Somalina Posted May 11, 2011 Muqdisho: (Sh. M. Network) Tahariibayaal Soomaali ah ayaa laga tuuray gaari ay saarnaayeen kaasi oo sababay qasaaro isugu jira dhimash iyo dhaawac. Gaari ay saarnaayeen Tahriibayaal Soomaali ah oo ka amba baxay degmada Warshiiq ee gobolka Sh/dhexe kuna sii jeeday Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa waxaa la sheegay in laga tuuray afar ka mid ah Tahriiyaashii saarnaa kuwaasi oo aan la’ogayn sababta keentay in gaariga laga tuuro. Afarta Ruux ee laga tuuray gaariga ayaa waxaa la sheegay in mid ka mid ah uu geeriyooday 2-kalena ay dhaawcmeen halka mid kale ilaa iyo iminka la la’yahay sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen goobjoogayaal ku suganaa deegaanka Birta ee gobolka Nugaal. Taliyaha Control-ka deegaanka Birta ee gobolka Nugaal Xasan Cali oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen ragii waday gaarigaasi iyo dadkaii saarnaa kuwaasi oo uu sheegay inay ku hayaann Baaritaano ku aadan sababtii keentay in dhalinyaro tahriibayaal ay gaariga ka tuuraan. Hase ahaatee arintaani ayaa waxaa ay qeyb ka noqonaysaa dhibaatooyinka loogaysto Tahriibayaasha ka cararaya marxaladaha adage ee ka jira dalka Soomaaliya, waxaana ilaa iyo iminka jira dad doonaya inay isaga baxaan dagaalada dadka badan ay ku dhinteen ee ka socda dalka Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted May 11, 2011 Garoowe, May 10 - Duleedka koonfureed ee magaalada Garoowe waxaa xalay laga soo qaaday nin mayd ah iyo labo dhaawac ah kuwaas oo laga tuuray gaari nooca xammuulka qaada ah oo ku sii jeeday magaalada Garoowe, waxaana la la’yahay mid kale oo ka mid ragga gaariga laga tuuray. Arrintaan ayaa la sheegay inay dhacday ka dib markii muran lacageed uu dhexmay minanka gaariga watay iyo ragga la daadiyey oo gaarigaasi ka soo raacay magaalada Burtinle ee isla gabolka Nugaal, waxaana labada nin ee dhaawaca ah oo lagu dawaynayo Isbitaal ku yaalla Garoowe ay maanta u sheegeen idaacadda Daljir in gaariga oo soconaya laga tuuray. Falkan ayaa la sheegay inay geysteen raggii watay gaarigaasi oo hadda ku xiran magaalada Garoowe sida uu maanta Daljir u sheegay mid ka mid ah saraakiisha soo qabatay gaariga falka gaystay, kuwaas oo iyaga iyo gaarigii ay wateenba hadda lagu hayo saldhig ku yaalla magaaladaasi. Gaariga ayaa laga leeyahay magaalada Muqdisho waxaana sarkaalku sheegay inay la hadleen milkiilaha gaariga oo hadda jooga Muqdisho uuna imaanyo. Waxaana wali aan la hayn raq iyo ruux toona mid ka mid ah ragga gaariga laga tuuray oo iyaguna ka soo jeeda gobolada koonfurta. Axmed Sh. Maxamed ‘Tallman’ Radio Daljir Quote Share this post Link to post Share on other sites