Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland:18 May preperation celebrations in Seylac Selel+VIDEO.

Recommended Posts

Daareeno Noocee Ah Ayay Reer Boorama Ka Bixinayaan Safarka

Waftigii Marwada 2aad ee Qaranka Ee Boorama YimidPosted in May 15th, 2011 by lug in NewsBoorama-(Lug)-Imaatinka Marwada 2aad ee dalka Marwo Raxma Xaaji Muxumed Suldaan iyo waftiga ay hogaaminayso ee Boorama si ay uga qayb gasho xuska Munaasibada 18ka May ayaa ahmiyad gaar ah ugu fadhida bulshada Reer Borama, ahmiyada ayaa waxa ay si toos ah uga muuqataa sidii maanta ay busshada reer Boorama ugu soo dareertay soo dhawaynta marwada iyaga oo aan kala hadh alahayn.

 

Marwada ayaa waxa barbarkeeda taagnaan doona wasiirka wasaarada beeraha Mud. Faarax Cilmi Geedoole oo isaga laf ahaan tiisu laf dhabar u ah waftigan inta ay Boorama ku suganan doonaan.

 

Marwada ayaa ku sugnaan doonta magaalada Boorama maalmaha fooda inagu soo haya, joogitaanka marwada ee maalmahaaas ayaana waxa la rajaynayaa inuu qayb ka noqdo in waxwalba oo qaban qaabo ah oo Boorama ka socday ay u soo gabo gaboobmaan si balaadhan isla markaana waxa hubaal ah in joogitaanka Marwoda 2aad ee dalku ay dhiiri galin u tahay in ay cid walba hawshii ay haysay ee ku aadanayd xuska 18ka May si kalsooni leh u soo afjarto.

 

Dareeno kale ayaa ku lamaan imaatinka Marwada ee Boorama, waxana dadka reer Boorama ay yihiin kuwo sugayay maalmahanba inay arkaan bal cida ay noqon doonaan masuuliyiinta ka socda xukuumada ee ka soo qayb gali doona xuska 18ka May.

 

Wiil dhalinyaro ah oo Magaciisa ku soo koobay Cabdiraxmaan Cismaan oo shabakada Lughayanews uga waramayay dareenkiisa ku aadan booqashadan Marwada iyo waftiga kale ee la socda ayaa waxa uu yidhi “ galabta oo dhan halkan ayaan taagnaa waxa aan sugayay inaan soo dhaweeyo waftiga waxana ay ii tahay farxad gaar ah inaan arko Marwo Raxma oo Reer Boorama kala qayb qadanaysa xuska 18ka May.

 

Sidoo kale Haweenay iyadana uu magacedu yahay Siraad Maxamuud oo ku ganacsata gudaha Boorama ayaa tilamaantay shucuurteeda waxanay tidhi “ Waan sugaynay Marwada iyo Waftigeeda, waan filayay inay imanayso… ganacsigii ayaa maanta si fiican u dhaqaaqay waxbadan ayaa la naga iibsaday Alla wanaagsanaan lahaydaa inay dhawr maalmood sidan u joogto.

 

Dhinaca kale waxa wax badan siyaabo kala duwan loo odorasayaa waxwalba oo suurto gal ah oo ay Marwada iyo waftigeedu ku soo kordhinkaraan muuqaalka xuska 18ka May ee Magaalada Boorama, odoroskan ayaana gabi ahaantiiba salka dhigaya in waftiga yimid Boorama uu yahay mid aad u culus isla markaana asataan u ah in bulshada reer Boorama ay buuxin doonan kaalinta ah inay si baalan u xusaan maalinta 18 May ee sanadkan.

 

Si kastaba xaalku ha ahaadee dareenada ku xeeran imaatinka safarka Marwada 2aad ee dalka Marwo Raxma xaaji Muxumed Suldaan ayaa ah mid isagu u quus goynaya sidwalba oo filaysay in ay xukuudu ka gaabin doonto xuska 18ka May ee Boorama tani badalkeeda ayaana waxa uu yididiilo iyo dhiirigalin u yahay dhamaan bulshada reer Boorama oo u heelan inay xuska 18ka May u wayneeyaan si ka badan sida gobolada kale ee dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

I plan on taking part in the celebrations, I enjoy celebrating with my fellow country people.

 

Also, of the video's you posted on this thread only Burco is celebrating!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thankful;719564 wrote:
I plan on taking part in the celebrations, I enjoy celebrating with my fellow country people.

 

Also, of the video's you posted on this thread only Burco is celebrating!

 

I don't know what you are talking about but the video is about Seylac and borama

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Xaaji Xunjuf;719567 wrote:
I don't know what you are talking about but the video is about Seylac and borama

Fair enough, however this is Borama ok!

 

boorame2008.jpg

 

Do not start staying that video's of people and cars in the middle of nowhere with no building is Borama. As if the women cheering represent the entire city, when we can't even see one building.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dude do you think its a fake video or something this is from www.lughaya.com a website owned by Reer awdal why would they lie about it besides the delegation arrived in borame at night and thats why you did not see buildings and borama is a big city its not a small town like Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

I don't think the video is fake, I am just saying that for the most part it does not take place in the city. You and the website (that is pro-secessionism) is implying that it does!

 

Look, people will come out and celebrate on May 18th. Who doesn't want to have a good time? I remember when I was in Somalia in 2006, some were celebrating Italy's victory in the World Cup. But, in comparasion to the whole city, it was only a small amount of people who did.

 

It's like St. Patricks day in the west, so many people come out and enjoy it!

 

The second video is outside of Borama and the people celebrating are but a tiny number.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaaji Xunjuf;719571 wrote:
Dude do you think its a fake video or something this is from
a website owned by Reer awdal why would they lie about it besides the delegation arrived in borame at night and thats why you did not see buildings and borama is a big city its not a small town like Garowe

;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

There is no celebration in the video they are welcoming the vice presidents wife and the Ministers delegation. And it's the Gate of the Borama city but you would not know that

Share this post


Link to post
Share on other sites

Marwadala Labaad Ee Jamhuuriyada S/land Oo Maanta Xaflad Qalin Jabineed Kala Qayb Qaadatay Ardayda Dugsiga Sare Ee Al-Aqsa+SAWIRO

 

16/05/11-Borama-(Bnn) Munaasabad Si heer sare loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb gashay Marwada Labaad Ee Jamhuuriyada Somaliland Marwo Raxma X/Muxumad Suldaan Oo Ay Wehelinayso Lataliyaha Madaxwaynaha Garabka Haweenka Somaliland Marwo Amaal X/Axmed Miisaan Ayaa ka dhacdayDugsiga sare Ee Al-Aqsa.

 

Munaasabadan ayaa waxaa soo agaasimay Ardayda Fasalka Afaraad ee ka baxaysa Dugsigan Sare, kaas oo ay uga gol lahaayeen Qalin jabinta Sanad dugsiyeedkii dhamaaday Sanadkan, iskuna diyaarinayaan Imtixaankii Shahaadiga ee Sanadkan.

 

Munaasabadan ayaa sidoo kale waxaa ka soo qayb galay, Sheekh Xasan Daheeye oo ah aasaasihii dugsiyada hoos yimaada Dalada Al-Aqsa, Gudoomiyaha Shirkada Isgaadhsiinta Telesom, ee Gobolada Awdal/Salal, X/qaadir Aadam Nuur, Gudoomiyaha Waxbarashada Prof:Daahir Maxamuud Xaddi, Xoghaya Fulinta Dawlada Hoose Ee Borama, C/kariim Cismaan, Arday, waalidiin , Macallimiin Iyo Marti Sharaf kale oo fara badan.

 

Munaasabadan ayaa Ugu horeyn waxaa ka hadlay Maamulaha Dugsiga Axmed Talan Iyo Sheekh Xasan Deheeye waxa ayn au mahadnaqeen Ardaydan soo qaban qaabisay Xafladan iyaga oo illaahay uga baryay in guusha siiyo , imtixaanka ku soo fool leh.

 

Sidoo kale halkaa waxaa ka hadashay Marwada Labaad Ee Jamhuuriyada S/land Marwo:Raxma X/Muxumad Suldaan, waxa ayna sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay Dugsii uu ka qalin jabiyay Wiilkayga Curadi, waxa kale oo ay u mahadnaqday Ardayda Sanadkan Baxaysa ee Xafladan La yaabka leh soo bandhigtay,waxa ayna illaahay uga baridaday in ay imtixaanka ku soo foolka leh u fududeeyo.

 

Raxma Iyada oo hadalkeedii sii wadata ayaa waxa ay sheegtay In ay inagu soo fool leedahay Maalin wayn oo ah Xuska sanad guurada labaatanaad Ee 18May, taas oo ay sheegtay in ay ku beegan tahay Maalinta Arbacada, lagana wada Xusi doono gabi ahaan Somaliland dal iyo gudo, inaguna aynu nahay Hooyadii ay ka dhalatay Somaliland, waxa ayna sheegtay in loo baahan yahay in maalintaas wayn laga wada qayb qaato, Si aan u muujino Wadaniyadeena iyo Dawladnimadeena labaatan jirsatay.

 

Si kastaba ha ahaatee Munaasabadan oo ahayd munaasabad balaadhan ayaa waxa ay ku dhamaatay jawi Farxad iyo deganaansho ku dheehantahay taas oo ka soo qayb galayaashiina iyaga oo faraxsan Xafladii ku dhamaystay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this