Saalax Posted May 16, 2011 MONDAY, 16 MAY 2011 Laascaanod-(Togdhnews)-Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda warfaafinta ee Somaliland, Axmed Cabdi Xaabsade ayaa subaxnimadii saakagadhay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool Wafdiga oo shalay ka soo kicitimay magaalada Hargeysa ayaa Imaanshihiisa Laascaanood waxa uu ku soo beegmayaa xilli uu faraha ka baxay amniga magaalada, taasoo muddooyinkii u dambeeyay ay ka dhaceen dilal iyo qaraxyo ka dhan ah mas’uuliyiinta maamulka Somaliland ee ku sugan magaalada. Guddoomiyaha gobolka Sool, Cabdullaahi Jaamac Diiriye ayaa saxaafadda u sheegay in wafdiga uu u yimid sidii wax looga qaban lahaa xaaladda amni ee magaalada. Warar kale ayaa sheegaya in wafdiga uu u yimid qaban-qaabada xuska maalinta 18-ka May, oo ku beeggan 20-guuraddii ka soo wareegatay markii la dhisay Somaliland. Wafdiga wali muusan ka hadlin sababta uu u yimid magaalada. Guud ahaan magaalada Laascaanood ayaa laga dareemayaa deddaalo lagu doonayo in lagu sugo amniga magaalada, iyadoo ciidamo militari oo ka tirsan Somaliland la dajiyay goobo ka mid ah bartamaha magaalada. Quote Share this post Link to post Share on other sites