Saalax Posted May 20, 2011 Puntland oo xirtay gudoomiyihii hore ee degmada Caluula Maamulka Puntland ayaa xabsiga dhigay gudoomiyihii hore ee degmada Caluula ee gobolka Bari xilli uu ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Saciid Maxamed Cali oo ka tirsan odayaasha degmada Caluula ee gobolka Bari oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in Xareed Ciise Cumar oo horay u ahaa gudoomiyaha degmada Caluula ay xabsiga dhigeen ciidamo ka tirsan dowladda Puntland xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaala magaalada Boosaaso. Xarigaan ayuu sheegay Saciid Maxamed Cali inaysan ogayn sababta kadambaysa,balse waxaa uu sheegay inay tahay mid lala xiriirinayo inuu wax ka ogaa maamul loogu magacdaray Raascasayr oo dhowaan looga dhawaaqay degmada Caluula,waxaana uu intaasi uu ku daray in masuulkan ka tirsanaa maamulka degmada Caluula loo wareejiyay xabsiga wayn ee Gaalshire ee magaalada Boosaaso isagoona ku tilmaamay inay talaabadaasi ay ka soo horjeedaan. Saciid Maxamed Cali oo loo yaqaano Saciid Xayraan ayaa dhinaca kale ka codsaday dowladda Puntland inay siidayso gudoomiyihii hore ee degmada Caluula oo uu sheegay inuu xiligaan yahay nin da’ah islamarkaana aan kuu noolaan karin xabsi. Dhinaca kale xiriiro aan la samaynay masuuliyiinta Puntland oo ku saabsan xarigan ayaanay noo suurta galin inaan wax ka’ogaano sababaha keenay in la xiro Xareed Ciise Cumar oo horay u ahaa gudoomiyahii degmada Caluula ee gobolka Bari, Xareed Ciise Cumar ayaa iska casilay xilka gudoomiye ee degmada Caluula 4-tii bishii marso ee sanadkii 2010 kadib markii uu sheegay in maamulka Puntland uu kala shaqaynwaayay wax ka qabashada xaaladaha kale duwan ee degmada Caluula. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites