Bashiir Posted May 17, 2011 Isniin, 16 May 2011 10:43 | Qoraaga: Tafatiraha Afdheer Ceel-waaq (Afdheer) Wasiir kuxigeenka wasaaradda Gaashaandhigga dalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo beryahan booqanayey gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa sheegay in la xaliyey cabshooyin ka jirey Gobolka Gedo kuna saabsanaa mushaarka ciidamada XDS ee Gedo ku sugan. Wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in roobab xoog leh ka da`een gobolka Gedo hakadeenna howlgalladii ciidamada dowladda wadeen, hase yeeshee ay sii waadi doonaan howlgalada ciidamada dowladdu illaa inta laga sugayo ammaanka gobolada Koonfureed ee daalka Soomaaliya. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in askari la goostay baabuur ciidan oo tekniko ah la qabtay laguna maxkamadeyn doono Ceel-waaq. Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga Xiddig ayaa booqasho maalmo qaadatay hore ugu soo maray gobolka jubbada hoose deegaanada ay maamusho dowladda Soomaaliya lana kulmay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa raaskaambooniyiinta jubbooyinka. afdheer.com Quote Share this post Link to post Share on other sites