Liqaye Posted May 25, 2011 Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa xaqiijiyay in ay ka qeyb galayaan shirka Golaha Amaanka ugu qabanayo Soomaalida magaalada Nairobi kaas oo looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya. Wasiirka oo wareysi siiyay idaacadda BBC-da, laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in ka qeyb galka shirkan aan micnihiisu ahayn in Somaliland ay wax ka badashay mowqifkeeda ku aadan gooni isu taagga. Magaalada Nairobi ayaa waxaa ka furmaya maanta shir ay isugu imaanayaan Goalaha Amaanka QM iyo soomaalida, waxaana uu socon doonaa mudo laba maalmood ah. Ma ahan markii ugu horeysay oo uu maamulka Somaliland ka qeyb galo shir looga hadlayo arrimaha soomaalida. Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda Quote Share this post Link to post Share on other sites