Sign in to follow this  
A_Khadar

Maanta waa maalintii nadaafada..May18. Happy Qashin Qub-day

Recommended Posts

A_Khadar   

Mudaaharaad balaadhan ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kadib markii shacabka..

magaalada Laascaanood ee ka soo horjeeda maamulka Somaliland ay maanta xuseen maalinta nadaafadda gobolada SSC oo ku beegan maanta 18-ka May, xilli ay masuuliyiinta gobolka Sool ee maamulka Somaliland ay u dabaaldagayeen sanadguuradii 20-aad ee ka soo wareegatay ku dhawaaqa gooni isu taaga aan la aqoonsan ee maamulkaas.

Mudaaharadkan ka dhacay magaalada Laascaanood ayaa ku yimid ka dib markii ciidamada Somaliland ee jooga magaalada Laascaanood ay ku wargaliyeen shacabka magaalada Laascaanood oo u dabaaldagayay maalinta nadaafadda gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn islamarkaana waday olole nadaafadeed, inay joojiyaan ololahaasi islamarkaana ay tagaan xarumaha dowladda oo ay ka socdeen xuska maamulkaas.

Waxaase la sheegay in shacabka magaalada ay ka soo horjeesteen inay ka qaybgalaan xuska Somaliland islamarkaana ay keentay in Maleeshiyada Somaliland ay rasaas ay cirka u ridaan, iyagoo dhinaca kalena xidh xidhay qaar ka tirsanaa dadkii ka qaybqaadanayay ololaha nadaafadda.

Qaar ka tirsan shacabkii ka qaybqaadanayay ololaha nadaafadeed ayaa bilaabay inay dhigaan mudaaharaad xoogan oo muddo saacado ah socday,iyagoo ku dhawaaqayay ereyo ay uga soo horjeedaan kala go’a Somaliya iyo qaar ka dhan ah maamulka Somaliland, balse mudaaharaadka ayaa joogsaday kadib ciidanku rasaas ay fureen shacabkii.

Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa ah mid xilligan kacsan, Iyadoo masuuliyiintii ka timi Hargeysa ayey lama filaan ku noqotay in sidii la rabay looga qaybqaadan waayo xuska maamulka Somaliland oo asbuucan wefdi uu horkacyo Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ay qabanqaabadeeda ka wadeen magaalada Laascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

mashallah wa leh wa niman muwadinin ah dalki oo dhan haday nadiifiyeen wax ka wanaagsani ba ma jirto Sanadka danbe wa in dalka oo dhan ba la nadiifiya inta la danceyo habeenimada hala ciyaaro laakin maalinti waleh dalka hala nadifiyo

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Waxaa maanta oo taariikhdu ku beegantahay 18/5/2011magaalada buuhoodle ee xarunta gobolka cayn laga xusey 18 May oo ah maalin ay gobolada sool sanaag cayn ay u aqoonsanyihiin maalinta nadaafada goboladaasi,waxaana maanta siwayn looga xusey dhamaanba gobolada ssc iyadoo gobolada laga xusey ay ka mid ahayd gobolkani cayn iyo dhamaanaba deegaano badan oo hoosyimaada gobolkaasi.

 

Hadaba ololahan nadaafadeed ee maanta sitoosa uga socday magaalada buuhoodle

ayaa waxaa dhamaanba ka soo qayb galay ururada bulshada ee ka hawlgala magaaladani sida ururada dhalinyarada kuwa haweenka waxaana siwayn looga qayb qaatay nadaafada iyo bilicda magaalada buuhoodle maalinat qashinka ee gobolada ssc ayaa waxaa gaar ahaa magaalada buuhoodle ku soo beegmatay xili ay roobabkii gu,gu silaxaad leh uga da,ayaan dhamaanba gobolka cayn

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Maalinta Nadaafada Goboladda SSC oo Laga xusay Nairobi{Daawo Video+Sawiro}.

 

 

Waxaa maanta haweenka jaaliyadda SSC ee Nairobi si weyn uga xuseen magaaladan Nairobi maalinta 18ka May oo ku beegan maalin lopo Aasteeyey Nadiifinta iyo ka shaqaynta Nadaafada gobolada SSC, taasoo sanadkasta laga xuso guud ahaan deeganada SSC.

Jaaliyadda SSC ee Nairobi ayaa noqotay jaaliyadii ugu horeysey ee debeda ah taasoo ku xusta dalka debediisa sanad guurada qashin gurka SSC.

41.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar;720504 wrote:
51.jpg

Nairobi got cleaned up as well May 18th.

wa arin wanaagsaan nairobi ba mar bay ahayd British Colony xita isku Shilin banu ahayn mar :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Shilinleysay.. The day is cleaning/Qashi qub Day. North America communities for their contribution to this qashin qub day is coming soon.. MAY 18th, Maalinta QASHIN QUBKA...

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

May 18th is the day to clean up.. Many Somalis are joining the wagon for this to clean their cities and neighborhoods.. Even a new song is on the way for this day! Heesta Maalinta Qashin qubka..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this