Sign in to follow this  
A_Khadar

Masuulkii Haystay Maxkamada Gobolka Sool Oo Caawa Lagu Dilay Laascaanood-

Recommended Posts

A_Khadar   

Yaa Ka Dambeeya Dilalka Badheedhka Ee Ka Socda Magaalada Laascaanood? Horgale Xaabsadena Ma Leg Iyo Laan Buu Ka Doortay Shacabka SSC?

Shaki kuma jiro dilalka qorshaysan ee ka dhacaya magaalada laascaanood inay ku lug leeyihiin maleeshiyaadka Jabhada SNM ee haatan xoogga ku haysta magaalada laascaanood, warbaahinta madaxa bannaan ee mareegta jidbaale.com waxaa horey loo soo gaadhsiiyey maqaalkan oo aanu horey u daabacnay, magaciisu ahaa (Horgalada Deeganka SSC oo nafla caari ah iyo shacabka oo aad u gadoodsan iyo shirarka qurba joogta) hadii aad u baahatid links kiisana halkan riix http://jidbaale.com/index.php?option=com_content&view=article&id=1525:horgalada-deegaanada-ssc-oo-nafla-caari-ah-iyo-shacabka-oo-aad-u-gadoodsan-iyo-shirarka-qurbajoogta&catid=42:wararka-af-somali

 

 

 

 

 

Hadaba su’ashan taagani waxay tahay falalkan amaan darada ah ee ka taagan magaalada Laascaanood waa maxay ujeedada ka dambaysa? hadase ma cadaatay cidda ka dambeysa dilalkan qorshaysan?

 

Soomaalidu waxay ku maahmaahda (hadalna run baa lagu cadeeya ilkana rumaye(Cadaye) sidaan wada ogsoonahay waxaa magaalada laascaanood saarnaa bandow macnaheedu yahay Aargoosi farsamaysan, muddo dheerna bandowdaasi way saarnayd, si kuwa xoogga ku joogaa ay markaasi u sugaan amaanka magaalada, oo ay u aanaynayeen shacabka qaarkiis, balse arrinkaasi waxba ka soo noqday!!!....

 

Horaa loo yidhi Qooleey Qoor qabasho biyo kuma cabtee, talaabadan ay maleeshiyada jabhada SNM u adeegsatay shacabka magaalada Laascaanood waa mid iska cad, hadii ay ku andacoodeen amaandarada magaalada shacabka ayaa wada, sidaasi ayaanan bandowda u saarnay, sow kuwan dilalka badheedhka ahi dhacayaan iyadoo ay bandow magaalada saareen?!!!.... maxay dilalku u joogsan waayeen? maxaase loo soo qaban waayey cidda ka dambeysa?

 

Teeda kale waxaa jira maleeshiyaadkii jabhada SNM waxay fadhiisimo ka samaysteen gudaha magaalada Laascaanood, ilaa haatana waxay ku soo daabulayaan maleeshiyaad hubsayn oo isu habar wacasho meela badan looga soo uruuriyey, arrintana ujeedada ka dambaysa maxay tahay?!!!.

 

Aan ku qodobeeyo siday aniga ila tahay:

 

  1. Horta waa mare waxaa la doonayaa in shacabka cabsi lagu abuuro, loona cabudhiyo.
  2. Waa marka labaade waxaa la doonayaa in shacabka magaalada laga barakiciyo, goob dagaalna loo ekaysiiyo magaalada laascaanood.
  3. Waa marka sadexaade waxaa la doonayaa in maleeshiyaadka SNM ay ugaadhsi gudaha ka wadaan, habeenkastana dhowr khaarajiyaan.
  4. Waa tan afraade waxaa la doonayaa in magaalada dhinaca dhaqaalaha laga curyaamiyo, shacabkuna u dhexeyaan baqdin iyo bandow.
  5. Waa marka shanaade waxaa la doonayaa shacabka gudaha lagu khaarajinayo, cidda khaarajisey in aan raadkooda la helin, sidaasina loo midhaysto...
  6. Waa marka lixaade waxaa la doonayaa hadii ciidamada SSC ay dagaalku soo qaadaan in ay si sahlan magaalada u dumiyaan, wixii ay heli karayaana cagta sii mariyaan, maadaama ay ******** in aan shacabka magaalada laascaanood marna diyaar u ahayn maamulka jabhada SNM, kala go’a soomaaliyana aysan marna aqbalaynin.
Xaabsade Oday Cumaamadu ka dhacday!!

 

Horgale Xaabsade oo ah nin tolkii u xiniinyo waaweyn, aadna ugu dhega nugul u adeegida maalinba meeshii uu dherigiisu ka bisil yahay, markii uu soo gaadhay magaalada laascaanood, markiiba waxaa lagu xareeyey huteel Xamdi, shir jaraa’id beenaad uu halkaasi ku qabtayna wuxuu ka sheegay inuu wax ka qaban doono ugaadhsiga midha midhaysiga ee gobolka ka socda.

 

habeen hore xilli ay magaalada laascaanood bandow tahay, Horgale Xaabsade oo ah nin aad barjaha ugu dheereeya uu ku sugan yahay huteelka caalamiga ee Xamdi, waxaa badhtamaha magaalada si badheedh ah loogu dilay laba ka mid ah kuwii u adeegayey maamulka jabhada SNM, balse deegaanada SSC ka soo jeeda, hadii shacabkii guryahooda la yidhi kama soo bixi kartaan, sow lama garan karo cidda ka dambaysey fullinta dilkaasi?

 

Sidaan xogta ku hayo ninkii khaarajiyey labadaasi horgale ee deegaanka u dhashay, iyadoo loo jeedo ayuu si badheedh ah magaalada isaga dhex maray, una aaday xeradii uu ka deganaa.... kii Xaabsade ahaa ee legga hilibka ah iyo laanta jaadka ahi isugu qoofalnaydna tolow muxuu ka yidhi?!!!.....

 

Nuxurka dilalkan badheedhka, bandowdan joogtada halkay daaran yihiin?

 

Murtiyahan soomaaliyeed baa laga hayaa Hashu maankayga gadaye ma masaar bay liqday, hada waxaan uga jeeda, ugaadhsigan ay bilaabeen maleeshiyaadka nafla caaridka ah ee jabhada SNM, xeryaha ay maleeshiyaadkoodu badhtamaha magaalada ka samaysteen, waxaasi oo dhami waa Xiniinyo Taabasho, waxaana loo dan leeyahay waa shacabka SSC, inkastoo ay jiraan qaar u rixinaya maamulka SNM, ee sidaasi u gumaadaya shacabka, misana xaalku waa alamtara soo dhaafyey!!!.

 

Talo waxaan ku soo jeedinayaan hadaad tihiin shacabka SSC gaar ahaan kuwiina qurbaha joogoow, haday doonto magaaladu ha dunto, ee fadlan ciidamada SSC ee xaq u dirirka soo xoojiya, maal, muruq iyo maskax intaba maanta ha kala masuugina waa hadaad sharaf doonaysaan.......

 

Heer waxaa la marayaa in dhallinyadii layska xidh xidho, haweenkii laga xishoon jirey layska xidh xidho, meheradihii albaabada loo laabo, dhaqdhaqaaqii dhinaca ganacsiga oo isna gebi ahaanba cidhiidhi galay, dilalkan badheedhka.

 

Waxan oo dhana waxay maleeshiyada maamulka jabhada SNM u samaynayaan waxay ******** shacabka magaalada Laascaanood inaysan marna diyaar u ahayn in la jaanqaadaan maamulka jabhada SNM ee ay goosashadu madax martay.

 

Hadaba markii ay maleeshiyada jabhada SNM ******** diidmadaasi, waxay geyeysiisey inay gudaha magaalada laascaanood ka fuliyaan arimahaan soo xusnay oo idil, waana qorshe ay ku soo tala galeen horgale iyo mid diidanba inaysan dheg jalaq u siinin.

 

Mar kale beelweynta SSC gudaha iyo dibadaba ku sugan waxaan u soo dirayaa fariintaydii labaad (tolyahow maantoo kale yaan loo kala hadhin, sidii aan isaga dul qaadi lahayn heeryada, hanjaabada, dilalka badheedhka, dhaqaale la dagaalanka la inagu hayo, bandowdan joogtada ee ay la soo baxeen maleeshiyadan gabalkeedii sii dhacayo, ciidamada SSC na soo xoojiya dhinaca jeebka iyo dhinaca moralkaba labadaba)......

 

Maxamed Xasan Jarkabood

Laascaanood

Gobolka Sool/ Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this