Sign in to follow this  
General Duke

Bosaso, Puntland Somalia: Business Expo: PICS

Recommended Posts

Bossaso, May 15 - Bandhig ganacsi oo aad u balaaran, laguna soo bandjigay qalab iyo adeegyo cusub ayaa lagu qabtay magaalada Bossaso.

 

Bandhig-ganacsiyeedka oo lagu qabtay xarunta jaamacada Bariga Afrika ee Bossaso ayaa ahaa mid aad u bilan, aadna u soo jiitay shacaka magaalada Bossaso.

 

Bandhig-ganacsiyeedka oo loogu magac daray Maasha Allah ayaa aad u soo jiitay dadkii nasiibka u helay in ay ka qayb galaan xafladda furitaanka, ka adeegtay, sheegayna in ay ka heleen qalab iyo adeeg aad u sareeya, aadna u jaban, ayna u riyaaqeen.

 

Sharikaadka ganacsi ee soo bandhigay qalabka iyo adeegyada waxaa ka mid ah warshada Kalluunka ee Laasqorey, Golis, bangiga Salaam, Tawfiiq, Ila-Tango iyo sharikaad kale.

 

Sharikaadka ganacsiga ayaa soo bandhigay qalab iyo adeegyo cusub oo qiime dhimis lagu sameeyey, ayna ugu tala galeen bulshada.

 

Wasiirada ganacsiga, warshadaha, iyo amniga ee Puntland ayaa ka mid ahaa madaxda ka qayb gashay xafaldda furitaanka ee bandhig-gancsiyeedka Maasha Allah. Guddoomiyayaasha jaamacada Bariga Afrika iyo rugta ganacsiga ee Puntland ayaa iyana ka qayb galay xafladda furitaanka.

 

Madaxda dawlada Puntland oo ka qayb galay furitaankii bandhig-ganacsiyeedka Maasha Allah ayaa ku bogaadiyey ganacsatadu kaalinta muhimka ah ee kaga jiraan horumarinta dhaqaale iyo bulsho ee Puntland.

 

Bandhiga ayaa socon doona tan iyo 20-ka bishan May.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this