Saalax Posted May 22, 2011 Raadinta Soomaali weyn waa khatarta koowaad ee Soomaaliyi yeelan karto (Hadhwanaagnews) Saturday, May 21, 2011 Bismillahi Raxmaani Raxiim Alxamdu Lilaahi Rabbil caalamiin, wasalaatu wasalaamu calaa Rasuuli laahi wasaxbih, wa bacdu. Asalaamu calaykum waraxma Bismillahi Raxmaani Raxiim Alxamdu Lilaahi Rabbil caalamiin, wasalaatu wasalaamu calaa Rasuuli laahi wasaxbih, wa bacdu. Asalaamu calaykum waraxma Sidaynu qabaa`il xoolo dhaqato u badan, beeralay iyo reer magaalna aanu ka madhnayn isaga ahayn, hadaynu Somaali nahay, ayay dusha inaga qabsadeen gaaladii cadaanka ahayd ee reer Europe, sida Faransiiska, Britishka, iyo Talyaaniga. Sidoo kale caalamul Islaam oo dhan( marka laga reebo gobolada Xijaaz iyo Najd, oo imika loo yaqano Saudi Arabia) ayay gacanta ku dhigeen nimankaasi, taariikhda markii uugu horeysay intii Islaamku dunida ka jiray oo xiligaas ku sinayd 13 ilaa 14 qarni. Kooxo iyo shakhsiyaad aan la koobi karin ayaa intaasba isku deyaayey kuna baaqaayey sidii gaalada la isaga kicin lahaa, Waxaana hawlahoodaas loo yaqaanay dhaqdhaqaaqyo gobanimo doon. Dhinaca Soomaalida waxaa iska kicinta gaalada ka dib kooxahaas gobanimo doonka la baxay ku baaqayeen in Soomaali la mideeyo. Taas oo macnaheedu yahay in dhulka Soomaalidu degto dawlad iyo dal qudh ah isku noqdo, marka gaalku tago amase gobanidaba la qaato. Waxay soo guclaysaba badhtamihii sanadkii 1960kii ayey laba gobol calankii wada qaateen mudo usbuuc gudihiis ah, dabeetana ku midoobeen isla mudadaas. Si ay midnimadaasi mudada dheer lagu baaqaayey u hir gasho, dawlad Soomaliyeed oo laxaad leh gobolada hadhsana keeni kartaana u dhalato uuna hirgasho, waxay geestii Britishku ka kacay sameeyeen tadxiyad ama tanaasul badan, oo caadifad iyo jibo Soomaali weyn uun ku dhisan, laakiin xaqiiqada ka fog. Waxay shuruud la`aan ku geeyeen Muqdisho awoodii dawladnimo oo dhan, sida, caasimadii, madaxweynihii, raysal wasaarihii, baarlamaankii iyo gebi ahaanba golayaashii iyo laamihii dawliga ahaa ee ay lahaayeen. 30 sano ka dib, waxay dirqi yaa Allah iyo maryo dhiigle ku soo furteen dawladnimadii ay 60kii hadiyada u bixiyeen. Waxay si aan gabasho lahayn, oo badheedh ah ayakoo midnimadii Muqdisho qoomameeyey kana cadhaysan uugu dhawaaqeen, 18kii May 1991, magaalada Burco, inay dawladnimadoodii ay 1dii July 1960kii Xamar geeyeen la soo noqdeen, oo aanay maalintaas laga bilaabo ka mid ahayn wixii loo yaqaanay Jamhuuriyada Soomaaliyeed. La soo noqoshadaas gooni isutaagoodii ay 26kii June 1960kii heleen, ayaa wejigooda ku soo qortay farxad, ilays iyo riyaaq aan la koobi karin oo ka weyn kii maalintii Britishku ka tegay, taas oo iloowsiisay kana bi`isay ciilkii iyo cadhadii ay badeen kuwii ay la midoobeen ee reer Somalia. Labadaas go`aan ee aadka u kala fog ee reer Somaliland kala qaateen 60kii iyo 91kii, waxay ku tusaysaa sidii ay dadkaasi ku fakirayeen maalintaas hore iyo waxay kala kulmeen inuu kaaf iyo kala dheeri ahaa. Taasina keentay inay 30 sano ka dib gaadhaan go`aankii hore caksigiisa, kaas oo ah Ciisaa bi Diin Muusaa bi Diin! Go`aankan danbe ee gooni isu taag la soo noqoshada ah, ama dhidibo adag u taagida Republic of Somaliland wuxuu ka dhashay waayo aragnimo iyo duruus culus oo laga bartay 30kii sano ee cadaalad darada, cabudhinta, musuqmaasuqa, boobka, badsiga iyo xasuuqa aan loo aabo yeelin dad, diin iyo duunyo laga bartay. Waxaa noloshii iyo dhismihii dawladnimo laga soo bilaabay meel waxba ama Zero ka hoosaysa, taas oo ay gaadhsiiyeen kuwii ay awooda gacanta u geliyeen aayahoodana ku aamineen ee ay sida caadifada, jibada iyo niyad samaantu ku jirto uula midoobeen 1st July, 1960kii. Intuu doonaba itaal ha noqdee, waxaa hubaal ah in 20kaas sano kor uun loo socday, caqabado badana laga soo gudbay, maantana ay marayso meel Ilaahay swt lagu mahadiyo, ayadoo hadana aan weli ictiraaf dawli ah aduunyada ama beesha caalamka laga helin. Waxaa la tijaabiyey qadiyadii Soomaali weyn la odhan jiray waxaana la ogaaday oo indhaha iyo dhaayahaba la saaray inay tahay marin haboowga koowaad ee Soomaaliyi ku riyootay, iyo fakirka uugu khatarsan ee ina soo waajahay intaynu jirnay hadaynu dadka Soomaalida ah nahay. Wuxuu gooni isu taaga jamhuuriyada Djibouti cadeeyey in gobol kastoo gobanimo qaatay inuu goonidiisa isu taagaa tahay xalka qudha ee dawlad ama qaranimo Soomaaliyi leedahay lagu dhisi karo. Geesta kalena wuxuu midowgii Somaliland iyo Somalia cadeeyey inaanay weli Soomaalidu u bislaan una dhaweyn inay dal balaadhan oo intaas le`eg maamulkiisa dawliga ah hanato ama ka adkaato. Midnimadii hore la isugu sheekeeyey ee in badan Soomaaliyi ku riyootay raadisayna ayaa noqotay bahalka iyo dadqalka uugu weyn ee dhiigooda jaqaaya, una horseedaaya inay ayaku gacantooda isku baabi`iyaan. `Waxaad jeceshahay ayaa kuu shar badnaan kara, waxaad neceb tahayna way kuu khayr badnaan karaan` sida Qur`aanka ku cad. Soomaali weyn jacaylkeedii wuxuu noqday SHAR! la hubsay oo gorayo waa haad! Waxay reer Somaliland dhadhamiyeen markii taariikhdooda uugu horaysay ilaa intii gumaysigii Britishku ka tegay, macaanka ay leedahay dawladnimadaada oo gacantaada aad ku haysataa, aayahaaga oo aanad cid kale u daba fadhiisan iyo inaanad taladaada dawliga ah cidna marti uuga noqon karin, xataa Soomaalida dad kuugu xigta. Reer Somaliland maanta waa waayo arag aan waxba loo sheegi karin lana sasaban karin, sidaa darteed wixii inagu dhacay khasaare maaha maadaama aynu duruus lama ilaawaan ah ka baranay. Ilaahay swt, Somaliland ha adkeeyo, ha barakeeyo, ha nabadeeyo, ha badbaadiyo, ha dhawro, ha barwaaqeeyo, ha caafiyo oo shuushka iyo dulinkaba ha ka saaro, ha sugo oo ha siiyo khayr fi dunyaa wal aakhira. Aamiin Wasalaam. Bashe Cabdillahi Yusuf Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 22, 2011 Wuxuu gooni isu taaga jamhuuriyada Djibouti cadeeyey in gobol kastoo gobanimo qaatay inuu goonidiisa isu taagaa tahay xalka qudha ee dawlad ama qaranimo Soomaaliyi leedahay lagu dhisi karo. Geesta kalena wuxuu midowgii Somaliland iyo Somalia cadeeyey inaanay weli Soomaalidu u bislaan una dhaweyn inay dal balaadhan oo intaas le`eg maamulkiisa dawliga ah hanato ama ka adkaato. Hmmmmmmmm Quote Share this post Link to post Share on other sites