Jacaylbaro Posted May 13, 2011 Naagahan dafiray kii qabee diiday gurigooda# Oo wada dareerayee nin kale doontay lacagtiisa# Daayimow maxaa xigi adduun dabadii weeyaane?#.... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 13, 2011 Ismacil Mire nin xikmad badan bu aha i like his gabay about the Nature. Quote Share this post Link to post Share on other sites
SayidSomal Posted May 13, 2011 Hadday dunidu kheyr leedahay oo la isu daynaayo Dadkii Xaawo laga uumay iyo duudkii Nebi Aadan Derajada kuwii loo dhalaan laga dereersheene Seben-aakhir inuu daahir yahay suurna daba joogo Doqon iyo ninkii nacasa iyo daaldhaan garane Cadaabaha dabkoodiyo Allow naar ha nagu daadin Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted May 13, 2011 Ismaaciil Mire Wuxuu Yidhi: Kulligood addoomaha rabboow qaybsha kibistiiye Qof kastoo kabtiya ama kalaha ama kur dheer fuula Bad kalluun ku jirra kollay ku tahay amase koob shaah ah Ninba kadabkii loo qoray Illaah wuu la kulansiine Inaan ruuxna soo korodhsanayn kaa ha la ogaado .. Quote Share this post Link to post Share on other sites
SayidSomal Posted May 13, 2011 Waxba gabaygu yuu ila ordine, waxaan ku soo ooday La illow nin Aakhiro tegoo, iilka hoos maraye Quote Share this post Link to post Share on other sites
wyre Posted May 13, 2011 I like ismaciil mire Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 13, 2011 Ismacil Mire wuxu yidhi Dabkaad hurisay Cali Aadanow, dogobbadaad oogtay Dambaaburadaad ololisiyo, dirirta guusheeda ... Kumana diirsan maansadu hadday, dunida aafayne Duunkaaga kuma suubbanayn, diradiraaluhuye Allay lehe denbaab lama hadlee, kulama doonayne Dalkoo nabad ah baad uumiyaha, belo la doontaaye... Dammanaansho nimankaad biddaye, doqon ku sheegeysey Cawlkii la dabay oo mindida, dabaxda loo waayey Oo qoday birtii lagu deg-dhabay, kuugu duurxula'e Allay lehe dubbuur kugu danniyay, waaba kuu digaye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 13, 2011 Ismaaciil Mire wax badan buu yidhi ,,, lool Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted July 29, 2011 Who is Ismail Mire? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted July 29, 2011 Some darwiish comander in the begin 20th century also a poet Quote Share this post Link to post Share on other sites
Caano_Geel Posted July 29, 2011 Ismaaciil Mire wuxuu yidhi... Isma oga agoon iyo ninkii, aabaheed dilaye Isma oga nin murugaysan iyo iilka kii dhigaye Isma oga abraha weerarkiyo, adhiga goosmaaye Isma oga Ismiir iyo ninkii ayro foofsadate Isma oga Askari qooqan iyo nimaan af buuxsiine Isma oga abeer qalable, iyo inanka doonaaye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted July 30, 2011 Caano_Geel;737454 wrote: Ismaaciil Mire wuxuu yidhi... Isma oga agoon iyo ninkii, aabaheed dilaye Isma oga nin murugaysan iyo iilka kii dhigaye Isma oga abraha weerarkiyo, adhiga goosmaaye Isma oga Ismiir iyo ninkii ayro foofsadate Isma oga Askari qooqan iyo nimaan af buuxsiine Isma oga abeer qalable, iyo inanka doonaaye I like this gabay Isma oga Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted July 30, 2011 Gabayga ugu horeeya ee ninka thread ku keenay wuxuu ku saabsanyahay arimaha bulshada meeshaad wax ka weydiin lahaydeen macalinka jacaylka yaad gabayadii ismaaciil mire soo qufteen war ileen ciyaal waa ciyaal! Quote Share this post Link to post Share on other sites