Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland authorities release detained Total oil mer rouge Managers

Recommended Posts

Madaxdii shirkada Total ee xabsiga Berbera ku xidhnaa oo saaka la sii daayay

 

 

waxgaradka.aqoonyahanka iyo xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Gabiley oo uu ka soo jeeday Maareeyaha guud ee shirkada Total ee Somaliland Sacad Cilmi Jibriil

 

Waxa saaka subaxnimadii hore ooda la qaaday Madaxdii shirkada Total usareysay ee xabsiga magaalada Berbera ku xidhnaa mudada labada cisho ah waxa kaloo iyan siideyntaa madaxda Total weheliya sadex Xubnood oo iyana lagu edeynaayay in ay usoo gurmadeen masuuliyiintaa shirkada Total ee xadhinaa oo Iyagu ka soo kicitamay dhinaca Caasimada Hargeysa waxaana siideynta madaxdan Total ay ka dambeysay shirjaraa.id oo ay maalintii shalay kuqabteen magaalada Hargeysa waxgaradka.aqoonyahanka iyo xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Gabiley oo uu ka soo jeeday Maareeyaha guud ee shirkada Total ee Somaliland Sacad Cilmi Jibriil iyo xubnaha kale ee gurmadka Lagu eedeynayay oo uu iyana kamid ahaa Mujaahid Aadan Maal iyo laba xubnood oo aan la magac dhabin waxaanay xubnahaasi shirka Jaraa.id qabtay Ay aa xukumada siilaanyo ka dalbaday in xoriyadiisa loo soo celiyo maareeyha shirkada Total ee ku Xidhan xabsiga berber iyaga oo Xadhigiisana ku tilmaamay xadhig sharciga baal marsan oo aan la garaneyn meel uu ka soo baxay amarkiisu sida ay xubnahaasi sheegen iyaga oo intaa ku daray in ay xidhiidh la sameeyen Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax) ee xadhiga masuuliyiintan lagu edeynaayay balse uu badhasaabka Gobolka Saaxil xubnahaas usheegay in xadhiga Xubnahaas uu ka yimi awooda isaga ka sareysa sida ay shirkooda ku sheegen taas oo ay uqaateen in xadhigani kayimi dhinaca Madaxtooyada balse Markii ay madaxtooyada iyo Madaxweynahaba la xidhidheen uu ugu jawaabay waxba kalama socdo xadhiga Masuuliyiintaa shirkada Total.

Dhinaca kale iyana siideynta Maaareyaha shirkada Total iyo xubnaha la xidhan ka qeyb qaatay oo Magaalada berbera habeenkii xalay uyimi Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha sharci dajinta Somaliland Mudane Cabdicasis Maxamed Samaale iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada arimaha Gudaha Cabdilaahi Balaaki iyo waliba Abiib timacad oo kamida siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Gabiley waxaana la sheegayaa in imaatinka masuuliyiintani uu la xidhiidho amar siideyneed oo ay ka sideen dhinaca Xukumada amarkaas oo loo malaynayo in uu kadanbeeyay baaqyadii ka soo baxay bulshada reer Gabiley ee kala duwan iyada oo aanay jirin cid ka warbixisay siideynta masuulkan usareeya shirkada Total oo Kamida xubnaha ka socday dhinaca xukumada iyo kuwa gobolka toona balse sida aanu xogo Laxidhiidha siideyntaasi ay sheegayaan in si shuruud la.aana dhinaca xukumada looga sii daayay Maareeyaha shirkada Total iyo xubnaha la xidhnaa oo uu kamid ahaa xisaabihii shirkada Total oo lagu Magacaabo Cabdikariin Xussen Cilmi iyo xubnaha kale ee laxidhnaa balse Agaasimaha dhawaanta loo Soo magacaabay Haamaha keydka shiidaalka berbera Dr Shine Cabdi barkhadle oo aanu wax ka weydiinay siideyntaa maareyaha shirkada Total mr Sacad Cilmi iyo xubnaha la xidhnaa ayaa ka gaabsaday isaga oo noogu jawaabay kala xidhiidha Gudoomiyaha Gobolka Saaxil isaga ayaa masuulkii Gobolka ahe balse Gudoomiyaha oo aanu iskudaynay in aanu kala xidhiidhno tilifoonkiisa gacanta ayaa Aanay noo suurgalin sababa la xidhiidha tilifoonkisa gacanta oo xidhnaa.

Dhinaca kale ayaa waxa aan iyaguna si rasmiya uga warbixin siideyntooda xubnihii xidhnaa ee uu Hogaaminaayay maareye Sacad Cilmi Jibriil waxaanay islamarkii la siidaayay ay u ambabaxeen dhinaca Caasimada Somaliland ee Hargeysa waxaanay isa soo raaceen masuuliyiintii dhinaca xukumada Ka socday ee sii deyntooda utimi berbera iyada oo maareeyaha shirkadan sida la sheegay loo haystay xaqa iyo xuquuqda shaqaalaha shirkada ushaqeynaayay mudada dheer oo uu dhinacnaba usaari waayay balse Waxa la sheegayaa oo aan sicad loogu dhawaaqin in shaqaalaha ay masuuliyiinta Gobolka Saaxil iyo Agaasimaha wasaarada ganacsigu ubalan qaadeen in ay xaqooda helayaan sidaasna ay shaqaaluhu shaqada ku bilaabeen maalintii salaasada ee wiigan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Badhasaabka Saaxil oo Ka Hadlay Maamuleyaashii Total oo La sii daayay

 

May 27th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Maamulihii shirkada shiidaalka kootada ku haysatay ee TOTAL Sacad Cilmi iyo xisaabiyihiisii C/Kariin Xuseen ayaa maanta laga sii daayay xabsiga Berbera ka dib markii ay ku xidhnaayeen muddo laba maalmood ah ka dib markii ay ka war-wareegeen fulinta amarkii Madaxweynaha Somaliland ku buriyay heshiiskii shirkadaasi ay xukuumaddu kula jirtay.

 

Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan ayaa sheegay in saraakiishan la sii daayay ka dib markii ay ogolaadeen inay u hoggaansamayaan amarka xukuuamada isla markaana ay xilka maamulka haamaha ku wareejinayaan Guddi heeer qaran ah oo ka socota dawlada.

 

Badhasaabku waxa kale oo uu sheegay in shirkada Total aanay muddo laba sanadood keenin wax shiidaal ah waxaanu tilmaamay inay marka horeba heshiis sharci darro ah ay kula jirtay xukuumadihii ka horeeyay dawlada Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 

Maxamuud Cali Saleebaan waxa uu jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Mudane Xildhibaan Bashiir Tukaale oo xadhiga masuuliyiinta Total ku sifeeyay mid sharci darro ah oo u muuqan kara aarsi.

Badhasaabku waxa uu u soo jeediyay Xildhibaan Bashiir inuu difaaco shuruucda dalka maadaama oo uu yahay xubin ka tirsan sharci dejiyeyaasha dalka.

 

Heshiiska Madaxweyne Siilaanyo buriyay ee shirkada Total ayaa la kala saxeexday sanadkii 1993-kii xiligaasi oo Golihii Wakiiladdu ay diideen meel marintiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this