Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland’s First Woman Mayor Takes Office in Gabiley City

Recommended Posts

Maayarka Gabilay Oo Sheegtay In Cashuurta Dadweynaha Laga Qaado ay wax ugu qabanayaan bulshada

 

July 17th, 2011

 

Gabiley (Somaliland.Org):- Maayarka magaalada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis oo uu wehelinayo Xog-hayaha Dawlada Hoose C/raxmaan Nuur Abokor ayaa maanta Kormeer ku soo maray wadooyin laammi ah oo ay dawlada Hoose ka wado magaalada Gabiley gudaheeda.kuwaasi oo qaarna dhismahoodu socdo halka kuwo kalena ay dhamaad ku dhow yihiin.

 

Maayarka magaalada Gabiley Marwo Khadra X. Ismaaciil Yoonis ayaa kormeerkaasi ka dib la hadashay saxaafada ayaa ka warantay qorsheyaasha Dawlada Hoose ee dhinaca horumarinta Gobolka iyo waxyaabaha ay ku hamiyayso in ay qabto. waxaanay sheegtay in Himiladeedu tahay cashuurta ay dadwaynuhu bixiyaan wax loogu qabto laguna horumariyo adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin.

 

“Waxaan idiinku bushaaraynayaa in Wadadan inta Ramadaanta ka horreysa aanu dhamayn doono oo Salaad Ciida aynu ku tukan doono iyada oo laami ah,” Ayay tidhi Marwo Khadar Xaaji Gaydh.

 

Maayarka magaalada Gabiley Marwo Khadra X. Gaydh ayaa ka dalbatay dadwaynaha ku dhaqan magaalada Gabiley in ay baabiiyaan meheradaha yar-yar ee cooshadaha ah ee ka hor dhisan dhismeyaasha waawayn inta aanay Dawlada Hoose tallaabo adag ka qaadin.

 

Maayarku waxay sheegay inay dedaal u galayaan iyagoo kaashanaya dadweynaha sidii loo soo celin lahaa bilcdii magaalada Gabilay waxaanay tidhi“Beryihii hore may jirin in Guryaha laga hor dhisto Sandaqado, waxaan u malaynayaa inay tahay dhaqan inaga soo raacay Qaxootiyadii,Marka aanu dhamayno hada Laamidan waxa aynu Inaga oo reer Gabiley ah oo gacmaha is haysana aynu baabiin doonaa Sandaqadaha iyo oodaha soo dhex galay Wadooyinka Magaalada si aynu u soo celino bilicdii magaalada Gabiley lahaan jirtay ”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this