Saalax Posted May 19, 2011 Xukuumadda Somaliland Oo Beesha Caalamka Iyo Qaramada Midoobay Ka Dalbatay Inay Ictiraaf Buuxa Siiso Somaliland Oo Ay Ixtiraamaan Dhawaaqa Bulshadeeda. Hargeysa (Ramaas) May 19,2011 – Xukuumadda Somaliland ayaa baaq u dirtay bulshada caalamka, qaramada Midoobay, urur goboleedka IGAD iyo midowga Afrika, kaas oo ah in si toos ah loo guddo gallo ka hadalka ictiraafka Somaliland. Wasiirka Wasaaradda arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sheegay in la gaadhay xiligii beesha caalamku aqoonsi buuxa siin lahayd Somaliland. Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in inay beesha caalamka Somaliland uga fadhido inay si dhab ah u eegto qadiyadda madax-banaanida Somaliland, isla-markaana ay qiimeeyaan dhawaaqa shacabka reer Somaliland ee ay ku doonayaan inay beesha caalamka ka helaan ictiraaf. Wasiirka khaarajigu waxa kale oo uu sheegay inay haboon tahay in wadamada dunida iyo qaramada midoobay si xaqiiqo ah u eegaan nabadgalyadda iyo xasiloonida ka jirta dalkan curdinka ah ee labaatanka sanadood ku naaloonayey nabada iyo wanaaga. Wasiirku waxa uu tafaasiil ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo martay, isaga oo tilmaamay in dadka reer Somaliland ay ku dedaaleen sidii ay dalkooda nabadgalyo uga dhalin lahaayeen iyadda oo agtooda ay ka jiraan duruufo nabadgalyo xumo, haddana dadka reer Somaliland ILAAHAY ku guuleeyay inay nabadgalyo ku caano-maalaan muddo labaatan sanadood ah. Ugu dambayn, Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa uu ururka midowga Afrika, urur goboleedka IGAD iyo qaramada midoobay u soo jeediyey inay si dhab u eegaan qadiyadda Somaliland, kuna dhiiradaan ictiraafkeeda. Ramaasnews Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites