Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Djibouti: President ismacil cumar geele to announce a new cabinet.

Recommended Posts

Madaxwaynaha jabuuti oo la filayo inuu Soo Magaacaabo Xukuumad Cusub ka dib markii dib loogu Dhaariyay xilka shanta sanno ee Soo socda

 

 

Dadwaynaha ku Dhaqan Jabuuti ayaa Maalmahan si wayn u hadal haya Badalka Golaha Wasiirada

 

Jabuuti (Gabiley News)-Madaxwaynaha Dalka Jabuuti Mudane ismaaciil Cumar Geelle ayaa la filayaa in Todobaadkan dhexdiisa uu Soo Magacaabo Xukuumad Cusub ka dib markii Dib loo doortay shan sanno oo Danbe inuu Hayo Xilka Madaxwaynenimo ee Dalka Jabuuti.

 

Dadwaynaha ku Dhaqan Jabuuti ayaa Maalmahan si wayn u hadal haya Badalka Golaha Wasiirada dalka jabuuti iyo xubnaha cusub ee Madaxwayne Geelle keeni doono golaha oo saadaashoodu si wayn u saamaysay goobaha La isugu yimaado Magaalada Jabuuti.

 

Ra,iisal Wasaare Delleite Maxamed Delleite ayaa la filayaa inuu Barrito is caliso laguna badali doono ra,iisal wasaare kale oo dadku aad u hadal hayaan in laga dhigi doono Wasiirka Arimaha Dibada ee jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

 

Wasiirada Xukuumada Jabuuti ayaa si wayn looga Dareemayaa Cabsida ay ka qabaan isbeddel ku yimaada Golaha Wasiirada oo ay qaarkood la soo shaqaynayeen Madaxwaynaha Mudadii 12-ka sanno ahayd ee uu Talada Dalka hayay.

 

Isbelka Golaha Wasiirada Jabuuti ayaa la filayaa inuu Saameeyo qaar ka mid ah Wasiirada Halka qaar la sheegayo in loo dayn doono Jagada ay hayaan oo ay ka midho dhaliyeen mudadii ay joogeen.

 

Xukuumada Jabuuti ayaan badanaa ku samaynay isbedel badan golaha wasiirada balse doorkan waxaa la saadaalinayaa inuu Madaxwayne Geelle qaar badan ka tuuri doono jagada ay hayaan.

 

Kala soco Gabiley News Wixii ka soo kordha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this