Sign in to follow this  
A_Khadar

Buuhoodle oo Siwayn Looga Xusay 18 May Maalinta Nadaafada (Maalinta Qashinka) - Video

Recommended Posts

A_Khadar   

Waxaa maanta oo taariikhdu ku beegantahay 18/5/2011magaalada buuhoodle ee xarunta gobolka cayn laga xusey 18 May oo ah maalin ay gobolada sool sanaag cayn ay u aqoonsanyihiin maalinta nadaafada goboladaasi,waxaana maanta siwayn looga xusey dhamaanba gobolada ssc iyadoo gobolada laga xusey ay ka mid ahayd gobolkani cayn iyo dhamaanaba deegaano badan oo hoosyimaada gobolkaasi.

 

Hadaba ololahan nadaafadeed ee maanta sitoosa uga socday magaalada buuhoodle

ayaa waxaa dhamaanba ka soo qayb galay ururada bulshada ee ka hawlgala magaaladani sida ururada dhalinyarada kuwa haweenka waxaana siwayn looga qayb qaatay nadaafada iyo bilicda magaalada buuhoodle maalinat qashinka ee gobolada ssc ayaa waxaa gaar ahaa magaalada buuhoodle ku soo beegmatay xili ay roobabkii gu,gu silaxaad leh uga da,ayaan dhamaanba gobolka cayn

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Maalinta Nadaafada Goboladda SSC oo Laga xusay Nairobi{Daawo Video+Sawiro}.

 

 

Waxaa maanta haweenka jaaliyadda SSC ee Nairobi si weyn uga xuseen magaaladan Nairobi maalinta 18ka May oo ku beegan maalin lopo Aasteeyey Nadiifinta iyo ka shaqaynta Nadaafada gobolada SSC, taasoo sanadkasta laga xuso guud ahaan deeganada SSC.

Jaaliyadda SSC ee Nairobi ayaa noqotay jaaliyadii ugu horeysey ee debeda ah taasoo ku xusta dalka debediisa sanad guurada qashin gurka SSC.

52-300x225.jpg

41.jpg51.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Buhoodle,(lasanod Online)- Munaasibadan balaadhan oo lagu maamuusayey 18ka May oo ku beegan maalinta gobollada SSC ay guraan qashinka iyo nadafada deegaanka..

 

ayaa maanta waxay ka dhacday magaalada Buuhoodle iyo dhamaan gobollada SSC.

Xuska 18-ka May ayaa waxaa maanta ay si wayn ugu qabsoontay guud ahaanba gobollada SSC, waxaana xuskan 18-ka bisha May laga xusay magaalada buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Waxaa xuskan maanta ka qayb qaatay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulsho wynta reer buuhoodle,

Dadkii maanta lagu arkayey fagaarayaasha magaalada buuhoodle ee ku hawlanaa ololaha nadaafada ee gobollada ssc ayaa waxaa ka mid ahaa ururka dhalinyarada, kuwa haweenka iyo bulsho wayn kale oo iyana iskood isku xilqaamay.

Munaasibadaan maanta ayaa waxaa iyana ka qayb qaatay qaarka mid ah golaha khusuusida SSC oo iayagu maanta la arkayey iyagoo ku hawlan xuska maalinta qashinka ee bishan May.

Isku soo wada duuboo xuska 18-ka bisha may ayaa waxaa uu kusoo aaday xili magalada Buuhoodle uu ka da'ayo roobkii guga oo hadii aan nadaafada magaalooyinka SSC kor loo qaadin ay suurta gal tahay in ay biyaha jiiffa suuqayada ay ka dhalan karaan cudurada faafa.

Barnaamijkan waxaad ku maqli doontaan Waraysiyo aanu ka qadaadnay Col. Cali Sabarey oo ah Ku xigeenka Hogaanka SSC iyo xuno kale oo ka tirsan Khusuusiga SSC iyo qaybaha bulshada ee kala duwan. dhegaysi wacan..

 

 

Halkan Ka Daawo Sawirda

Axmed Maxamed Nadiif "Ifiso"

lasanod Online, Buhoodle

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this