Xeefow Posted May 27, 2011 1000 askari oo tababar loogu soo xiray Doolow Ciidamo ka tirsan dowladda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna oo gaaraya kun askari ayaa tababar u socday mudo 3 bilood ah loogu soo gabagabeeyay degmada Doolow ee waqooyiga gobolka Gedo. Ciidamada tababarka dhameystay ayaa waxaa la sheegay in ay ku wajahan yihiin degmooyinka Beled-Xaawo iyo Garbahaarrey ee gobolka Gedo si loogu xoojiyo ciidamada dowladda iyo Ahlu Sunna ee dagaallada kula jira maleeshiyada Al Shabaab. Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Al Qaadi oo ah afhayeenka Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee gobolka Gedo, ayaa Bar-kulan u sheegay in ciidamada tababarka loo soo xiray ay ka howlgali doonaan deegaannada u dhaxeeya degmooyinka Garbahaarrey iyo Beled-Xaawo oo uu sheegay in ay ku dhuumanayaan qaar ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab. Dagaallo DKMG iyo Ahlu Sunna ay maleeshiyada Al Shabaab kula galeen deegaanno ka tirsan gobolka Gedo ayay ka gaareen guulo la taaban karo, iyagoo gacanta ku dhigay dhul baaxad leh. http://www.bar-kulan.com/2011/05/27/1000-askari-oo-tababar-loogu-soo-xiray-doolow/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xeefow Posted May 27, 2011 Continue the liberation fellow cousins....! Quote Share this post Link to post Share on other sites