Sign in to follow this  
General Duke

Nairobi: UN meeting on Somalia final communique

Recommended Posts

Faahfaahin Kasoo baxday Shirkii Qarmada Midoobey ee lagu soo Gabagabeeyey Kenya

 

23 mins ago | 3 comments

 

Shirkii Qaramada Midoobay ay isugu keentay dhinacyada Soomaalida ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Nnairobi ee xarunta wadanka Kenya,waxaana shirkaasi oo looga arinsaday arrimaha Soomaaliya goob jooga ka ahaa sida:

 

Dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

Puntland.

Somaliland.

Gal-mudug.

Saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay iyo marti sharaf kale.

 

Ka dib markii uu soo afmeermay shirka ayaa Saxaafada waxaa la hadlay ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga,ergayga joogtada ah ee Dawladda Ingiriiska u qaabilsan golaha amaanka Mr Mark Lyall Grant iyo ergayga joogtada ah ee Dawladda Koonfur afrika u qaabilsan golaha amaanka ee Qarmada Midoobey Mr Baso Sanguqu,waxaana Warsaxaafadeed ay si wadajir ah ugu qabteen wadanka Kenya ku sheegeen in shirkaasi kasoo baxeen qodobo ay ugu muhiimsanaayeen:

 

In madaxda ugu saraysa Dawladda KMG ah ay si deg deg u joojiyaan khilaafka u dhaxeeya ayna iska ilaawaan muddo kordhinta aan waafaqsanayn sharciga loogana baahanyahay in dalka doorasho u diyaariyaan,maadaama wakhtiga Dawladu uu ku eegyahay bisha Augosto.

In hogaamiyaasha Soomaalida looga baahanyahay in ay xooga saaraan sidii ay hubanti uga dhigi lahaayeen in laga gudbo nidaamka Kumeel gaarga ah,loona diyaariyo wadanka doorasho.

In looga baahanyahay dhamaanba dhinacyada Soomaalida in la shaqeeyaan Wakiilka Qarmada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga oo la sheegay in uu diyaarin doono shir wadatashi ah oo la sheegay in uu ka dhacayo magaalada Muqdisho ayna isugu imaan doonaan qaybaha Soomaalida.

In Soomaalida taladeeda dib loogu celiyo si aayahooda uga tashadaan.

Shirka ka dhici doona magaalada Muqdisho ayaa ah shir dhawaan Xukuumada Dawladda KMG ah ee Soomaaliya sheegtay in ay ku qabanayso Muqdisho,waxaana la isku raacday in shirkaasi uu garwadeen uu ka noqdo Mahiga.

 

Waxaa sheegid mudan in marka uu dhamaado shirka wadatashiga ah ee la filayo in Muqdisho ka dhaco in golaha amaanka ee Qaramada Midoobey dib loogu celin doono natiijada rasmiga ah ee kasoo baxda.

 

Lama yaqaan aragtida rasmiga ah ee maamulada ka qaybgalay shirka lagu soo gabagabeeyey Nairobi,Kenya ay ka qabaan natiijada kasoo baxday Shirka.

 

Horseed Media

Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this