayaasha Dowladda, maamul goboleedyada iyo ururrada bulshada rayidka ah

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nairobi:- Shariif Xasan oo Mahiiga kula kulmay Kenya ka dib u dhoofay Dabuuti.

 

29. maj 2011

 

APL

 

 

Nairobi(Allpuntland)- Gudomiyaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Wakiilka gaarga ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Agustiina Mahiiga.

 

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Baarlmaanka uu kala hadlay Agustiina Mahiiga xaalada dalka Soomalaiya agaar ahaan shirka bisha Juun lagu wado in magaalada Muqdisho lagu qabto.

 

Gudoomiyaha Baarlmaanka ayaa la sheegaya in uusan la dhacsaneeyn shirka lagu qaban doono magaalada Muqdisho kaasi oo ay horay u shaacisay Xukuumada KMG islamarkaana lagu ayiday kulankii golaha Amaanka iyo dhinacyada Soomaaliya ee ka dhacay Kenya.

 

Dhanka Kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa ka dib kulanka Mahiiga uu la qaatay u dhoofay magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti, waxaana lagu wadaa in uu kulamo la qaato madaxda Dalka Jabuuti.

 

Xafiiska Wararka Allpuntland Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faah faahin ku saabsan kulankii Shariif Xasan iyo Mahiga

 

 

 

Nairobi: (Sh. M. Network) Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa kulan xalay Magaaalada Narobi ay ku qaateen gudoomiyaha barlamanka iyo Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya.

 

 

 

Sida ay ku waramayaan ilo lagu kalsoonyahay, waxaa xalay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya kulan looga hadlayay arimaha Soomaaliya ku yeeshay gudoomiyhaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga.

 

 

 

Inkastoo kulankaasi uu ahaa mid albaabada u xiran hadana ilaha waxaa ay sheegayaan in gudoomiyaha barlamanka uu kasoo horjeestay shirka bisha June ka dhacaya Magaalada Muqdisho, wuxuuna gudoomiyaha carabka ku dhuftay in shirkaasi ay wadato Xukuumadda oo uu tilmaamay in u jeedka gaar ah ay ka leedahay sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna codsaday in shirkaasi lagu qabto meel Soomaaliya ka baxsan.

 

 

 

Sid ay wararka ku helayso Idaacadda Shabelle Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay u xilsaaran arimaha Soomaaliya ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in barlamanka KMG ah Soomaaliya uu xaq u leeyahay in uu qabto doorashooyinka oo uu tibaaxay Ergayga inay dhacayso xiligii loogu talagalay ee bisha Augusta.

 

 

 

Markii uu soo dhamaaday kulanka Mahiga iyo Shariif Xasan ay ku yeesheen Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa uu gudoomiyaha barlamanka u dhaqaaqay dhanka wadanka Jabuuti oo uu casuumaad ka helay, waxaana la filayaa in gudoomiyaha halkaasi uu kulamo kula qaato Madaxda dalkaasi kuwaasi oo waxa ay kusaabsan yihiin aan la’ogayn.

 

 

 

Shirkii ka dhacay Magaalada Nairobi 25-kii bishan ayay aheyd markii shir ay ka qeyb galeen Madax ka kala socota Qaramada Midoobay, dowladda KMG iyo Maamulada ka jira dalka loogana hadalayay arimaha Soomaaliya lagu go’amiyay shirka bisha June la qorshaynayo in uu ka dhaco Muqdisho kaasi oo marka laga tago gudoomiyaha barlamanka ay sidoo kale kasoo horjeesteen Maamulada Puntland iyo Galmudug.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

You seem to be over excited on this news, you posted it three times lol.

 

If this is true, that would be a douche bag idea from Shariif Hassan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Chimera   

This is TREASON, somebody grab this clown and throw him back with the goats and chickens, and let a REAL patriot take his place. A country of 10/12 million people stretching from Zeila to Ras Kamboni can't be held hostage any longer!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sharif Sakin is now in Djibouti he is Lobbying very hard i don't understand his purpose yet he did not bring another alternative he is just opposing the Mogadisho conference.He did not say what city is suitable to hold the conference,,, war saakinow maxaad rabta?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay shirka bisha Juune lagu qabanayo Muqdisho

 

Talaado, May 31, 2011 (HOL) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa ka hadlya shirka lagu qabanayo Muqdisho bisha Juune, kaasoo ay qabanqaabadiisa waddo dowladda KMG ah.

 

Shariif Xasan ayaa beeniyay warar sheegaya inuu dadaal ugu jiro shirka in laga wareejiyo Muqdisho, wuxuuna hadalkaas ku tilmaamay mid aan jirin oo been abuur ah, isagoo sheegay in lagu doortay Muqdisho meel looga wareejiyo oo ka mudanna uusan garanayn.

 

"Shirka ka dhacaya Muqdisho wuxuu noola muuqdaa inuu mid wadatashi ah oo uu noqdo mid dhameystira labadii shir ee Nairobi ka dhacay, ayna kasoo qaybgalaan dadkii shirarkaas kasoo qaybgalay si xal loogu helo khilaafka jira," ayuu yiri Shariif Xasan oo la hadlay VOA-da.

 

Wuxuu sheegay in isaga ay ula muuqato inaan xilliga lasoo xuli karin baarlamaan cusub ayna tahay in baarlamaanka hadda jira uu sii jiro lana soo doorto madaxda dalka, xitaa haddii muddada baarlamaanka ay badan tahay.

 

Afhayeenka baarlamaanku wuxuu soo jeediyay in shirka in danjire Augustine Mahiga uu noqdo ninka shirka fududeynaya ayna agaasimaan guddiyo madaxbanaan, isagoo xusay in shirkan uu noqdo mid looga hadlo xaaladda cakiran ee jirta si loogu helo waji.

 

Ugu dambeyn, mar uu ka hadlay qaabka shirka looga qaybgalayo ayuu sheegay in dowladda oo wadajirta ay ergo uga qaybgalayso, sidoo kalena ay ergooyin ka imaanayaan Puntland, Galmudug iyo Ahlusunna.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

I heard he wants the conference be held in Hargaysa... Sakiin umada waa dhibay alle ha ka qabto ilaa c/lahi yey time waa soo taagan yahay wax buu qasaayaa ar xaw ahaa ma sixirow wataa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this