Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

United nations urges Sh dalxiis and Mr cheese to hold selections before august 2011

Recommended Posts

Golaha Amaanka oo ku baaqay in Doorashada DFKMG la qabto kahor Agoosto (Sawiro)

 

Golaha Amaanka ee QM ayaa walaac xoogan ka muujiyay dhibaatooyinka ka jira wadanka Somaliya ka dib kulankii golaha amaanka ee shalay [Arbaco] ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

 

Golaha Amaanka ee QM ayaa sheegay in loo baahanyahay in la soo afjaro dhibaatooyinka ka jira dalka Somaliya oo ay ka mid yihiin argagaxisada,burcadbadeed iyo xaaladda binii’aadanimo ee ka jirta dalka Somaliya.

 

Cambaareyn dusha looga tuuray Baarlamaanka iyo Xukuumada

 

Warqoraal ah oo ay soo saareen 15-ka xubnood ee Golaha Amaanka ayaa cambaareeyey go’aankii mudada sadexda sano ay ku korosadeen xildhibaanada Baaralamaanka iyo Waliba wakhtigii 1ka sano ahaa ee Xukuumada ayaduna ku darsatay, iyagoona ugu baaqay qaybaha kale duwan ee Dowlada Federaalka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya inay qaadaan talaabooyin ay ku midaysanyihiin, isla markaana doorashada la qabto xiligii loogu talo galay.

 

Golaha amaanka ayaa dhinaca kalle sheegay inuu walaac xoogan uu ka qabo khilaafaadka sii xoogeesanaya ee u dhaxeeya Baarlamaanka, Xukuumadda, iyo xaaladda amaan ee dalka, waxaana uu soo jeediyay n la qabto doorashada madaxtinimada Soomaliya iyo gudoomiyaha Baarlamaanka ka hor inta aan la gaarin 20ka bisha Agoosto.

 

“…Dowlada Federaalka Kumeelgaarka Soomaaliya waa inay la timaadaa isbedal dhab ah oo ku aadan Kalsoonida lagu qabi karo dowlada, inay noqoto dowladu mid shacabka metali karta iyo waliba sharciga dhowrta…” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay 15ka Wadan ee xubnaha ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

 

Go’aankan oo ah mid taageeraya talooyinkii horey uga soo baxay shirkii Wadatashiga dhinacyada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ku qabatay bishii April magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

 

 

Ergayga QM ee Soomaaliya Ambassador Ausgtine Mahiga oo ka hadlay kulankii Golaha Amaanka ee QM ayaa sheegay in walaac xoogan uu ka qabo halganka dhinaca awooda ah ee ka jira DFKMG, isagoona sheegay in isfaham la’aanta ka dhextaagan doorashada madaxtinimo ee Soomaliya ay tahay waxaan loo baahnayn xilligan, wuxuuna ku tilmaamay khilaafaadkan inay keeni karaan qalalaaso siyaasadeed oo dalka Saameeya.

 

“…Waxaa loo baahanyahay ayaa ah in si deg deg ah loo qaado qaabkii ay u dhici lahayd doorasho, waxaana loo baahanyahay si taasi loo helo in la qeexo Kalsoonida iyo Wakhtiga ay haysato dowladda, iyadoo loo kala dabqaadayo dhinacyada ku lugta leh khilaafka sida hay’adda sharci dajinta iyo qaybaha ay ka koobahantahay dowladda FKMG….” sidaasi waxaa yiri Amb Mahiga oo ka hadlayay kulanka, wuxuuna intaasi ku daray in aysan weli muujin mas’uuliyiinta sar sare ee DFKMG rabitaan ah in lasoo afjaro khilaafka taagan.

 

Ra’sal Wasaaraha Dowladda Faderaalka KMG ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ka hadlay kulanka Golaha Amaanka ayaa sheegay in go’aanka ay Baarlamaanka mudada ku kororsadeen uu yahay mid aan ahayn dastuuri.

 

“…Sida ay rumaysan tahay xukuumadeyda ayaa ah in Baarlamaanka wakhtigan jira aysan haysan ogolaansho dastuuri ah oo sheegaya inay soo doortaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda….” sidaasi waxaa sheegay Ra’isal wasaare Farmaajo oo ka hadlayay kulanka Golaha Amaanka.

 

Ra’isal Wasaare Farmaajo ayaa ugu dambayntii sheegay in dalka ay ka jirto xaalado adag oo ay kamid yihiin burcadbadeed iyo mucaarad hubaysan islamarkaana ay dowladiisa ku dadaalayso mudada 12-ka bilood oo ay ku darsatay inay wax ka qatabato arrimahaasi.

 

Qoraalka kasoo baxay Golaha Amaanka ayaa ah mid waji gabax siyaasadeed ku ah Mas’uuliyiinta DFKMG gaar ahaan Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha oo ayagu diidan in doorashada Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka la qabto kahor bisha Agoosto.

 

[Halkan ka akhriso Qoraalkii Ra'iisul Wasaare Farmaajo kahor akhriyey Golaha Amaanka - English]

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this