Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Government official statement concerning Somalia's upcoming June Conference.

Recommended Posts

Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay Dayr Uga Tahay Itoobiya Iyo Jabuuti ArgagixisadaMay 27th, 2011 Comments Off Hargeysa (Somaliland.Org)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in jiritaanka qaranimadeedu ay ahmiyad weyn ugu fadhiyo gobolka oo ay dalalka Itoobiya iyo Jabuutiba dayr uga tahay argagixisada iyo budhcad badeedka.Dawladdu waxay sheegtay inaanay ka qeyb gali doonin shirarka lagu heshiisiinayo Soomaaliya ama dawlad loogu dhisayo.“Soomaaliyi ha joogto ama ha ka maqnaato mar kasta oo qaramada midoobay iyo dawladaha beesha caalamku ay gogol u fidiyaan oo ay Somaliland u yeedhaan oo ay yidhaahdaan kaalaya qadiyadiinna noo sheega.Somaliland iyadaa u baahan inay u sheegto. Somaliland ma aha qadiyad lala xishoonayo ee waa qadiyad banaanka lala imanayo oo u qalanta in dibada loo soo saaro,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta u waramayay Laanta Afsoomaaliga ee Idaacadda BBC-da.Afhayeenku waxa uu sheegay inaanay Somaliland tagayn shirarka Soomaaliya lagu heshiisiinayo waxaanu yidhi “Anagu shirarka Soomaaliya lagu heshiisiinayo ma tagayno,shirarka Soomaaliya dawladaha loogu dhisayana ma tagayno.Anagu waxaanu tagaynaa shir kasta oo aanu arkayno inay Somaliland fursadi ugu jirto ay ku bandhigto qadiyadeedda.”Cabdilaahi Cukuse oo la weydiiyay su’aal ahayd ma la odhan karaa afartii madaxweyne ee Somaliland soo maray waxa ugu kalsooni badnaa labadii SNM marka laga hadlayo shirarka dibada iyo arrimaha Soomaalidaba, waxaanu ku jawaabay “Madaxweyneyaashii Somaliland soo maray oo dhammi ixtiraam ayay mudan yihiin, nin waliba intii uu dedaali karayay wuu dedaalay oo wax wuu qabtay mid waliba intii uu joogay sidii ay ula muuqatay inuu Somaliland u meel mariyo ayuu u meel mariyay. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo-na waa Madaxweyne nasiib badan waayo waa Hoggaamiye qadiyadan u soo dagaalamay oo afartan sanadood oo ka mid ah nolashiisa siiyay markaa sidee baanu u ahayn qof isku kalsoon oo qadiyadan halka uu doono la tagi karaa waa Madaxweyne dalkan wax u doonaya ee aan waxba ka doonayn.wuu ku kalsoon yahay qadiyada dalkiisa iyo shacbigiisaba.”Afhayeenka oo ka jawaabayay su’aal ahayd waxa uu ku qancin karo dadka labaatanka sanadood ee Somaliland jirtay ee quusta ka jooga ictiraaf la’aanta waxa uu yidhi “Walaahi dadku way kala niyad jab ogyihiin, boqolaal iyo boqolaal sanadood haddii ay qaadanayso qadiyadan waa la dabo joogayaa. Qadiyada Somaliland waxay hiil u tahay Soomaaliya, waxay hiil u tahay Afrika. Anagu waxaanu aaminsan nahay haddii la aqoonsado inaanu ka shaqayn karno nabadeynta Soomaaliya, waxaanu aaminsan nahay marka Somaliland la ictiraafo inaanu Jabuuti u noqonayno dayr kaga gudban argagixisada. Waxaanu aaminsan nahay in aqoonsiga Somaliland Itoobiya kaga gudban yahay argagixisada iyo budhcad badeedda. Imikaba waanu kaga gudban nahay labadaba.”“Haddii ay Somaliland meesha ka baxdo dalalkaasna xaaladoodu ma fiicna, Anagu Soomaaliyana waxaanu doonaynaa inay fiicnaato oo ILAAHAY ayaanu u baryaynaa marka nala aqoonsadana waxaanu aaminsan nahay inaanu wax la qaban karayno,”ayuu yidhi Afhayeenku.Cabdilaahi Cukuse oo la weydiiyay in dad badan oo reer Somaliland ahi ay diidan yihiin ka qeyb galka shirarka lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in dadka sidaasi qaba aan iimaankooda quweeyo oo aan idhaahdo aamina ILAAHAY oo aan idhaahdo aamina hoggaamiyaheena mudadaasi dheer u soo shaqaynayay qadiyada ummaddan. Somaliland waxay ku dhisan tahay rabitaanka shacbiga iyo dawladooda oo is wata.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

So Sland wants recognition so they could be in service of Ethiopia. On side note, atleast Siiraanyo is being pragmatic and moving away 'we are not gonna sit with Somalis' mantra.

 

 

Where's Xiin?:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afhayeenku waxa uu sheegay inaanay Somaliland tagayn shirarka Soomaaliya lagu heshiisiinayo waxaanu yidhi “Anagu shirarka Soomaaliya lagu heshiisiinayo ma tagayno,shirarka Soomaaliya dawladaha loogu dhisayana ma tagayno.Anagu waxaanu tagaynaa shir kasta oo aanu arkayno inay Somaliland fursadi ugu jirto ay ku bandhigto

I love this new foreign Policy By Mujahid Siilaanyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Why is Somaliland even respinding to a meeting in Mogadishu? Why did they not respond to the meeting in Khartoum, or the one to be held in Cairo and so on?

 

The fact remains NW Somalia will shake to the core when we have a stable government in Mogadishu. Hence the overtime XX is putting in of late.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Che -Guevara;723938 wrote:
^'Mujahid' loves it, so XX must flow suit.

I supported Siilaanyo during his days as SNM chairman and he is doing a great job so far as president.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this