Saalax Posted May 10, 2011 Booliska Laascaanood Oo Xabsiga Dhigay Dhalinyaro Ka Tirsan Sirdoonka Fallaagada SSC (Hadhwanaagnews) Tuesday, May 10, 2011 Hargaysa (HWN)- Ciidamada Booliiska ee Magaalada Laascanood ayaa maanta xabsiga u taxaabay Dhalinyaro la sheegay inay la shaqeeyaan Sirdoonka falaagada SSC kuwaasi oo hawlgalo lagu beegsanayo madaxda Somaliland hore uga Fuliyey Gobolkaasi Sool gaar ahaan Magaala Madaxdiisa Laascaanood. Hargaysa (HWN)- Ciidamada Booliiska ee Magaalada Laascanood ayaa maanta xabsiga u taxaabay Dhalinyaro la sheegay inay la shaqeeyaan Sirdoonka falaagada SSC kuwaasi oo hawlgalo lagu beegsanayo madaxda Somaliland hore uga Fuliyey Gobolkaasi Sool gaar ahaan Magaala Madaxdiisa Laascaanood. Dhalainyarda ayaa ilaa xalay gacanta lagu dhigay Tobaneeyo kamida kuwaasi oo lasheegay inay lug ku lahaayeen hawlgaladii laga fuliyey magaalada Laascaanood waxana hada lagu hayaa xabsiga dhexe ee magaaldaasi Laascanood, Hawlgalkan ay ciidamada Booliska ku qab-qabanayaan sirdoonka falaagada SSC iyo dadka xidhiidhka la leh ayaa ah kii uugu balaadhnaa ee tan iyo intii gacanta lagudhigay gobolkaasi ay sameeyaan, waxaana ay ciidamadu ku soo qabteen hawlgalkoodan rag badan oo ka danbeeyey dilalkii kala duwanaa ee laga fuliyey magaalada kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen saraakiil badan oo ka tirsan ciidamada ku sugan gobolka,iyada oo ilaa hada aan la hayn dadkii soo maleegay weeradadii lagu khaarajiyay saraakiishaas. dhanka kale dhalinyaradan ayaa lasheegay inay damacsanaayeen inay magaalada ka abuuraan mudaharaado iyo waliba kacdoono lagu taageerayo fallaada SSC, waxaana sida xaqiiqada ah magaalada gudaheeda lagu arkaa dad ku xaragoonaya Astaanta Fallaagada SSC iyado oo si xora oo bilaa cabsi ah u dhex lugeeya gudaha magaalada. Magaalada Laascaanood ayaa waayadanba noqotay Xarunta lagu khaarajiyo madaxda Ciidamada Somaliland iyo waliba masuuliyiinta kale iyada oo ilaa hada aan wax isbadali ka muuqan isla markaana wax bayaana aanay kasoo saarin Xukuumada Somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites