General Duke Posted May 17, 2011 Bossaso, May 15 - Bandhig ganacsi oo aad u balaaran, laguna soo bandjigay qalab iyo adeegyo cusub ayaa lagu qabtay magaalada Bossaso. Bandhig-ganacsiyeedka oo lagu qabtay xarunta jaamacada Bariga Afrika ee Bossaso ayaa ahaa mid aad u bilan, aadna u soo jiitay shacaka magaalada Bossaso. Bandhig-ganacsiyeedka oo loogu magac daray Maasha Allah ayaa aad u soo jiitay dadkii nasiibka u helay in ay ka qayb galaan xafladda furitaanka, ka adeegtay, sheegayna in ay ka heleen qalab iyo adeeg aad u sareeya, aadna u jaban, ayna u riyaaqeen. Sharikaadka ganacsi ee soo bandhigay qalabka iyo adeegyada waxaa ka mid ah warshada Kalluunka ee Laasqorey, Golis, bangiga Salaam, Tawfiiq, Ila-Tango iyo sharikaad kale. Sharikaadka ganacsiga ayaa soo bandhigay qalab iyo adeegyo cusub oo qiime dhimis lagu sameeyey, ayna ugu tala galeen bulshada. Wasiirada ganacsiga, warshadaha, iyo amniga ee Puntland ayaa ka mid ahaa madaxda ka qayb gashay xafaldda furitaanka ee bandhig-gancsiyeedka Maasha Allah. Guddoomiyayaasha jaamacada Bariga Afrika iyo rugta ganacsiga ee Puntland ayaa iyana ka qayb galay xafladda furitaanka. Madaxda dawlada Puntland oo ka qayb galay furitaankii bandhig-ganacsiyeedka Maasha Allah ayaa ku bogaadiyey ganacsatadu kaalinta muhimka ah ee kaga jiraan horumarinta dhaqaale iyo bulsho ee Puntland. Bandhiga ayaa socon doona tan iyo 20-ka bishan May. Diiwaanka Wararka, Idaacada Daljir. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 17, 2011 Another landmark moment for the peaceful and ever developing State of Puntland, Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted May 17, 2011 Beautiful! Masha'allah! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Axmed-InaJaad Posted May 17, 2011 ^ ur not from buuntiland. why u care? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 17, 2011 ^ ^ He forgot to change the Nickname dee ............. Quote Share this post Link to post Share on other sites