Sign in to follow this  
Saalax

Gudoomiyaha Baanka Dhexe Sland:Lacagta Ginbiirta Oo Laga Mamnuucay Qadaashadii Guud Ahaanba Burco

Recommended Posts

Saalax   

Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland oo Maanta Kaga Dhawaaqay Magaalada Burco in Guud Ahaanba La Mamnuucay Qaadashadii Lacagta Giinbiirta ah.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Giinbaar I guess means areebo, wali ma waadan maqal heesta caruurta (wiilasha) ee ah:

hooyo hadaad gaartoo gaboowdo,

hadii guule Alle ka yeelo,

markaad guur u haminayso,

Giinbaar waligaa ha guursan,

oo gobtiin bay kaa raartaayo

gegi cidlay kugu furtaa.

 

But the question is why are they calling Somali currency Giinbaar, uma quuraan miyaa inay yiraahdaan lacag Somali.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Giinbiir kulaha, the man can't even say Somali shilin. For 20 years the people of Burco relied on the Somali shilin and will continue to do that if they want to do business with LA, Bosaso, Galkayo and Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Gudoomiyaha Baanka s/land ayaa ku dhawaaqay in Burco laga joojiyey isticmaalka lacagta Giinbaarta.

TUESDAY, 24 MAY 2011.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Somaliland oo Burco ka sheegay in la joojiyay isticmaalkii Shillin Soomaaliga

 

 

 

Arbaco, May 25, 2011 (HOL) – Guddoomiyaha bankiga dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa shalay si rasmi ah uga sheegay magaalada Burco in la badalay lacagtii shillin Soomaaliga ahayd (Giinbaarta Burco) oo hore looga isticmaali jiray gobolka Togdheer, iyadoo maamihii u dambeeyay lagu ururinayay lacagtaas bankiga Burco.

 

Guddoomiyhu wuxuu sheegay in lacagtii hore ee gobolka Togdheer laga isticmaali jiray ee ay soo ururiyeen ay gaarayso 19-bilyan iyo 800-milyan (sagaal iyo toban bilyan iyo sideed boqol oo milyan) oo u dhiganta 10-bilyan (toban bilyan) oo Somaliland shilin ah, isagoo sheegay in lagacgta ay ururiyeen ay ka badan tahay intii ay horay u filayeen.

 

"Maanta laga billaabo guud ahaan gobollada Somaliland waxaa laga isticmaali doonaa lacagta Somaliland, taas ayaana lagu bixin doonaa canshuuraha dowladda iyo howlaha kale ee aasaasiga ah," ayuu yiri guddoomiyaha bankiga dhexe ee Somaliland Cabdi Daahir Cabdi.

 

 

 

Bishan 14-keedi ayay ahyd markii xukuumadda Somaliland ay si rasmi ah ugu dhawaaqday in magaalada Burco laga billaabayo bedelka lacagta Giinbaarta (Somali Shilling), taasoo la sheegay inay dhaqaalaha gobolka hoos u dhigtay, iyadoo taasi ay keentay in dhamaan gobolka Togdheer iyo degmooyinkiisaba laga ururiyo lacagtaas laguna bedelo Somaliland shillin.

 

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay agaasimaha bankiga dhexe ee Somaliland isagoo sheegay in isbedel dhab ah ku yimid lacagta laga isticmaalo gobolka Togdheer, wuxuuna bulshada Somaliland ugu baaqay inay aaminaan lacagtooda ayna dhigtaan bankiga dhexe ee Somaliland oo diyaar u ah inuu bulshada si daacad ah ugu adeego.

 

Ugu dambeyn, guddoomiyaha bankiga dhexe ee Somaliland ayaa warbaahinta u soo bandhigay dhammaan lacagtii lasoo ururiyay ee horay looga isticmaali jiray gobolka Togdheer, taasoo la filyo in dhawaan lagu gubo goob fagaare ah, waxayna tani ka mid noqoneysaa rumeynta ballamadii ay xukuumada Somaliland u balan-qaadday shacabka reer Togdheer xilligii ay ku jirtay ololaha doorashooyinkii madaxtinimo ee Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this