Taleexi Posted May 27, 2011 Nin nabada iga jecili ma jiro balse diinta Islaamku pacifist ma aha. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abokor Omar Posted May 27, 2011 Why do I feel like im hearing the three witches from Macbeth on this thread? Lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted May 27, 2011 I remember last time the SSC group attacked Gambadhe with some Puntland troops laakinse wa la jabiyey. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted May 27, 2011 Maleeshiyada SSC-da Oo Weerar Ku Soo Qaaday Tuulada Gambadha Ee Gobolka Sool Iyo Khasaaraha Ka Dhashay + U Diyaargarowga Dagaal Xoog Leh Oo Qarxa Saacadaha Soo Socda. Gambadha(Ramaas) May27, 2011 - Wararka imanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in dhawr qof ay ku dhinteen tiro kalena ay soo gaadheen dhawaacyo, kadib markii kooxda falaagada ah ee SSC-da habeen badhkii xalay ay weerar xoog leh ku soo qaadeen tuulada Gambadha oo illaa 35 KM dhanka Koonfur Bari kaga beegan Magaalada Laascaanood. Waxaana halkaa ka dhacay dagaal ba’an oo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kooxda weerarka soo qaaday. Ciidamada falaagada ee soo weeraray Tuulada, waxa hogaaminayay Col Cabdilaahi Sabaray oo ah sarkaal sare oo ka tirsan SSC-da, kaas oo dagaalka ka soo abaabulay jiida deegaanka Tukaraq oo ah meel ay saldhigyo jabhadu ku leedahay, iyada oo la sheegay in ciidamadaasi ay ku hubaysnaayeen noocyada kala duwan ee hubka, kuwaas oo u badnaa dhalinyaro laga soo u uruuriyay beelaha deegaankaaas. Waxa wararku sheegayaan in dadkii dagaalka ku dhawaacmay ee labada dhinac dhamaantood la geeyay cisbitaalka guud ee Magaalada Laascaanood oo lagu daaweynayo. Ciidanka maleeshiyada SSC-da oo gudaha usoo galay Tuulada Gambadha ayaa cabsi ku abuuray dadka rayidka ah, iyaga oo dadka looga shakiyay in ay gacansiinayeen ciidamada Somaliland si gaar u waraysteen, ma jirto wax khasaare ah oo illaa hadda la sheegay oo soo gaadhay dadka degan tuulada. Dhanka kale, waxa isoo taraya walaaca laga qabo dagaal ka qarxa marka kale jiidaas, iyada oo ay ciidamada Somaliland ay isu diyaarinayaan sidii ay u qaadi lahaan weerar ballaadhan oo ay falaagada kaga saarayaan guud ahaan dhulka ay haystaan oo noqday meelaha ay iska soo abaabulaan marka ay soo qaadayaan weerarada gaadmada ah. Ramaasnews Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites