Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Ministerial Delegation welcomed in widhwidh district+PICS

Recommended Posts

Wasiirka Xoolaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayay Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Widh-widh

May 20th, 2011

 

Widhwidh (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Iyo Horumarinta Deegaanka Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali iyo wefti uu Hoggaaminayay ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay degmada Widhwidh ee gobolka Buuhoodle.

 

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha waxa socdaalkan ku weheliya Afhayeenka Xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyaha Ciidanka qaranka ee Aaga Bari, waxa si weyn ugu soo dhaweeyay magaalada Widhwidh odayaasha iyo waxgaradka degmada Widh-widh. Waxa kale oo ka mid ahaa dadkii ku qaabilay degmadaasi Xoghayihii warfaafinta iyo birmadka ururka nabad diidka ah ee SSC Keyse Cabdi Yuusuf.

 

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali waxa uu u mahad naqay waxgaradkii weftigiisa ku soo dhaweeyay degmada WIdh-widh, waxaanu tilmaamay in socdaalkiisu qaadan doono mudo laba maalmood ah.

 

Dr. Cabdi Aw Daahir waxa uu sheegay in socdaalkiisu salka ku hayo qiimaynta mashaariic horumarineed oo xukuumadda Somaliland ka fulisay degmadaasi iyo sidii loo bilaabi lahaa gogoshii nabadeed ee xukuumada Madaxweyne Siilaanyo un fidisay deegaamada Sool,Buuhoodle iyo Sanaag Barri.

 

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in uu shacbiga degmada Widh-widh kala qeyb galayo munaasibada dabaal dega 18-ka May.

 

Dr. Cabdi Aw Daahir waxa uu xusay in mudada uu joogo uu kulamo kala duwan la yeelan doono maamulka degmada, Cuqaasha, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Widh-widh.

 

Wasiirka Xoolaha iyo Mujaahid Maxamed Kaahin labaduba waxay ka tirsanaayeen gudidii ka soo tallo bixinta gobolada bari ee Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay bilihii u horeeyay markii uu xukunka dalka la wareegay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Widhwidh (Waaheen)-Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali iyo wefti uu Hoggaaminayay ayaa shalay gaadhay degmada Widhwidh ee gobolka Buuhoodle.

 

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha waxa socdaalkiisa Widh-widh ku wehelinaya Af-hayeenka Xisbiga tallada haya ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Aaga Bari, iyadoo si weyn ay ugu soo dhaweeyay magaaladaasi odayaasha iyo wax-garadka degmada Widh-widh. Waxa kale oo ka mid ahaa dadkii ku qaabilay degmadaasi Xoghayihii warfaafinta iyo birmadka ururka nabad diidka ah ee SSC Keyse Cabdi Yuusuf.

 

Dr. Cabdi Aw Daahir ayaa sheegay in socdaalkiisu salka ku hayo qiimaynta mashaariic horumarineed oo xukuumadda Somaliland ka fulisay degmadaasi iyo sidii loo bilaabi lahaa gogoshii nabadeed ee xukuumada Madaxweyne Siilaanyo u fidisay deegaamada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag Barri, isla markaana ay soo qiimaynayaan mashaariic horumarineed oo xukuumadda somaliland doonayso in ay ka fuliso deegaamadsaasi, socdaalkiisu qaadan doono mudo laba maalmood ah.

 

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in socdaalkiisan degmada Widh-widh uu shacabka kala qeyb-galayo munaasibada dabaal dega 18-ka May, iyagoo kulamo la yeeshay qaybaha kala duwan ee maamulka degmadaasi, Cuqaasha, waxgaradka iyo degmada Widh-widh.

 

Dhinaca kale, Wararka laga helayo Degmadaasi Widh-widh ayaa sheegaya in socdaalka Wefdigu la xidhiidho in si ku meel-gaadh ah degmadaasi looga dhisayo xarunta Maamulka Gobolka Buuhoodle, kaasoo sababo ammaan darro awgeed looga soo rarayo Magaaladda Buuhoodle oo hore u ahaan jirtay Xarunta Gobolka, Sida uu Waaheen u xaqiijiyay Jaamac Dheeg oo gacanta ku haya dhismaha Xarunta Maamulka Gobolka Buuhoodle ee laga dhisayo Degmada Widhi-whidh ayaa sheegay in uu hadda dhammaday wejigii koowaad ee dhismuhu, isla markaana maanta oo sabti ah lagu wareejin doono kharashkii lagu dhisayay wejiga labaad ee Xaruntaasi Gobolka.

 

Wasiirka Xoolaha iyo Mujaahid Maxamed Kaahin labaduba waxay ka tirsanaayeen gudidii ka soo tallo bixinta gobolada bari ee Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay bilihii u horeeyay markii uu xukunka dalka la wareegay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumadda Somaliland Oo Degmadda Widh-Widh Ka Bilowday Mashaariic Horumarineed Iyo Nuxurka Shir-jaraa’id Oo Wasiirka Xanaanada Xooluhu Ku Qabtay Magaalada Burco.

 

Hargeysa(Ramaas) May22, 2011 - Wasiirka Wasaarada xananada Xoolaha iyo Degaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Dr.Cabdi Aw Daahir Cali oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa degmadda Widh-Widh ayaa maanta ka warbixiyay waxqabadka ay xukuumadu ka gaysatay degmadaas iyo waxyabaha ay kala kulmeen degaankaasi, waxaanu yidhi isaga oo arimahaa ka hadlaya “Waxa aanu deegaanka u tagnay arimaha amaanka, mashaariicda iyo arimaha sanad guuradii 20aad ee Somaliland oo ku beegnayd 18-kii bishan May, Waxanu la shirnay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Widh-Widh, waxaana ay dhammaan kulamadaasi noogu dhamaadeen si fiican”.

 

 

Dr Cabdi Aw Daahir Cali waxa kale oo uu soo qaaday “ Dadka reer Widh-Widhna waxay ku jiraan fidinta deegaankooda, waxaana aanu kala shaqaynaynaa qaramaynta Ciidamada amaanka, horumarinta Degmada iyo sidii loo joogtayn lahaa Xidhiidhka Dawlada iyo Dagmadaas.” Ayuu yidhi wasiirka Xanaanada xoolaha Somaliland.

 

Sido kale, wasiirku waxa uu tilmaamay inay degmadda Widh-Widh ka hirgaliyeen dhisme cusub oo maamul iyo saldhig boolis oo laga dhisay Magaaladda Bali-cad iyo tuulada Geed-dheer oo iyaddana laga hirgalinayo dugsiyo waxbarasho iyo mashaariic horumarineed.

 

Wasiirka Xanaanada xoolaha iyo weftiga uu hogaaminayay oo maanta ka soo laabtay degmada Widh-Widhi ayaa warbaahinta ugu waramay Magaaladda Burco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this