Xaaji Xunjuf Posted July 17, 2011 Maayarka Gabilay Oo Sheegtay In Cashuurta Dadweynaha Laga Qaado ay wax ugu qabanayaan bulshada July 17th, 2011 Gabiley (Somaliland.Org):- Maayarka magaalada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis oo uu wehelinayo Xog-hayaha Dawlada Hoose C/raxmaan Nuur Abokor ayaa maanta Kormeer ku soo maray wadooyin laammi ah oo ay dawlada Hoose ka wado magaalada Gabiley gudaheeda.kuwaasi oo qaarna dhismahoodu socdo halka kuwo kalena ay dhamaad ku dhow yihiin. Maayarka magaalada Gabiley Marwo Khadra X. Ismaaciil Yoonis ayaa kormeerkaasi ka dib la hadashay saxaafada ayaa ka warantay qorsheyaasha Dawlada Hoose ee dhinaca horumarinta Gobolka iyo waxyaabaha ay ku hamiyayso in ay qabto. waxaanay sheegtay in Himiladeedu tahay cashuurta ay dadwaynuhu bixiyaan wax loogu qabto laguna horumariyo adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin. “Waxaan idiinku bushaaraynayaa in Wadadan inta Ramadaanta ka horreysa aanu dhamayn doono oo Salaad Ciida aynu ku tukan doono iyada oo laami ah,” Ayay tidhi Marwo Khadar Xaaji Gaydh. Maayarka magaalada Gabiley Marwo Khadra X. Gaydh ayaa ka dalbatay dadwaynaha ku dhaqan magaalada Gabiley in ay baabiiyaan meheradaha yar-yar ee cooshadaha ah ee ka hor dhisan dhismeyaasha waawayn inta aanay Dawlada Hoose tallaabo adag ka qaadin. Maayarku waxay sheegay inay dedaal u galayaan iyagoo kaashanaya dadweynaha sidii loo soo celin lahaa bilcdii magaalada Gabilay waxaanay tidhi“Beryihii hore may jirin in Guryaha laga hor dhisto Sandaqado, waxaan u malaynayaa inay tahay dhaqan inaga soo raacay Qaxootiyadii,Marka aanu dhamayno hada Laamidan waxa aynu Inaga oo reer Gabiley ah oo gacmaha is haysana aynu baabiin doonaa Sandaqadaha iyo oodaha soo dhex galay Wadooyinka Magaalada si aynu u soo celino bilicdii magaalada Gabiley lahaan jirtay ” Quote Share this post Link to post Share on other sites