A_Khadar Posted May 12, 2011 Shaqoo ka dhacdey deegan ka Balicad ee ka tirsan gobalka Cayn shaqaaqo socotey mudo kooban aya ka dhacday magalada Balicad kdib markii ay halkaas gaadheen wax garad ka tirsan Gobalka Cayn aya waxa soo weerarey Horgal Keyse Abdi Yusuf oo in dhawaale ku dhuumaley sanayey Degaan ka hoos taga Widhwidh kadinba waxa weerer ku ee keeyey dadkii deegan ka oo ka cadhoodey falkan yago saxaafada la soo xidhiidheyna waxay shege in ay ka sareen degan yado laga saarey xabad waxayna shegeen in ay kala jabeen maley shiyadi u watey keyse yago u qaaybsamey laba qeeybood hoos ka dhageeyso warey sigii odhan Listen Audio Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted May 12, 2011 Wararka aanu ka Helayno Deegaanka Balicad oo dhinaca Bariga kaga Beegan Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn ayaa ku soo Waramaya in Maanta Galinkii Hore deegaankaasi ay ka dhaceen Rabshado,……………………………. kadib Markii uu Deegaankaasi Yimid Horgalka Kayse Abdi Yuusuf, Waxana imaanshiyiisa Deegaankaasi ay timid kadib Markii Deegaankaasi Balicad ay gaadheen Wafti uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Cayn Xariir Maxamuud Axmed iyo Masuuliyiin kale. Horgalka kayse Abdi Yuusuf ayaana ugu hanjabay inay ka Baxaan Masuuliyiintaasi Deegaankaasi taasina Waxa ka dhashay Weerar Xoogan oo laysku adeegsatay Rasaasta Waxana Markii danbe deegaanka Balicad laga saaray Horgalii kayse Abdi Yuusuf Waxana kaloo laga Bur Buriyey Gaadiidkii Dagaalka ee uu Watay. Intaasina kadib Waxa Magaalada Balicad kulan Balaadhan ku yeeshay Waxgaradka iyo Cuqaasha Deegaankaasi Balicad isla Markaana Go,aano lagu Canbaaraynayo imaanshiiyaha Kayse Abdi Yuusuf ka soo saaray Balicad, Waxana shabakada Wararka Caalamiga ah ee Widh Widh online la soo Xiriiray Waxgaradka Beesha Cali shiwac oo sheegay in Hadii Kayse abdi Yusuf dib ugu soo laabto Deegaanka uu la Kulmi Doono Weerar Xoogan Waxana haatan Balicad ka socda Kulamo Deg deg ah. NB Waxaanu Waraysiyo ka Duubtay ugu yaraan 5 Caaqil iyo Waxgaradkia Deegaanka Balicad Geedheer Balihadhac Hamoogaani Waraysiyada Cuqaasha iyo Go.aamada ay soo saareen, Waxana la soo Gali Doonaa Webka Subaxnimada Barito ah hadii ilaahay Idmo, Cilad xaga Internetka awgii. Cali dhagjar Widh Widh online Buuhoodle Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted May 12, 2011 Oday XX where is your man Kayse.. He is missing in action! The man you said, he is building schools. Quote Share this post Link to post Share on other sites