Sign in to follow this  
Somalina

Galkacyo to get 600 new security force

Recommended Posts

Somalina   

Jimco, May 27, 2011 (HOL) – Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa tababar u furay ciidamo madani ah oo gaaraya 30-askari ,kuwaasi oo laga soo kala xulay xaafadaha ay koobantahay degmadaasi si ay amniga u sugaan, isla markaana uga hortagaan falalka inta badan ka dhaca halkaasi.

 

Tababarkan waxaa bixinaya saraakiil dowladda ka tirsan, iyadoo tirada guud ahaan ciidamada madaniga ah ay gaarayso 200 oo askari, kuwaasoo mushaarkooda ay bixin doonaan dadka ku nool xaafadaha amnigooda ay ilaalinayaan.

 

"Maamulka waxaa uu ballan qaadayaa in uu ciidamadan ka taageero qalabkii ay ku howgali lahaayeen iyo kaarar aqoonsi ah si loola shaqeeyo," ayuu yiri gudoomiyaha guddiga amniga Gaalkacyo oo hadal dheer kajeediyay munaasabaddi furitaanka tababrkan.

 

Waxaa kaloo masuulkan uu sheegay in amniga degmada u soo wanaagsaday labadii asbuuc ee ugu danbaysay ,isagoo bulshada ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamadan madaniga ah ee ka howlgali doona xaafadaha Gaalkacyo, kuwaasi oo ay hortaallo shaqo badan marka ay tababarkooda soo dhamaystaan.

 

"Ciidamada amniga waxa ay ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan dad badan oo dhibaato ku hayay amnigeena "ayuu hadalkiisa ku daray Maxamuud C/raxmaan Cuuke oo bulshada qaar ku eedeeyay in ay taageeraan falalka amniga liddiga ku ah ee badanaa dhaca.

 

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee Gaalkacyo oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dowladda ay ka gaabisay wax ka qabashada dilalkii gobolka ka dhacay, iyaga oo bulshada ugu baaqay in la eryo maamulkii waxqabad soo kordhin waaya.

 

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa caan ku ahayd baryihii la soo dhaafay in danbiilayaasha lagu soo xiro saldhiga lagala baxo si awood ah, taasoo inta badan abuurta qal-qal dhinac amniga ah, waxaana maamulka gobolka uu arintaasi ka digay dhowr jeer oo hore.

 

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online

Boston@hiiraan.com

Boosaaso, Soomaaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galkacyo oo loo samaynayo 600 oo ciidan gaar ah oo qaabilsan adkaynta amniga.

Fri, 27 May 2011 17:48:30 -0400 pm -04:00 -14400

--------------------------------------------------------------------------------

Galkacyo May 27 - Shirwayne wada-tashi kuna saabsan aayaha magaalada Galkacyo ayaa maanta bulshada reer Galkacyo uga furmay hoolka shirarka Dugsiga Sare ee Cumar Samatar kaasoo isla maantaba la soo gaba-gabeeyey, laguna gaaray go'aamo aad muhiim ah.

 

Shirkaan oo loo bixiyey shirka aayo ka-talinta magaalada Galkacyo ayaa lagu casumay indheergaradka qaybaha kala duwan ee bulshada, sida siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland, madaxda xilligan maamulka heer gobol iyo mid degmo, aqoonyahanno, Issimo, nabaddoonno, ganacsato, haween iyo inta badan madaxda hay'adaha iyo kuwa ururada maxalliga ah ee ka hawlgala gobolka.

 

Shirkaan maanta oo dulucdiisu ahayd aayo ka-talinta, gaar amniga iyo arrimaha horumarinta magaalada ayaa si wayn looga falanqooday hagar-daamooyinka muuqda iyo kuwa qarsoon ee Galkacyo kala soo darsay xagga nabad-galyada iyo horu-kaca arrimaha bulshada ee dhankasta; waxaana fahan iyo daraasayn xogeed oo la dhuuxay kaddib go'aan lagu gaaray in loo isu-taago maamul iyo dadwaynaba wax-ka-qabashada xaaladda gobolka, gaar ahaan tan magaalada Galkacyo.

 

 

 

Guddoomiyaha gobolka Mudug, ahna Duqa magaalada Galkacyo Cabdiraxmaan Maxamuud Cuuke oo maamulkiisa xaalad deg deg ah lagu magacaabay dhawaan, ayaa shirwaynaha u soo bandhigay qorshe maamuleed ku aaddan wax-ka-qabashada amniga iyo arrimaha horumarineed ee Galkacyo kaasoo lagu asteeyey muddo lix-bilood gudaheed ah. Waxaa ugu wayn tallaabooyin qorshaysan ee maamulku iftiimiyey samaynta ciidamo isku-dhaf ah oo bilays iyo daraawiish iskuga jira, gaarayana illaa 600 oo askari kaasoo amniga gacan ku dhigi doona.

 

Maamulku waxay qorshahaan wax looga qabanayo xaaladda gobolka muddada ku siman 6-da bilood ee ay soo bandhigeen u dalbadeen taban-taabin iyo taakulayn xooggan oo ay ka rabaan dhammaan qaybaha bulshada ee magaalada Galkacyo, taas oo ay ugu horrayso in gacan wayn laga siiyo dhinac dhaqaalaha; waxaa sidoo kale Md. Cuuke oo sharraxaad dheeraad ah ka bixiyey qorshaha dhaw iyo midka dheer ee u xarriiqan in maamulkiisu uu ku tallaabsado.

 

Indheergaradka ka soo qayb galay shirka maanta laguna martiqaaday ayaa isla goobtaasi ka sameeyey ballan-qaado aad u tiro badan oo iskugu jiray dhaqaale iyo gacansiin dhan walba ah; waxaana jiray shaqsiyaad si gaar ah ugu deeqay lacag miisaan leh oo ay uga qayb noqonayaan horumarka amni iyo bulsho ee maamulku iclaamiyeen.

 

Qaar ka mid ah shirkadaha waawayn ee ka hawl-gala magaalada Galkacyo ayaa iyaguna dhankooda sameeyey ballan-qaado lacageed oo joogto ah, bilkastana lagu taakulayn doono wax ka-qabashada arrimaha magaalada Galkacyo.

 

Gabagabadii shirka waxaa la magacaabay guddi heer gobol ah, kana kooban 7 xubnood, una xilsaaran aruurinta deeqaha dhaqaale ee ay bulshadu ugu yaboohday gobolka, si wax looga qabto arrimaha qallafsan ee Galkacyo, gaar ahaan amiga.

 

Cabdifitaax C. Geeddi,

Daljir, Galkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii ugu balaarnaa ee Aayaha Gaalkacyo looga talinayey oo Maanta dhacay & Maamulka Cusub oo Taageero Lacageed & mid shacaba helay maanta.

27. maj 2011

 

APL

 

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa maanta hoolka shirarka dugsiga sare ee Cumar Samatar (OSSS) ka dhacay shirweyne Balaaran oo ay kasoo qeybgaleen boqolaal qof oo reer Gaalkacyo ah kaas oo ay soo qabanqaabiyeen Waxgaradka & duubabka dhaqanka ee gobolka Mudug islamarkaasna loogu magacdaray "Aaya katalinta Gaalkacyo" kaas oo lagu taageerayey gudiga cusub ee hormarinta & Amaanka gobolka Mudug islamarkaasna looga dhagaysanayey qorshahooda cusub ee ay wataan & sida ay shacabku baahida ugu qabaan in xaalada Gaalkacyo oo meel cakiran marayso wax laga qabto.

 

Shirkan waxaa ka qeybgalay maamulka cusub ee gobolka Mudug, qeybo kamid ah isimada gobolka, Saraakiisha ciidamada, haween aad u farabadan, Dhalinyaro, ganacsatada ugu waaweyn gobolka Mudug, Takhaatiirta ugu caansan gobolka Mudug, xildhibaano ka mid ah golaha wakiilada ee Puntland,xubno kamid ah qeybaha kaladuwan ee bulshada Gaalkacyo & siyaasiyiin badan oo ay kamid yihiin Wasiiradii hore ee caafimaadka & maaliyada ee dawlada Puntland, kuwaasoo saacado badan joogay hoolaka cumar Samatar islamarkaasna looga dooday xaalada ay imika Gaalkacyo marayso.

 

Kulanka waxaa mid-mid loogu soo qaaday dhibaatooyinka aanan la qarin karin ee Gaalkacyo haystay labadii sano ee danbaysay, taaso lagu laayey tobonaan kamid ah Indhihii Gaalkacyo, iyadoo sidoo kalena lagu soo qaaday dhibaatooyinkii ay Gaalkacyo ku reebeen waxqabad & tayo xumidii maamuladii Gaalkacyo isaga danbeeyey tan & markii dawlada dhexe ee Puntland la sameeyey, iyadoo dhanka kalena lagu soo qaaday dilalka joogtada ah ee Gaalkacyo ka dhaca & difaacista malayshiyo beeleedyadu ay difaacaan dadka dhibaatooyinka geysta, Waxaana sidoo kale shirka lagu soo qaaday maamulka cusub oo u eg iftiin usoo baxay Mudug & sidii loo taageeri lahaa iyadoo shacabka & Maamulku uu yeelanayo xiriir toos ah.

 

Suldaan Cabdisalaan Suldaan oo kamid ah Isimada gobolka Mudug kana mid ahaa qabanqaabiyeyaashii shirkan ayaa Mid-Mid & kooxkooxba usoo qaatay dadkii Gaalkacyo lagu dilay oo aanan xataa weli lahayn cid loo raacdo, Wuxuuna dhanka kale Suldaanku shacabka ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii Gaalkacyo looga saari lahaa xaaladan islamarkaasna loo gudbi lahaa waqti kala guur ah oo laga guurayo Fool xumada & amnixumadi loona guurayo Hormar & iskaashi ay reer Gaalkacyo ka yeeshaan dhibaatooyinka aysan la qabin bulshada reer Puntland ee la degen, Wuxuuna suldaanku jeediyey khudbad dhaqaajisay dhiiga Boqolaalkii qof ee ka qeybgashay iyadoo ay dadku muujiyeen sida ay uga tiiraanyeysanyihiin dhibaatooyinka haysta oo Ilaahay laga baryey inuu bulshada reer Gaalkacyo ka qaado Musiibada ku habsatay.

 

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dawlada Puntland soona qabtay xilka Wasiirka Maaliyada ee Puntland Dr.Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo kamid ahaa siyaasiyiintii ka hadashay shirkii Maanta ayaa si aan gabaad lahayn u sheegey in mudadii ay Puntland jirtay Gaalkacyo ay ahayd mid xasiloonidu ku hoosayso islamarkaasna aysanba ka muuqan wax raad dowladeed ah, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay iyagu aayahooda ka tashadaan ayna isku tashadaan islamarkaasna aysan cid danbe wax ka sugin, isagoo goobta ka balanqaaday inuu samaynayo taageero waxkasta oo uu awoodo ah oo uu maamulka cusub kula shaqaynayo.

 

Gudoomiyaha gudiga hormarinta & Amaanka gobolka Mudug Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke ayaa goobta ka jeediyey khudbad ku saabsan qorshaha maamulkiisa, wuxuuna qiray in aysan jirin raadad dowladeed oo ay Gaalkacyo leedahay, Isagoo sheegey in ay diyaar u yihiin waxka qabashada arimaha Amaanka oo ay imika faraha kula jiraan waxbadana ka badaleen oo ay ku mashquulsanyihiin laba jibaaristooda, isagoo intaasd kudaray inay ka xunyihiin in dadka reer Gaalkacyo ay gabaldhaca xaroodaan sababo amaan dartiis, isagoo sheegey in qorshihiisa ay ku jirto in amaan dartiis waqtiyo danbe la caweyn doono, Wuxuuna codsaday in shacabku ay taageeraan islamarkaasna ay waxqabadka uu rajeynayo qeyb ka qaataan taasoo ay soo dhaweeyeen dadkii shirka ka qeybgalay.

 

Hadalada madaxdii shirka ka qeybgashay kadib waxaa shirka lagu go'aamiyey in maamulka cusub loo muujiyo wadashaqeyn rasmi ah iyadoo islagoobtana dadka shirka ka qeybgalay ay ku saxiixeen bixinta Kumanaan kun oo doolar oo uu Shantii Kun ee ugu horaysay ku deeqay Suldaan Cabdisalaan iyadoo ay jiraan ganacsato ku deeqday labajibaarka lacagtaas, Waxaana sidoo kale goobta haweenkii ka qeybgalay qaarkood ay ku bixiyeen "Dahabookoodoo"!, iyadoo dhanka kalena goobta lagu sameeyey balanqaadyo bixinta kharashaad intaas ka badan,Waxaana uu maamulka goobta ku helay taageero shacab oo u eg mid khasab ah maadaama aysan jirin meel kale oo la aado & Bixinta lacago badan oo ay dadku hormarkooda ku bixinayaan iyagoonan Dawlada & Hay'ad midna wax ka sugayn waana markii ugu horaysay oo ay Reer Gaalkacyo sameeyaan isku tashi intaas le'eg.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadalada madaxdii shirka ka qeybgashay kadib waxaa shirka lagu go'aamiyey in maamulka cusub loo muujiyo wadashaqeyn rasmi ah iyadoo islagoobtana dadka shirka ka qeybgalay ay ku saxiixeen bixinta Kumanaan kun oo doolar oo uu Shantii Kun ee ugu horaysay ku deeqay Suldaan Cabdisalaan iyadoo ay jiraan ganacsato ku deeqday labajibaarka lacagtaas, Waxaana sidoo kale goobta haweenkii ka qeybgalay qaarkood ay ku bixiyeen "Dahabookoodoo"!, iyadoo dhanka kalena goobta lagu sameeyey balanqaadyo bixinta kharashaad intaas ka badan,Waxaana uu maamulka goobta ku helay taageero shacab oo u eg mid khasab ah maadaama aysan jirin meel kale oo la aado & Bixinta lacago badan oo ay dadku hormarkooda ku bixinayaan iyagoonan Dawlada & Hay'ad midna wax ka sugayn waana markii ugu horaysay oo ay Reer Gaalkacyo sameeyaan isku tashi intaas le'eg.

 

Do it yourself is the way out. Well done reer Galkacyo, today you made me proud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this