Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland:eastern sool clan elders Confirm that they're offically behind the Sl Government +VIDEO

Recommended Posts

Beelo Ka Mid ah G/Sool Oo Ka Hadlay Mowqifkooda Somaliland Iyo Gogosha NabaddaMay 23rd, 2011 Comments Off Hargeysa (Somaliland.Org)- Shir muddo tobaad ah uga socday beelaha Maxamuud Bari ee gobolka Sool iyo Koonfurta Sanaag, ayaa maanta laga soo saaray war murtiyeed ka kooban afar qodob, oo ku wajahan dhinacyada nabadgelyada iyo siyaasadda.Shirkan waxa maanta gunaanadkiisii ka soo qeyb galay oo goob joog ka ahaa Badhasaabka Gobolka Sool Md. Cadilaahi Jaamac Diiriye iyo Guddoomiyaha Guddida tallo bixinta furashada ururada siyaasada ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore.Oday Maxamuud Jaamac Maxamed oo galabta la soo xidhiidhay shabakada wararka ee Somaliland.Org, ayaa tafaasiil ka bixiyay go’aamada shirkaasi ka soo baxay.“Waxaan kuu sheegayaa Beelaha Maxamuud Bari oo kala ah Cumar Wacays, Ugaadh yahan iyo Hinjiile oo dega degmooyinka Taleex, Xudun, Laascaanood iyo koogfurta Sanaag ayaa shir balaadhan uga socday todobadii maalmood ee la soo dhaafay magaalada Laascaanood, shirkaasi waxa waxgaradka, aqoonyahanka iyo cuqaasha beelahaasi ay kaga arrinsanayeen maslaxadooda, nabadgelyada iyo qodobi kale oo dan u ah bulshada gobolka Sool, shirkan waxa uu ku dhamaaday jawi wanaagsan waxaana ka soo baxay bayaan afar qodob ka kooban oo waxgaradkii ka qeyb galay ay isla qaateen kuwaasi oo kooban afar qodob,”ayuu yidhi Maxamed Jaamac Maxamuud.Oday Maxamed Jaamac oo aanu weydiinay Nuxurka qodobada ka soo baxay shirkan waxa uu yidhi “Shirkan waxa ka soo baxay qodobadan hoos ku qoran:-1-Beelahani waxay go’aansatay oo ay isla qaateen inay ku midowdo Somaliland oo ay is barbar taagaan maamulka dawlada Somaliland ee uu Hoggaamiyo Axmed Siilaanyo.2- Beeshu waxay si kal iyo laab ah u soo dhawaynaysaa kana qeyb galaysaa gogoshii nabadeed ee uu shacbiga gobolada bari qaarkood u fidiyay Madaxweynaha Somaliland.3- Beeshu waxay beelaha kale ee Somaliland ku boorinayaan in si wada jir ah loo ilaaliyo ammaanka dalka, wada jirka isla markaana xukuumada Madaxweyne Siilaanyo laga gacan siiyo sugida nabad gelyada dalka.4- Beeshu waxay go’aansatay in xukuumada Somaliland ay ka doonato xuquuqdeeda siyaasadeed iyo bulsho.”Maxamed Jaamac Maxamuud, waxa kale oo uu tilmaamay in Bayaankaasi ay qalinka ku duugeen qaar ka mid ah waxgaradka beelahaasi kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Caaqil C/Kariin Xasan Saalax, Caaqil Faarax Muuse Dhiin, Caaqil C/Rashiid Cilmi Faarax iyo waxgarad kale.Waxgaradkani waxa kale oo ay ammaan balaadhan u soo jeediyeen badhasaabka gobolka Sool Cabdilaahi Jaamac Diiriye oo ay sheegeen inuu la lagdamayo sidii nabad gelyada gobolka Sool loo xasilin lahaa. Waxaanay xukuumada Somaliland ka dalbadeen inay maamulka gobolkaasi ka gacan siiyaan sugida amniga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar;722524 wrote:
;)
;)
;)
;)
;)
;)
;)
;)
;)
;) - Entertaining iga dheh...

Ma Dhabaa in Cuqaal iyo Odayaal ka Socda beesha Ugadhyahan Siyaad Taageren Gogosha Siilaanyo-(Video)

Lasanod Online. Tuesday, May 24, 2011

 

Laascaanood,(lasanod Online)- Shir ballaadhan oo lagu qabtay magaalada Laascaanood ayaa laga soo saaray afar qodob oo heshiish dhexmaray..

 

 

maamulka Somaliland iyo cuqaal iyo odayaal ka socda Beesha Ugaadhyahan Siyaad.

 

Qodobadaas waxaa ka mid ahaa in la taageero lana soo dhaweeyo baaqii nabadda ee madaxweynaha maamulka somaliland Axmed Siilaanyo.

 

Cuqaasha iyo odayaasha ayaa sidoo kale soo jeediyey inay marka hore la wada hadlo iyagoo nabadana sheegay in la adkeeyo, waxayna cuqaasha iyo odayaashani ku dheeraadeen in markii Somaliland qabsatay gobolka Sool ay beel ahaan iskaga baxeen iyagoo diidaanaa maamulkaas, laakiin hada ay doonayaan inaysan dalka ka tegin haddii Somaliland joogto iyo hadii cid kale qabasato midna.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this