Liqaye Posted May 21, 2011 Kaaliyaha wasiirka arrimaha dibbadda dalka Kenya Richard Onyonka ayaa sheegay in dawlada Kenya ay u aqoonsanayso maamulka Soomaaliland ee waqooyiga Soomaaliya dal madax banana Richard Onyonka oo ka hadlay kulan ay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku yeesheen odoyaal ka soo jeeda Soomaaliland ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay taageerayso in Soomaaliland ay noqoto dawlad Soomaaliya ka madax banaan isla markaana aydhinacooda aqoonsan doonaan. Kaaliyaha wasiirka arrimaha dibbadda Kenya waxaa uu xusay in Kenya ay dadaal u galayso sidii ay aqoonsi ugu raadin laheyd waxaana uu ugu baaqay wadamada kale eek u jira ururka Midawga Africa inay aqoonsadaan Soomaaliland waxaana uu intaa ku daray heer nabad galyo ee Soomaaliland ka jira darted ay mudan tahay in la aqoosado. Mas’uulkaan dawlada Kenya waxaa uu sheegay in doorashooyinkii ka dhacay Soomaaliland ay muujinayso in dimoqraadiyadu si weyn uga hir gashay goboladaas waxaana uu sidoo kale tilmaaamay in Soomaaliland ka bad qabto burcad badeeda iyo wax uu ugu yeeray argagixisada. Dawlada Kenya ayaa noqonaysa dawlada kaliya ee African ah ee ku dhawaaqda inay dawlad gaar ah u aqoonsanayso Soomaaliland oo muddo 20 sano ah raadinaysa aqoosi caalami ah. Maalin ka hor xubno ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa ku baaqay in Soomaaliland la aqoonsado waxayna Soomaaliland ka mid tahay meelaha Soomaaliya ugu nabdoon .. Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Muqdisho-Somalia Tel:0025261-5573321 00252699995088 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ibtisam Posted May 21, 2011 http://www.medeshivalley.com/2011/05/kenya-ready-to-recognize-somaliland.html ^English version. Does not amount to much though in my opinion, still waiting for the AU to make the first move. Quote Share this post Link to post Share on other sites