Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

S/land A self reliant Nation:Agriculture Minister says we trust in our nations Agricultural Capacity

Recommended Posts

Wasiirka Beeraha Ee Somaliland Sheegay In Ay Hoos U Dhigi Doonaan Raashinka Ay Dalka Soo Galiso Xilliga Guga Hay’adaha WFP.

 

Hargeysa (Ramaas) May 14, 2011- Wasiirka wasaarada beeraha ee Somaliland Md Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoolle), ayaa maanta sheegay in ay hoos u dhigi doonaan raashinka ay hay’ada WFP keento dalka keento xilliga guga , kaasoo dhabar jab ku noqda wax soo saarka dallaga beeraha ee dalka.

 

Waxa uu wasiirka halkan ka sheegay mar uu maanta khudabad xog waran ah ka jeediyay kulan ay isugu yimaadeen xubnaha guddi hoosaadka joogta ah ee golaha guurtida Somaliland oo uu faahfaahin ka siinayay wax qabadka wasaaradiisa, waxa uu sheegay in ay samayn doonaan hoos u eegid ay kula socon doonaan raashinka ay hay’ada WFP dalka soo galiso wakhtiga guga oo ay cabasha ka muujiyaan beeroleyda maxaliga ah oo u arka in uu maja xaabinayo wax soo saarka oo suuqayada lagaga iibsado qiimo hoose oo aan u qalmin tacabkii ay galiyeen.

 

Waxa uu sheegay in uu dareemi karo dhibaatada ay beeroleyda kala kulmaan raashinka ay hay’adaas keenta, waxaana uu sheegay in ay ahmiyad badan siinayaan kor u qaadida wax soo saarka dallaga beeraha ee dalka, iyada oo ay meel badan oo gobolada dalka ay ka beereen bariis markii ugu horeysa taariikhda wadanka, isaga oo ballan qaaday in wasarada beeruhu ay qalabka beeraha lagu qoto ka caawin doonto dadka ku hawlan falashada beeraha oo ay dhibaato kay haysato qalabkii at ku qodi lahaayeen beeraha xilli roobaadyada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Beeraha Oo Hay’ada shaqaalaha ka codsaday In La shaqalaysiiyo Ardayda ka soo baxda Jaamacadaha Dalka ee bartay Cilmiga Beeraha.

 

waxaanu ka codsanaynaa dawlada iyo Hay’ada shaqaalaha in ay shaqaalaysiiyaan ardayda ka soo baxda..........

 

Hargaysa(GNS):-Wasiirka wasaarada Beeraha ee Somaliland Faarax Cilmi Geedoolle ayaa maanta kulan xog waran ah oo ku saabsan waxqabadka wasaarada beeraha ka siiyay Guddida joogtada ah ee golaha guurtida.

 

 

Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Wakiilada waxaa uu wasiirku faah-faahin ka bixiyay qorsheyaasha waxqabadka ee hawlaha wasaarada beeraha,waxaana uu sheegay wasiirku in awooda wasaarada beeruhu ay kooban tahay,isla markaana ay jiraan xafiisyo muddo hore la qalabeeyay balse aan ilaa hada shaqaynin isaga oo xusay in ay xukuumad au qoreen in la siiyo miisaaniyad ku filan waxaanu yidhi “wasaarada awoodeedu way kooban tahay, waxa jira xafiisyo la Aasaasay oo aan wali shaqayn sida xafiiska wax soo saarka wasaaradu waa bilaa gaadiid oo gawaadhi nagu filan mahaysano markaa xukuumada waxaanu u qoranay in nalasiiyo miisaaniyad nagu filan si loo tayeeyo adeegyada wasaarada)”.

 

 

waxa kale oo uu wasiirka Beeruhu sheegay inay sanadkan gobolada ay ku dhaqan yihiin dad beeralayda ah ay ka fulinayaan Mashruuc dadka beeraalayda ah loogu qodayo qoys kasta laba saacadood oo bilaa lacag ah,Maal gelinta Mashruucaasin ay ka caawiyeen ha’yadaha FAO iyo kuwo kale oo caalami waxanu yidhi “guud ahaan dalkoo dhan waxaanu ka fulinaynaa 18,000 oo saacadood oo bilaash ah,waxaanu ku dadaalaynaa inaanu si cadaalad ah ugu qaybino gobolada qodaalkaasi”.

 

Wasiirka wasaarada Beeraha ee Somaliland Faarax Cilmi Geedoolle waxa kale oo uu sheegay in ay wasaarada beeruhu ku dadaalayso sidii loo yarayn lahaa raashinka ay hay’ada cuntada aduunka ee WFP dalka keento,gaar ahaana xiliyada uu dalaga dalku soo baxo waxaanu yidhi ‘waanu dareemi karnaa dhibaatada ay beeralaydu kala kulmaan raashinkaasi,waxaan ahmiyada siinaynaa kor u qaadista dalaga beeraha ee dalka,iyada oo aanu sanadkan meelo badan oo dalka ka mid ah ka beernay bariis”.ayuu yidhi Mr Geedoole.

 

dhinaca kale wasiirka wasaarada beeraha Faarax cilmi Geedoole waxaa uu ka codsaday xukuumada in wasaarada beeraha laga shaqaalaysiiyo ardayda ka soo qalin jabisa jaamacadaha dalka gaar ahaana kuwa bartay cilmiga beeraha, “waxaanu ka codsanaynaa dawlada iyo Hay’ada shaqaalaha in ay shaqaalaysiiyaan ardayda ka soo baxda jaamacadaha dalka ee soo bartay ama ku takhasusay cilmiga beeraha”.ayuu yidhi Geedoole.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this