Xaaji Xunjuf Posted May 17, 2011 War Deg-deg Ah: Xukuumadda Somaliland Oo Maanta Sii Daysay Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil Iyo Muwaadin Kale Oo Dhowr Sanadood Jeelka Dhexe Ee Hargeysa Ugu Xidhnaa Eedo La Xidhiidha Argagixisanimo Hargeysa (Ramaas) May 17,2011 – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta xoriyadoodii u soo celisay Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil Sheekh Xasan oo 7 sanadood u xidhnaa eedo la xidhiidha inuu xidhiidh la lahaa kooxaha aragagixisada ah ee ka dagaalama dalka Soomaliya iyo Muuse Cali Aw Yuusuf isna Muddo 6 sanadood ah xidhnaa. Ma jiro war sami ah oo ka soo baxay xukuumadda Somaliland, gaar ahaan hay’adaha amaanka ee kiiskiisa u u xil-saarnaa oo sheegaya sii dayntiisa, balse shakhsiyaad ka mid ah ehelada Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil ayaa shabakada caalamiga ah ee RAMAAS u xaqiijiyey in maanta galinkii hore laga sii daayey xabsiga dhexe ee Magaaladda Hargeisa. Warka aanu helayno ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Somaliland cafis u fidiyey Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil oo muddo 7 sanadood ah xidhnaa ka dib markii beeshiisu in badan xukuumadda ka dalbatay in Sheekha xoriyadiisa loo soo celiyo. Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil ayaa ka mid ahaa macalimiinta sida wayn looga yaqaanay Somaliland isla-markaana ku caan-baxay madaarista lagu barto culuumta Islaamka, iyadda oo sidoo kale lagu xasuuska oo uu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee Hargeysa ka fura meelaha lagu daweeyo dadka jinku gallo ama qabba xannuunada dhinaca nafsiga ah (Cilaaj). Sidoo kale, xukuumadda waxa ay maanta sii daysay Sheekh Muuse Cali Aw Yuusuf oo isaguna u xidhnaa eedo la xidhiidha argagixisonimo, kaas oo la sheegay inuu Magaaladda Hargeysa Farmasii ku haysan jiray wakhtigii la xidhay. Ramaasnews Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites
Polanyi Posted May 17, 2011 Let us hope Allah pardons the anti Islamic Somaliland regime for these crimes. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 19, 2011 Madaxweynaha Somaliland Oo Cafis U Fidiyay Maxaabiistii Ugu Badnayd May 19th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa cafis u fidiyay maxaabiistii ugu badnayd ee ku xidhan jeelasha dalka, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 751 Maxbuus. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wuxuu sidaasi ka sheegay xaflad xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada oo lagu xusayay sanad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax banaanida Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in maxaabiistan uu u cafiyay si ay shacbiga Somaliland ula wadaagaan farxada dabaal dega munaasibada sanad guurada labaatanaad ee ka soo wareegtay qaranimada Somaliland oo shalay dalka Gudahiisa iyo dibadiisa laga xusay. Madaxweynuhu wuxuu isla todobaadkan cafis u fidiyay laba wadaad oo muddo sanado ah u xidhnaa tuhuno argagixiso oo la kala yidhaahdo Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil iyo Muuse Cali Aw Yuuusuf, oo falal argagixiso u xidhnaa. Sh. Maxamed Ismaaciil waxa uu jeelka Hargeysa ku xidhnaa todobadii sanadood ee la soo dhaafay, halka Muuse Cali Aw Yuusuf isaguna ku xidhnaa muddo lix sanadood ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites