Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Axmed mire i am proud of the people i fought for so long

Recommended Posts

Dadkii Isu Soo Baxa Sameeyay Waxay I Tustay In Dadka Aan u Soo Dhimanaynay Yihiin Dad Dhiig Leh”

May 20th, 2011

Mujaahid Axmed Mirre Oo Ka Hadlay Aqoonsiga Somaliland

 

London (Somaliland.Org)- Mujaahid Axmed Mirre Maxamed ayaa sheegay in shacbiga ay qaranimadooda ilaashanayaan haddii la aqoonsado iyo haddii kale. Waxa kale oo uu ka hadlay isu soo bixii 18-kii May ay jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan wadanka Ingiriisku ay ka hordhigeen Guriga Baarlamaanka dalka Ingiriiska.

 

“Somaliland qaranimadeeda way ilaashanaysaa haddii la ictiraafo iyo haddii kaleba kana daali mayno qaranimadayadda, Horta Anigu ma nihin dad waxa ka dhiman qariya, khudbadii u dambeysay Madaxweynuhu wuu ku sheegay wixii dhinaa. Waxa naga dhiman kaabeyaashii dhaqaalaha, waxa kale oo naga dhiman shaqo abuurkii,”ayuu yidhi Mujaahid Axmed Mirre oo maanta ka hadlayay Laanta Af Soomaaliga ee BBC-da oo uu ka qeyb galay dood lagaga hadlayay waxyaabaha Somaliland u qabsoomay labaatan sano guuradii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax banaanida Somaliland.

 

Axmed Mirre oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaanu leenahay walaalahayaga Soomaaliya waxaynu ahayn walaalo oo anagaa (Somaliland) xornimada idiin keenay markii aanu dawladnimada idinka hor qaadanay sanadkii 1960-kii. Markii la burburayna idinkaa dhaxalkii aynu wada lahayn qaatay oo waxba nagamaydaan siinin.

Md. Axmed Mirre waxa uu si weyn u bogaadiyay dadweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan wadankan Ingiriiska ee 18-kii may isu soo baxa aqoonsi raadiska ah ka hordhigay aqalka baaralamaanka Ingiriiska isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Jaaliyada Somaliland ee wadanka Ingiriiska ku dhaqan isu soo bixii ay soo bandhigeen iyo yuhuuntoodii waxay I tustay in dadka aan u dhimanayay ay yihiin dad dhiig leh oo dadkooda u adeegaya. Dadkii isu soo baxay c iyaar umay soo bixine’e waxay adduun weynaha dareen geliyeen in Somaliland ay muddo labaatan sanadood ah samraysay oo ay xaq u leedahay in la ictiraafo.

 

Dadkaasi waxay Guriga baarlamaanka Ingiriiska u hor-tageen waxa weeye waa dalkii Somaliland mustacmarada u ahayd waxa laga doonayaa inuu noqdo dalka ugu horeeya ee aqoonsada maadaama oo uu garanayo xuduudaha iyo taariikhda.”

 

Mujaahid Axmed Mirre oo la weydiiyay waxyaabihii Ururkii SNM ka abuurmay waxa uu yidhi “Ururkii SNM wuxuu ahaa urur ka dhashay cadaalad daradii dalka ka taagnayd, cadaalad darradaasi oo baahday ayaa qof walba meeshiisa ku gaadhay. Markii la bixin waayay Odayaashii, Hooyooyinkii iyo ubadkii ee la xalaashaday wax kasta oo xaaraan ahaa ee wax ma yaqaankii laga dhigay wax yaqaan, waxyaqaankiina laga dhigay wax ma yaqaan, cadaalad darradu markay baahdo waxay burburisaa ummadda oo dhan horta markaa SNM waxay ka dhalatay Cadaalad darro.”

 

Cumar Maxamed Faarax

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Afkaada ka leexi "mujaahidka" JB. :D

 

Axmed Mirre oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaanu leenahay walaalahayaga Soomaaliya waxaynu ahayn walaalo oo anagaa (Somaliland)
xornimada idiin keenay
markii aanu dawladnimada idinka hor qaadanay sanadkii 1960-kii. Markii la burburayna idinkaa dhaxalkii aynu wada lahayn qaatay oo waxba
nagamaydaan siinin
.

lmao.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jb why are you insulting the Mujahid, he was willing to die for the people of Somaliland he was shot twice and survived, Mujahid Axmed mire cay ma leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;721747 wrote:
Afkaada ka leexi "mujaahidka" JB.
:D

 

 

lmao.

 

Soomaaliga miyuu kugu adagyahay walaal? Wax lagu qoslo maaha, haddii runta laguu sheego waa lagu qancaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this