Sign in to follow this  
General Duke

Geneva: Somalia delegation [TFG, Puntland Somaliland] together under one name: Pics

Recommended Posts

IMG_1927-e1305557120875.jpg

 

Wafuud ka socda Qaranka Soomaaliya oo si wada jir ah uga qayb galey shirweyne ka socda Geneva

Posted by mohamud AA on May 16th, 2011

 

Wafuud wada jir ah oo loo dhanyahay oo ka socda qaranka Soomaaliyeed ayaa si wada jir ah Taariikhda markii ugu horeysay ka qeyb galaya Shirweyne caalami ah oo ay qaban qaban qaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka Aduunka ee Magaceeda loo yaqaan( WHO)

 

Wafidigaan loo dhanayahay ayaa ka kooban Dowlada Puntland, Dowlada Somaliland iyo Dowlada DFKMG ee Soomaaliya waxeyna shalay oo tarikhdu aheyd 15.05.2011 soo gaareen magaalada Geneva ee dalka Switzerland halkasoo oo saldhig uha Hay’adaha caalimaga ee Qaramada Midoobay,waxeyna oga qeyb galayaan shirweynaha 64-aad ee caafimaadka aduunka ee Qaramada Midoobay oo sanad

 

Wafdigaan Soomaaliyeed oo si wada jir ah casumaad rasmi ah uga helay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka Aduunka ee Magaceeda loo yaqaan( WHO) ayaa kala ahaa.

 

1-Waiirka Caafimaadka Dowlada Puntland Dr.Cali Cabdullaahi Warsame

 

2- Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog)

 

3-Wsiirka Caafimaadka DFKMG ee Soomaaliya Dr. Aadan Xaaji Ibraahin

 

4-Layaliyaha sare ee wasaarada caafadka DFKMG ee Soomaaliya Dr. Cabdi Cawad Baraare

 

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan Wasiirada caafimaadka aduunku oo ka dhaci doona xarunta magaalada Geneva ay ku leedahay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee( WHO) ayaa la filayaa in ay si wada jir ah uga qeyb galaan dhamaan xubanaha matalaya Dalka Soomaaliya kana jeediyaan qudabado ku aadan dhibaatada caafimaad ee ka taagan Dalka Soomaaliya, waxeyna Kursiga Soomaaliyeed ugu farisandoonaan si wareegto ah,iyagoo u qeybsan doona kaltan kaalinta Dalka Soomaaliya.

 

Wafdiga wada jirka ah ayaa waxaa garoonka diyaradaha ee Geneva kusoo dhaweeyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva Mudane Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari Bari

 

Dhinaca kalena Dr.Cali Cabdullaahi Warsame oo ah Wasiirka caafimaadka ee dawlada Puntland ayaa furitaanka kulanka ka jeedin doona qudbad ku saabsan heerka uu marayo caafimaadka mandiqada Puntland iyo dhibaatooyinka caafimaad xumo ee ka jira Puntland,asgoona hor dhigi doona Qaramada Midoobay Dhibaatada Caafimaad ee Dowlada Puntland la tacaalayso iyo kaalintii beesha caalamka uga aadan waxqabashada dhibaatada caafimaad daro ee xiligaan ka taagan Puntland.

 

Cabdisalaan warsame oo ah Wariyaheena nooga soo warama magaalada Bern caasimada dalka Switzerland oo noosoo diray warkaan ayaa noo xaqiijiyay in magaalada Geneva ee dalka Switzerland ay wafdiga Somaliyeed ee heerka wasiiro ay si weyn u soo dhaweeyeen Jaaliyada Puntland ee ku dhaqan magaalada Geneva,wuxuuna hoosta ka xariiqay in sidaas oo kale la filayo in Jalaiyadaha kale ee Soomaaliyeed ay ayagana ka qeyb qaataan soo dhaweenta wafdigaan Soomaaliyeed ee caalamiga ah maadaama ay tahay Taariikhida markii ugu horeysay in dowladaaha sida gaarka ah u daneeya arimaha Somalia ay la kulmaan wafuud wadajirta oo Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this