Saalax Posted May 13, 2011 Ciidanka Booliska Ee Degmada Saylac Oo Xabsiga Dhigay Dad Looga Shakiyay In Ay Gacan Siinayaan Ciidanka Ka Tirsan Jabhada ONLF Oo Ka Soo Shiraacday Xeebaha Dalka ERITREA. Saylac( Ramaas) May. 11, 2011- Ciidamada amaanka ee Magaalada ku taala xeebta Galbeed ee Somaliland ee Saylac,ayaa xalay xabsiga dhigay dad la sheegay in looga shakiyay in ay gacan siinayaan dagaaliyahano ka tirsan jabhada xoraynta shacabka ********iya ee ka dagaalanta Bariga dalka ETHIOPIA, kuwaas oo la sheegay in ku soo jeedaan xeebaha Saylac iyo Lughaya ee gobolka Salel iyaga oo ka soo dhaqaaqay xeebaha dalka ERITREA oo tababaro ku soo qaateen. Dadkan la xidhay ayaa la sheegay in ay isugu jiraan qaar u dhashay deegaanka iyo dad kale oo ka soo jeeda deegaanka Soomalida ee dalka ETHIOPIA, kuwaas oo ay ciidamada su’aalo ka waydiiyeen wax ka ogyihiin ciidanka ONLF ee la sheegay in ay doonayaan in ay ka soo degaan xeebaha gobolka Salel, iyada oo ay dabayaaqadii sannadkii hore ay halkaas ka dageen ilaa 250 askari oo ka tirsan jabhadaas, kuwaas oo si xor uga gudbay xuduuda ay wadaagaan Somaliland iyo ETHIOPIA. Qaar ka mida dadkii la xidhay la sheegay in la sii daayay ka dib markii la ogaaday in aanay wax xidhiidh la lahayn ONLF-ta, halka intii kalena weli lagu wado baadhitaan ku saabsan arrintaas. Inta badan dagaaliyahanada jabhada ONLF ee lagu soo tababaro dalka ERITREA oo ay cadaw yihiin ETHIOPIA ayaa wakhtiyadan dambe ka soo dagayay xeebaha Galbeed ee Somaliland, taasoo mugdigalisay xidhiidhkii u dhexeeyay labada dal oo hada ah mid liita. Quote Share this post Link to post Share on other sites