Jacaylbaro Posted May 11, 2011 ‘Sheekh Shariif Xilka Iska Dhiib oo ku soo Dhawoow Qaxootinimo Dalka Yeman Inta aan Xoog Laguu Adeegsan’ C/llaahi Yuusuf Sanca (Jam/W.Wararka)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdillaahi Yuusuf Axmed, ayaa markii u horraysay madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqay inuu xilka iska casilo, isla markaana uu qaxoontinimo u weydiin doono dawladda Yaman. Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo hadalkiisan lagu baahiyey qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho, waxa uu sheegay in haddii madaxweyne Sheekh Shariif uu xilka iska casilo uub qaxoontinimo ka heli doono wadanka Yaman oo Cabdillaahi Yuusuf qudhiisu qaxoonti ku yahay. “Waxaan ku sheegayaa xilka iska dhiib, anigaa qaxootinimo kaaga raadinayo dalka Yeman oo sariir aad ku nasato kuu diyaarin doonee, inta goori goortahay xilka iska dhiib, caqliga aad ku fikiraysaa waan kaan ku fikiri jiray ee sababay in xilkiia aan 30 sanno duurka ugu jiray aan aayar isaga wareejiyey, adiguna 6 bilood oo aad ku shaac baxday (Lixdii bilood ee maxaakiimtu ka talinayeen Xamar) ayaad isugu dhajineysaa xilka. Waxaan tallo kuugu soo jeedinayaa in aad isaga tagto, madaama oo aan kaa waayo aragsanahay, Sheekh Shariif xilka dhiib, kuna soo dhawoow qaxootinimo dalka Yeman, inta aan xoog laguu adeegsan,” ayuu Cabdillaahi Yuusuf ku Yidhi hadalka tallada iyo waannada ah ee u jeediyey madaxweyne Sheekh Shariif oo xiligan ku fashilmay inuu nabad ka dhaliyo magaalada Muqdisho, isla markaana sabab u ah khilaafka xooggan ee u dhexeeya hay’adaha magac-u-yaalka ah ee dawladda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 11, 2011 ‘Sheekh Shariif Xilka Iska Dhiib oo ku soo Dhawoow Qaxootinimo Dalka Yeman Inta aan Xoog Laguu Adeegsan’ C/llaahi Yuusuf Quote Share this post Link to post Share on other sites
Thankful Posted May 11, 2011 Wow, the source is all pro-secessionist! Just look at the bottom where it says "new,"...all NW Somalia nonesense. Get a more reliable source! Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted May 11, 2011 LOOOOOOOOOOOOOOOOL waa talo fiican hadduu qaadanayo Mudane Af-guduud. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 11, 2011 Sheekh Shariif xilka dhiib, kuna soo dhawoow qaxootinimo dalka Yeman, inta aan xoog laguu adeegsan,” Si fiican baabuu ula hadlay ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted May 11, 2011 Talo wax ku ool ah buu siiyay. Waxaan ka baqayaa xitaa Yemen iney diiddo Shariifka. Somaliland tolow ma aqbali doontaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 11, 2011 Kollayba meeshee xerta AwBustaale deganaan jirtay way banaan tahay hadii uu ku khalaawaynayo ... Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted May 11, 2011 LOOOOOL.. Khalwadii wuu ka ilbaxay odaygu. Tuulo yaroo Mahaddaay u eg u raadiya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted May 11, 2011 Naah sakiin ayaa baxaaya, keep on dreaming dadow. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted May 11, 2011 Thankful;718435 wrote: Wow, the source is all pro-secessionist! Just look at the bottom where it says "new,"...all NW Somalia nonesense. Get a more reliable source! the usual cantarabarash from odey JB. lol. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 12, 2011 Waa talo waayeel ... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kornaylka Posted May 12, 2011 Laga yaabaa sheekadaasi intay run u dhacdo, oo macallinka yemen loo tarxiilo, in weliba A Yusuf villaduu ku jiro qol laga dejiyo, ka dibna illeen waxkale isku soo kordhin maayaane ay villa Somalia ka sheekeystaan. Hadhooto Salaada marka la gaadhona A. yusuf yidhaahdo war bal ina tuji shariif adaa beri akhwaanul muslimiin ahaan jiree, loool, aduunyadu waa ruwaayad socota. Quote Share this post Link to post Share on other sites