Sign in to follow this  
Somalina

Cayaar Kubada Cagta Ah Oo Dhexmartey Dhalinyaro Matalaysa Soomaaliya Jabuuti

Recommended Posts

Somalina   

Jabuuti (RBC Radio):- Cayaar aad u xiisa badan ayaa Magaalada Jabuuti ku dhexmartey Dhalinyaro matalaysay Qaramada Soomaaliya iyo Jabuuti.

Cayaarta oo ay isaga hor yimaadeen labada kooxood ee kala matalayey Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxaa ay ku cayaarayeen magacyada Xulka Soomaali Diaspora iyo Xulka Dekedaha Jabuuti.

Dhalinyarada Matalaysay dalka Soomaaliya ayaa laga soo kala xulay Magaalooyinka Puntland, Soomaaliland iyo Wadamo dhowr ah oo qurbaha ku yaala, waxaana cayaartaasi ay ahayd mid aad loogu riyaaqay.

Daawashada cayaartani ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Xiriirka Sports-ka ee

dalka Jabuuti Faduulo, Madaxa Qurba jooga iyo Iskuxirka dalka Jabuuti Xaamuud, Gudoomiyaha Ururka Somali Diaspora Maxamed Macalim, Maamulka Ururka Somali DiasporaXamdi Axmed iyo Cabdulaahi Qooje oo ah Madaxa Jaaliyada Finland.

 

Cayaarta oo ahayd mid aad u xiisa badan ayaa waxay ku soo idlaatay 3-4 oo ay guusha ku raacdey Naadiga Dekedaha Jabuuti oo marti loo ahaa, waxaana cayaartu ay ahayd mid xiisa gooni ah xambaarsan isla markaana labada dhinac ay weerar iyo weerar celis ku cayaarayeen.

 

Ciyaartaas ayaa waxa aad iyo aad uga dhex muuqday Cayaaryahanadii ka tagey deegaanada Puntland ee u cayaarayey Naadiga Comsed waxaana laacibiintaasi ka mid ahaa Ciise Maxamed Ciise iyo Maxamed Abuu-raas oo isagu dhaliyey goolkii saddexaad ee ay dhaliyeen xulka matalayey Soomaaliya.

 

Laacibiinta mataleysay Xulka Qaranka Soomaaliyeed ayaa laga keenay Puntland, Somaliland, England, Sweden, Dubai, waxaana howshani sahlay Ururka Somali Diaspra Forum.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Afar Ciyaartooy Oo Somaliland Ka Tagay Oo Laga Soo Celiyay Dalka Jabuuti Iyo Dareenka Arintan Ku Xeeran

 

Hargaysa-(Bnn) Taliyaha Ciidanka Bileyska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) ayaa sheegay inuu Amar ku bixiyey inay dalka dib ugu soo noqdaan Afar ciyaartoy oo ka tirsan kooxda ciidanka Bileyska Somaliland ee Goodir oo iyagu maalintii Jimcihii ee 6-dii bishan u kicitimay dalka Djibouti si ay uga qayb galaan tartan Kubada Cagta ah oo ka furmay dalkaas, waxaana sida uu sheegay taliyaha ciidanka Bileysku ku amray ciyaartoydaas inay dalka dib ugu soo noqdaan.

 

Taliyaha ciidanka booliska Cilmi Kabaal ayaa intaasi ku daray inay heleen warar sheegay inay ciyaartoydaasi ciyaartaas kaga qayb galayaan magaca dawladda Somaliya, isla markaana uu isagu bixiyey amarka ay dalka ugu soo guryo noqonayaan afartaas ciyaartoy.

Taliyaha ciidanka Bileyska Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf ugu waramayey khadka tilifoonka, isaga oo ku sugan Hargeysa.

Afarta ciyaartoy ee iyagu u kicitimay dalka Djibouti ayaa la sheegay inay maanta dalka dib ugu soo noqonayaan, kuwaas oo magacyadoodu ay kala yihiin Maxamed Xasan Maxamed (Gabyaaye), Jamaal Cabdi Axmed, Yacquub Cabdalle Cumar iyo Axmed C/raxmaan Maxamed (Axmed Shaafi).

Ugu horayn Taliyaha Ciidanka booliska Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal), arintaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Anaga afar nin ayaa naga raacay ciyaartoygaa, qolooyinkaas tagay Djibouti-na waxay ay ku tageen waa inay ciyaartaas kaga qayb galaan magaca Somaliland. Ujeedada ay halkaas u tageena waxay ahayd inay ka la soo ciyaaraan oo ay ka garab saftaan ciyaartoy qurbo jooga reer Somaliland ah oo iyaguna ku sugan Djibouti. aniga waxa i soo gaadhay war aan rasmi ahayn oo sheegay in la rabo inay ku ciyaaraan magaca Somaliya, markaa aan sidaa maqlay ayaanu nidhi dalka dib ugu soo noqda, waanay soo noqonayaan oo way soo socdaan. Intii aanay ciyaartoygu amba-bixin waxa nala soo xidhiidhay oo na soo waydiisatay wasaarada ciyaaraha Somaliland anaguna waanu u ogolaanay inay ka oo qayb galaan ciyaartaas oo ay magaca Somaliland waliba ku soo ciyaaraan”.

Mar uu ka hadlayay in uu wasiirka ciyaaruhu ka danbeeyey inay dalka dib ugu soo noqdaan afartaa ciyaartay, waxa uu taliyuhu yidhi “Arintani sida ay u dhacday waxa aynu ka waraysanaynaa waftigii wasiirada ahaa ee dalka Djibouti tagay, maadaama oo uu waliba ku jiro wasiirkii ciyaaraha Somalilad, markaa iyaga aynu wixii faah-faahin ah ka sugaynaa Insha Allaah”.

 

Dhinaca kale Guddoomiyaha kooxda kubadda cagta ciidanka booliska ee Goodir C/raxmaan Cumar Axmed (Awga) ayaa Sheegay, isla markaana ka hadlayay waxa ka jira wararka afarta ciyaartoy ayaa sheegay in 4-taa ciyaartoy ay maanta dalka ku soo guryo noqon doonaan, isla markaana ay ka biyo diideen markii la yidhi magaca Somaliya ku ciyaara, isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Afarta ciyaartoy ee u kici-tintay dalka aynu jaarka nahay, isla markaana ay walaalaha nahay ee Djibouti waxa ay ka mid ahaayeen kooxda ciidanka booliska ee Goodir, isla markaana waxa ay u ambabaxeen si ay uga soo qayb qaataan koob lagu qabanayo Djibouti, kaas oo ay markii hore kaga qayb galayeen magaca Somaliland ayaa waxa la yidhi kaga qayb gala magaca Somaliya, arintaas ayaa waxa ka biyo diiday afartii ciyaartoy anaguna markii aanu warkaa maqalnay waanu la xidhiidhnay waxaananu ku nidhi deg-deg u soo noqday bari Isniinta (maanta) ayaanay dalka ku soo noqonayaan hadii Alle yidhaa”.

 

Isha:Hatuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this